Salaadiinta Cuqaasha Iyo Wax Garadka Kasoo Jeeda Degaanka Galbeedka Oo Go’aamo Adag Ka Soo Saaray Dilkii Labada Sarkaalka Ee Lagu Dilay Qorilugud.

Salaadiinta Cuqaasha Iyo Wax Garadka Kasoo Jeeda Degaanka Galbeedka Oo Go’aamo Adag Ka Soo Saaray Dilkii Labada Sarkaalka Ee Lagu Dilay Qorilugud.

salaadiinta Gal

Hargaysa(Salaanmedia.com)Salaadiinta Cuqaasha iyo Wax garadka kasoo jeeda Deegaanka Galbeedka Ee labada sarkaal lagag Dilay Deegaanka Qorilugud Ayaa Maanta Go’aamo Adag iska taagay Siday Ay Xukuumadu U dhayal satay in ay soo qabtaan,Gacan ku dhiig Lihii Fuliyay Dilka. Shirjaraa’id oo ay ku qabteen Magaalada hargaysa ayaa waxa ay Xukuumadu U gudbiyeen qaraarkii ugu danbeeyey,Waxaana ay ku booriyeen in Cadaalada loo sinaado Xukuumada iyo Shacaba

Sidoo kale waxa ay Saluugu Xoogan Ka muujiyeen Askartii Shalay Maxkamada Darajada Koobaad ee Ciidanka qaranku Xukunada Ku Riday, askartaas oo Fududaysay Dilka saraakiisha,kuwaas oo ay Shegeen inaanay U xidhnayn Ee layska Siidaayo. Qaacil Cabdi Cumar
Warsame oo ka mid ah salaadiinta Galbeeda oo ugu Horayn Shirkaas Jaraa’id ka hadlay ayaa waxa uu yidhi
“Xukuumadu waxa ay noo sheegtay Hadii uu Cirka Tago in lasoo qaban Doono Gacan ku dhiig Lihii Dilay Labada taliye,Shantaas Nin ee shalay ay Maxkamadu Noo Xukuntay Anaga nooma Xidhna,Waxaana ay Ku xukunta, Xukun Dabada Laga Riixayo waxaana ay Xukuumadu Noqtay in ay Difaacayso Ee daysanayaashii Dilka Fuliyay,dilkaas araxan Daradaha Kama Samrayno,Hadii ay Xukuumadu Soo qaban waydana Anaga ayaa Soo qaban. Qaacil Cabdi Cumara Warsame oo hadalkiisa siiwata ayaa intaas waxa uu ku dara”Qoysaska ay saraakiishu kasoo jeedeen hadaanu nahay, Laba boqol in ka badan ayaa nagaga Maqan Kalshaale,Lakiin Saraakiishan sida loo dilay ayaa Xun,Hadii Xukuumadu Iyo Beesha Barigu Soo qaban Wayaan,waxaanu qaadan Doonaa Siday ay u dhaqmaan,Way ka gaabisay Xukuumadu Balan qaadkii Ay Nala gashay,Waxaanu Ugu Abaal gudi Doonaa Waa loowada Joogi

Caaqil Maxamed Cabdi Qadhwan oo isna Shirkaas Jaraa’id ka hadlay Ayaa waxa laga Xumaado Ku tilmaamay Siday Ay Xukuumadu Uga gaabisay in ay Sharciga waafajiso Gacan Ku Dhiiglihii Dilay Saraakiisha Ciidanka qaranka somaliland waxaana uu yidhi” “Waxaanu nahay Shacbi Dawlada Jecel oo garab Keeda taagan oo aanay dawladu arkayn oo ay kasii jeedo,Saacadaas Maanta laga bilaabo dawlada dhabarka ayaanu u jeedinay kamana Mid Noqon Doono,Waar ninkii Dawlada Rajo ka qabaw Hoos tag anaga waxba Noogu May hadhin,Dawladana Sagaal Bilood Ayaa u hadhay wixii shilin magaalada yaal ha ka uruursato Dabadeedna Nabad galiyo ileen waxba maydun Dhigan.
Caaqil Cali Cismaan Xuseen ayaa sheegay inuu Qorshaysaan Dilka Lagu Laayay Saraakiisha Ciidanka Isaga ku Tiigaalay Siday Ay qoriga ugu dhiibeen Ciidankii Goobtaasi Joogay waxaana uu yidhi” “Ciidanka Goobtaas Joogay May qaban kari waayin Gacan ku dhiiglaha Labadii saraakiil Dilay,Goobtaas Maanu Ciidan Joogin,Gaadhka waxa gala Askar ka tirsan Ciidanka kuwaas oo qaban karayay,Waxaanu u aragnaa Inuu dil Qorshaysan ahaa,Lakiin Waxaas layskaga Tagi Maayee waa laysku Joogaa,Waxaanan Xukuumadu leenahay Gacan ku dhiiglihii waxa uu joogaa Qorilugud Meel u jirta 5kilo Mitter,Cidna soo qaban mayso Lakiin Danba waa loo qaban Marka ay Xaaladu is badasho

Caaqil yuusuf Muxumed Aw Aadan oo Dhalay mid ka mid ah saraakiisha lagu dilay Deegaanka Qorilugudu ayaa cadeeyey In ay Xukuumadu ku fashilantay in ay Xal ka gaadho isla markaasna siiso Go’aamo Qanci kara Beesha ay kasoo jedeen Saraakiishi la Dilay

Xukuumadu waanu ka Kulanay Saraakiisha la Dilay,Aniga oo ah Odayga dhalay Mid ka mid ah saraakiisha ayaa su’aal waydiiyay madaxwaynaha waxaana uu iigu jawaabay hadal aan ku qanci waayay,waxaana Hadalka ka Boobayay Wasiiro Ku Xeeran oon qancin karinba dadka waxaanu markaas leenahay,Hargaysa iyo Burco waxba iskuma Jiraan,Meel walbana waa lawada dagan yahay waxaanu leenahay madaxwayne Soo qabo inta aanay Xaaladu faraha ka bixin,hadii kale Magaalada waa lawada joogaa

Gaba-gabadii salaadiin Badan oo kasoo jeeda Deegaanka Saraakiisha ka dhinteen ayaa si iskumid ah uga wada hadlay Dilkaas kuwaas oo Xukuumada ku cambareeyey talaabada aanay wali kusoo qaban gacan ku dhiig Lihii dilka gaystay,waxaana ay Xukuumadu ku Booriyeen in ay iska siidayso Askarta Fududaysay Dilka Oo Xukumo aanay u bogin Cadaaladu ku riday