Seddex Hablood Oo Maanta Si Naxdin Lah Ugu Dhintay Balli Ku Yaala Duleedka Hargeysa Oo Uu Aabahood U Dalxiis Geeyay Iyo Lix Kale Oo Badbaadiyay

Seddex Hablood Oo Shalay Si Naxdin Lah Ugu Dhintay Balli Ku Yaala Duleedka Hargeysa Oo Uu Aabahood U Dalxiis Geeyay Iyo Lix Kale Oo Badbaadiyay

NEWS N

Hargeysa-(Salaanmedia.com)- Alle ha u naxariistee Saddex hablood oo yar-yar ayaa ku dhintau balli ku yaala Biyo Shiinaha oo ku yaala duleedka Waqooyi ee magaalada Hargeysa ah, kuwaas oo la sheegay in Aabahood uu Shalay salaadii ciida kaddib uu u dalxiis geeyay balligaa. Qaar ka mid ah ehelada carruurtan oo aanu caawa khadka Tilifonka kula xidhiidhay, ayaa noo sheegay in ay balligan ay ku dhinteen Saddex hablood oo laba ka mid ahi ay walaalo ahaayeen halka Inanta kale ee ku dhimatay balliganina ay ahayd inantii la socotay Sideedan caruur ah ee uu aabahood waday oo ay jaar ahaayeen, oo ahayd gabadh yar oo kaligeed uu waalidkeed dhalay, waxaana la sheegay in xiiliga ay carruurani balligan galeen ay ahayd

xilli uu aabahood tukanayay oo uu ku jiray salaadii duhur ee maanta. Layla Ibraahin Cabdi oo ka mid ah ehelada carruurta uu liqay Baliga oo sababay geerida saddexda hablood ayaa nooga warantay caawa sidii naxdinta lahayd ee ay arrintani u dhacday waxaanay tidhi ”Carruurta Aabahood ayaa saaka salaadii ciida kaddib u dalxiis geeyay balligan ku yaala biyo shiinaha , waxaanay ahaayeen siddeed carruura ah oo wallaalo ah iyo Inan yar oo ahayd dariskooda, siina raacday carruurtaa yar-yar ee ay isku xaafada ahaayeen, kaddib Aabahood isagoo tukanaaya Salaadii Duhur ayay carruurtii galeen baligii, xitaa kuwii yaryaraa, markaa saddexda hablood ee balligani liqay ee ku dhintay liqay waa kuwii ron-roonaa da’ ahaan carruurta, Intaa kaddib, markii uu aabihi carruurtan dhaly uu ka soo baxay Salaadii, waxa uu arkay carruurtii oo baligii gashay dabadeed kuwii yar-yaraa ayuu ka soo daad gureeyay, kuwii waa weyn ayaa hore u galay, waana kuwa uu liqay ee ku dhintay dhintay. Waxaa ku dhintay laba hablood oo wallaalo ah oo ka mid ahaa Siddeeda caruur ah ee uu dhalay aabaha caruurtan waday iyo Inantii dariska ay ahaayeen ee la socotay oo ay kaligeed waalidkeed dhaleen, waxaana dhalay aabe ka shaqeeya dawlada hoose ee Hargeysa oo lagu magacaabo Cismaan Suug,. Maydkoodana waxa la keenay cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa, markii la cadeeyay in ay dhinteen waa laga soo qaaday meydkooda caawa gurigooda oo ku yaala xaafada Geed-Deeble, oo ku taala magaalada Hargeysa .”Sidaa ayay tidhi Layla oo Habar-yar u ah Inanta kaliya oo ay sheegtay in waalidkeed uu kaligeed dhalay oo caawa khadka Telefoonka ugu waramaysay Hadhwanaagnews. Dhinaca kale, mar aanu caawa khadka Telefoonka kula xidhiidhnay masuuliyiinta Cusbitaalka guud ee Hargeysa, si aanu wax uga waydiino dhacdadaa, balse nasiib daro Telefoonadooda ayaa xidhnaa, hasa yeeshee, Layla Ibraahin Cabdi, oo habaryar u ah Inanta kaligeed ahayd ee uu balligu wada liqay labadaa hablood ee wallalaha ah in meydka Seddexda hablood ee yar yar la keenay caawa gurigooda oo ku yaala xaafadda Geed Goble, ee magaalada Hargeysa.