Shalay iyo shirkii golaha deegaanka Hargeysa ee khaatumo la’aanta ku dhamaaday

Shalay iyo shirkii golaha deegaanka Hargeysa ee khaatumo la’aanta ku dhamaaday

Golaha-Deegaanka-Hargeysa

Hargeysa, (Salaanmedia.com)-Khilaaf cirka isku shareeray ayaa ka dhex qarxay furitaanka kal-fadhiga 8-aad ee Golaha Degaanka Hargeysa, kadib markii qaar ka mid ah xildhibaannada golaha iyo maayirka caasimaddu isku maandhaafeen ajandaha golaha iyo in laga hadlo qaabka loo maamulay miisaaniyaddooda sannadka 2014.
Fadhigan oo loo ballansanaa in la sii amba qaado Ajandayaashiisa oo Khamiistii la dhamaystiri kari waayay, waxana dibadda u soo baxay khilaaf hoose oo laba garab u kala jabiyay Mudanayaasha Golaha Deegaanka Hargeysa.
Xildhibaan Cismaan Xasan Faarax (Cismaan Waxar) oo ka mid ah xildhibaanno bannaanka uga baxay fadhigii golaha deegaanka ee shalay, ayaa warbaahinta uga xog-waramay fadeexado musuqmaasuq oo uu u jeediyay maayirka Hargeysa, isagoo faahfaahin ka bixiyey sababta keentay inay ka baxaan fadhigii golaha.
“Waxyaabaha aannu isku haynay waxa ka mid ah miisaaniyaddii sannadka 2014-ka ee guddigii soo diyaarisay aan ka mid ahaa waxay ahayd 50 bilyan oo shillinka Somaliland ah, iminka bishii tobnaad ayeynu ku jirnaa, lacagteedii waatan warqadan aan hayo ku taal oo way soo wada baxday, marka laga reebo lacagta mashruuca JPLG-ga, (mashruucaha horumarinta magaalooyinka) iyadoo weliba lacagtii kabka dawladda dhexe ee dawladda hoose qaadanaysay ay Wasaaradda Arrimaha Guduhu ku samaysay diiwaangelinta haddana xataa tii kabku way soo baxday oo waxa jirtay in aannu cashuuraha kordhinay sannadkan oo iyadu kabtay, markaa laccagtii miisaaniyaddu dhammaanteed way soo baxday. Hase-yeeshee, mashaariicdii loogu talogalay in ummadda loogu adeego maxaa ka fulay, maxaanse ka fulin? Dhammaanteed 5% waxba kamay fulin, lacagtiina bangiga ma taalo, markaa sow in la is-waydiiyo maaha lacagtii xaga ay qabatay? Wuxuu yidhi (maayirku) yaan laga hadlin taa, arrinta aannu ka diidnay ee muranka keentay waxa weeye waa laga hadlayaa hantida ummadda iyo halkay ku baxday, waayo dad masaakiin ah iyo dumar wadhato ah ayaa laga soo ururiyey, lacagtii halkay martay in is-waydiiyo oo la is xisaabiyo oo golaha la soo hordhigo wuu diiday maayarku, mana aqbalayno waanu dhaaranay oo kitaab baanu gacanta saarnay,” ayuu yidhi xildhibaan Cismaan Waxar.
Waxa kaloo uu intaas ku daray, “Laba sannadood baanu lahayn yaan la odhan sidii qoladii hore shan sannadood bay is haysteen ee ummadda yaan la khalkhalgelin, taasaa mushkilad nagu dhashay oo nagu keentay inay nagu kortaba caddaalad-darradii, musuqii inuu nagu bararo ayey na gaadhsiisay, laakiin ma daynayno ilaa ummadda lacagta laga qaadayaa wax cad noqoto (Transparency).”
Xildhibaanka ayaa sidoo kale maayirka iyo maayir-ku-xigeenka Hargeysa ku eedeeyey inay jabiyeen qodobo ka mid ah Xeerka Is-maamulka Gobolada iyo Degmooyinka dalka, kuwaasoo uu xusay inay ka mid yihiin qodobka 99aad, faqaradiisa 1aad ilaa 5aad, kaasoo sheegaya in goluhu samaynayo gudi qandaraas, balse aan ilaa hadda waxba laga qaban arrintaas, waxaannu yidhi;“Marka Qandaraas la bixinayo ama iib la galayo xeerku waxa uu sheegayaa in golaha degaanku samaynayo guddi qandaraas, taasi oo maayarka laftiisa faa’iido u ah, laakiin ‘AHNA, AHNA’ iyo aniga ayaa hantida ummadda laga ururinayo ilaalinteeda iyo halkay gashay ma soconayso. Xeerku waxa uu sheegayaa in maayarka, maayar-ku-xigeenka iyo xoghayuhu iyo guddiga fulintu haddii ay u baxayaan safar shaqo ama fasax gooni ah u baxayaan inay fasax ka qaataan Guddiga Joogtada ah ee golaha, laakiin makhaayad baa laga dhigay meesha (Golaha Deegaanka) marka la doonana la baxayo, marka la doonana la soo galayo, cid laga fasax qaadanayaa ma jirto, waxaannu ku war helnaa uun ebel maanta ayuu baxay oo meel hablaayo ayuu tagay.”
Dhinaca kale, Maayirka Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Cadiid (SOLTELCO), oo shirguddoomiyay fadhigii Golaha Degaanka ee shalay, ayaa ka gaabsaday inuu wax tafaasiil ah ka bixiyo tabashooyinka sababay in xildhibaanno golaha ka tirsan bannaanka uga baxaan fadhiga“Waa Nasiib daro qofku inuu garan waayo waxa uu ka hadlayo, miisaaniyadayadu waxa ay ku salaysnayd korodhka miisaaniyadii 2013 iyo 2014 oo farqiga u dhexeeyey yahay korodhka aanu miisaaniyada kordhinay bishii 9aad ayuunbuu xisaab hayaa isagoo guddida dhaqaalaha ka mid ah hadana inuu beenta intaa leeg ka sheego xildhibaanku isagay u taalaa.Waxa uu yidhi waxa soo baxay macal kabkii, waxaanad wada ogtihiin in kabkii lagu galay diiwaangalinta oo arin qaran ahayd, waxa kale oo uu ka hadlay mashaariicdii 5% lama qaban taa anigu waxa aan markhaati uga dhiganayaa shacabka iyo media-ha, wadadaa dhexe ee ka soo bilaabanta Halaya ee ku joogta Buurta-kala Jeexan ee dawladda dhexe iyo dawladda hoose iska kaashadeen anagoo madaxweynaha uga mahad celinayaa hawshaasi uu nala galay, waxa kale oo hawshaasi uga mahad celinayaa wasirka Madaxtooyadda, Maaliyadda iyo Arrimaha gudaha, yaa dhisay Garoonkii Xawaadle, Barxada Cusbitaalka Hortiisa iyo Dabdamiskii oon ku jirin Miisaaniyada dawlada dhexe balse dawlada hoose qaadatay kharashkii ku baxaya hawlgalkiisa oo guddi joogto ah goluhu ku ansixiyey, hadii goluhu uu diido wixii uu ansixiyey waxa aanu idin siin doonaa Muuqaaladii Video-ga ahaa ee la idinka duubay”ayuu yidhi Maayarka oo iska difaacayey eeddo ay u soo jeediyeen qaar ka mid ah xildhibaanadda golaha Deegaanka. Waxaanu intaas ku darayaa “Waxa la yidhi nin ay u muuqato halka aad joogtaa, qof kursigani uu u muuqdo waxuu doono ayuu ku hadlayaa, waxaan leeyahay illaahay ayaa bixiya masuuliyada iyo maamulka, qofku inuu dhaleeceeyo cid maaha, aniga iyo Cismaan Waxar way na kala taqaanaa ummadu kaayaga musuqmaasuq lagu eedayn karo ee kiisas ka yaalaan dawlada Hoose ee todoba Maayir halkan ka eryeen isaga oo shaqaale ah waa la yaqaanaa”.