Shalay: Maxaa Ka Soo Baxay Shirkii Shidaalka Iyo Gaasta Soomaaliya Ee London?

Shalay: Maxaa Ka Soo Baxay Shirkii Shidaalka Iyo Gaasta Soomaaliya Ee London?

SHIRKII SHIIDALKA

London, (Salaanmedia.com) -Shir lagaga wada xaajoonayo mustaqbalka shidaalka iyo gaaska Soomaaliya, ayaa shalay ka dhacay xarunta dalka UK ee London, isla markaana waxa ka qayb galay Dawlada Federaalka Somaliya, Shirkadaha caalamka ee Shidaalka baadha soona saara iyo kuwa ka ganacsada ee iibiya.
Kulankaas oo maalin keliya socday warar naga soo gaadhay, waxay sheegeen in Wasiirka macdanta iyo shidaalka dawlada Soomaaliya, Daa’uud Maxamed Cumar, hadal uu madashaa ka jeediyay wuxuu ku sheegay in dawladdiisu qorshaynayso in Soomaaliya laga qodo ceelal shidaal, sidoo kalena wuxuu sheegay inay si dhaqso ah dalka uga hawlgeli doonaan shirkado shidaal oo hore dawladii Maxamed Siyaad Barre heshiisyo ula gashay.“Shirkadaha shidaalka ka ganacsada ee hore heshiisyada loola galay waa in ay dib hawlahooda uga billaabaan gudaha Soomaaliya, lamana ogolaanayo inay hantida Soomaaliyeed is kala fadhiyaan. Annaga hadda wadahadal baa noo socda, waayo waxaa jira waxyaabo ay hore uga cabanayeen oo aanu xallin doono”, ayuu yidhi Wasiirku mar uu ka hadlayay furitaankii shirkaa.
Shirkadihii hore ula galay heshiisyada baadhista shidaalka dawladdii hore ee Soomaaliya waxaa ka midah; Shell, Conoco, Shevron iyo kuwo kale, kuwaa oo goobjoog ka ahaa goobta uu shirku ka furmay. Sidoo kale wasiirku wuxuu shirka ka sheegay in aanay dawladda Somalia aqoonsanayn shirkadihii hore heshiisyada ula galay cid aan ahayn dawladda federaalka Soomaaliya, taasoo loo dhadhansaday inuu ula jeedo Somaliland. Wuxuu intaa ku daray in dawladdu ay la tashanayso muwaadiniinta iyo maamul-goboleedyada dalka ka jira.

Wasiirka macdanta iyo shidaalka Soomaaliya mar la waydiiyay su’aal ahayd in qaybo ka mid ah Soomaaliya ay ka jirto colaad salka ku haysa shidaalka, wuxuu ku jawaabay, “Shidaalka Somalia waxaan ku caddayn karaan laf-jabtay oo si maroorsan u kala baxday, waayo laf-jabtay marka la kabayo xanuun badan ayay leedahay, balse waa loo adkaystaa. Sidaa daraadeed wasaaraddu waxay ku jirtaa sidii ay u hagaajin lahayd ee si saani ah loogu qaybsan lahaa.” Waxaanuu ka digay, in cidda heshiiska galaysa aylama huraan tahay inay ka fikirto waxa hadhow ka iman kara.

Agaasimaha shirkadda dalka Britain laga leeyahay ee Som Oil & Gas, Mr Sheppard oo isaguna shirka ka hadlay ayaa xusay inay dhawaan soo khatimeen baadhitaan ay ka wadeen xeebaha ka baxsan Soomaaliya, isagoo xusay inay baadheen 185,000 km oo badda gudaheeda ah, laga billaabo xeebaha meelaha ay ku muransan yihiin Somalia iyo Kenya.

Dhanka kale, waxaa shirka lagu soo bandhigay daraasado kala duwan oo ku saabsan fursadaha maal-gelineed ee shidaalka Soomaaliya iyo xogo kale oo ku aaddan suurogalnimada xaddiga shidaalka iyo gaasta somaliya. Madaxweynaha maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Cabdiweli Gaas iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa ka mid ah madaxda soomaaliya ee ka qayb gashay shirkaa. Ka hor intii aanuu shalay subax ka duulin magaalada Muqdisho Xasan Sheekh wuxuu kulan kula qaatay xafiiskiisa wafti ay hogaaminaysay wasiirka Horumarinta ee Ingiriiska, kaasoo isla shalay gelinkii danbena soo gaadhay magaaladda Hargeysa, kulamana la yeeshay xukuumadda Somaliland.
Is sheegasho iyo is beejin la xidhiidha soo saarista shidaalka ayaa ka dhex aloosan Somaliland iyo Somaliya, isla markaana dawlada Ingiriiska ayaa la sheegayaa inay wado olole ay doonayso in lagu soo koobo khilaafka. Xukuumadda Somaliland ayaa iyana dhinaceeda cadaysay mawqifka ay ka taagan tahay soo saarista shidaalka, si adagna uga jawaabtay sheegashada xukuumadda Xasan Sheekh ee la xidhiidha maamulka khayraadka Somaliland. “Maadaama aynu rumaysanahay in Somaliland iska leedahay, sida aad xustay Somaliland waa qaran iskii isu taagay oo ka madaxbannaan Soomaaliya muddo 23 sannadood ah. Somaliland waa qaran xaqiiqo (Defacto) ahaan u jira oo khayraadkiisa maamula, sidaa darteed waxaannu rumaysanahay in aannu haysano sharciyad ah in shidaalka iyo saliidaas uu iska leeyahay qaranka Somaliland. Tusaalaha ugu wanaagsan ee taas ku tusaya waa; waxa dalka ka jira shirkaddo ganacsi oo shisheeye oo heshiis la gala Somaliland, mana tagaan Muqdisho si ay uga soo qataan laysanka ay ku hawlgalayaan, waxaanay yimaadaan caasimadayada Hargeysa, heshiisyadaasna waxay la saxeexdaan dawladda Somaliland, basle Soomaaliya lama galaan.” Sidaa waxa yidhi wasiirka Macdanta iyo tamarta Somaliland Xuseen Cabdi Ducaale oo waraysi siiyay dhawaan wargeys lagu magacaabo, Arise Globel Business Report.
mar wax laga waydiiyay Wasiirka in xukuumadda Muqdisho ku andacoon karto lahaanshaha shidaalka haddii shirkadduhu mustaqbalka ku guulaystaan soo saaristiisa, wuxuu yidhi; “Ma saadaalin karo waxa xukuumadda Muqdisho qaban doonto, iyagaana khusaysaa waxay samaynayaan, balse waxaannu boqolkiiba boqol hubnaa in khayraadka uu yeelan doono Qaranka Somaliland, waxaana asal ahaan iska leh shacabka Somaliland.
Somaliland wuxuu ahaa qaran madaxbannaan oo xoriyadiisa ka qaatay Ingiriiska 26 June 1960, kadibna waxaannu iskaayo ula midawnay dalka Talyaanigu guumaysanayey ee Soomaaliya loo yaqaanay, midawgaasina wuu shaqayn waayey, kadibna waxaannu kala noqonay madaxbannaanidayadii Soomaaliya.
Waxaannu qabanaa wax kasta oo aannu ku kasban lahayn kalsoonida bulshada caalamka, mana hayno waddan sidii dawlad jirta noola dhaqmaya, balse waxa dalka ka furan xafiisyo ay leeyihiin dalal kala duwan sida Ingiriiska, Itoobiya, Jabuuti, Kenyana hadday ka furanaysaa xafiiska siday sheegeen. Waxa jira hay’addo caalami ah oo Qarammada Midoobay ka tirsan oo noola macaamila sida qaran madaxbannaan, iyagoo aan noo soo marin Muqdisho