Shalay: Xildhibaanadda Xukuumadda Oo Ka hadlay Sababtay U Qaadaceen Fadhigii Lagu Ansixin Lahaa Komishanka Doorashooyinka

Shalay: Xildhibaanadda Xukuumadda Oo Ka hadlay Sababtay U Qaadaceen Fadhigii Lagu Ansixin Lahaa Komishanka Doorashooyinka

Dhaameelka

Hargeysa, (Salaanmedia.com) Xildhibaanada golaha Wakiilada Somalilandayaa u kala jabay laba garab, waxaana weli dhisaalan khilaaf xoog leh oo ka dhashay xeerka diiwaan gelinta ee loo gudbiyay Guurtida, kaasoo mudanayaashaa qaarkood ku doodayaan in aanuu ahayn kii saxda ahaa ee ay ansixiyeen, qaarna ku dhawaaqayaan waa kii saxda ahaa ee goluhu ansixiyay, isla markaana waxa xildhibaanada muxaafidka ah ayaa shalay shir jaraa,id oo ay qabteen ku eeddeeyay Gudoomiyaha golaha Wakiiladda inuu galay qalad sharci.
Xildhibaanadan oo Shir jaraa’id ku qabtay Hargeysa ayaa sheegay inuu godoomiyuhu ku kacay Qalad sharci, waxa kale oo ay sheegeen inuu qaladkaasi Doorashada soo socota Saamayn ku yeealan karo hadii aan xal laga gaadhin ugu horayn Shirkaasi jaraa’id waxa ka hadlay Xildhibaan Bukhaaari waxaanu yidhi,“Golaha wakiiladu xeerkii ay ansixiyeen ee loogu talo galay inay Komishanku ku shaqeeyaan, si ay doorashadu waqtigeedii u dhacdo, waa la majara habaabiyay oo xeerkii goluhu ansixiyay xeer aan ahayn ayaa loo gudbiyay Golaha Guurtida. sidaa awgeed Goluhu wuxuu gudoomiyaha u soo jeediyay Xeerkaa aanu goluhu ansixin, in la loojiyo oo la gudbiyo Xeerkii uu Goluhu ansixiyay. Kalsoonidii uu Goluhu ku qabay Gudoomiyahana meesha ayay ka baxday, waayo Xeer dhan oo qodobo dhan la badalay waa la aqbali waayay”, sidaa waxa yidhi Xil. Saleebaan Bukhaari.
Xildhibaan Bukhaari wuxuu intaa ku daray oo uu yidhi, “waxaanu go,aansanay inta hawshaa laga garnaqsanayo ee uu gudoomiyuhu ka xaajo qaadanayo ee arintaa meel lagu tiirinayo inaanuu goluhu furmin. waxaanu u gudbinay mooshin ay ku saxeexan yihiin Xildhibaano ku dhaw 50 oo aanu leenahay Gudoomiye hawshaa ha laga garnaqsado ee ha furin golaha, waanuu iska dhega tiray dabadeedna Xildhibaano tira yar ayaa saaka(shalay subax) u tegay oo nagu eedeeyay xilgudasho la’aan, markaa ma waxa xilgudasho ah in la foojari gareeyo xeerkii dhamaa ee golahu asnixiyay, mise Gudoomiyaha oo Dastuurka inaanu ka aqbalno oo aanu nidhaahdo Komishankii baa la ansixinayaa kalsooniba kuma qabno tirada soo baxaysa iyo sida loo tirinayo”.
Xildhibaan Waabeeye ayaa isna ka mid ahaa mudanayaashii madashaa ka hadlay waxaanuu yidhi,“waxay Xildhibaanada badidoodu go,aansadeen in laga daba tago xeerkaa qaldamay si loo hubiyo, qarankani Xeerka uu ku shaqaynayaa inuu yahay kii saxda ahaa ee ay Xildhibaanadu ansixiyeen, loona kasbado kalsoonida dadwaynaha, majooritiigii golaha wakiilada oo Sharci ah oo aqlabiyad ah waxay go’aan sadeen, maadaama oo uu qalad kaasi dhacay oo qalad wayn ah, ahna qalad sharci oo qaran, in arintaa la baadho oo la hubiyo iyadoo loo marayo hanaan wanaagsan, waxay noqotay inaanu mooshin sifo Sharci ah u qorno oo aanu nidhaahno inta arintaa xal laga gaadhayo waa inaad noo hakisaa, Golihii Wakiilada waxa dhacday tii in la horjoogsada. Halkii ay qoladii qaladka samaysay qaladkoodii ka saxi lahaayeen ama ay odhan lahayd sidaasay wax u dhaceen, waxay ku darsadeen laysu joojin maayee Golihii baa furmaya, Golohu wuxuu ku shaqeeyaa majoorati, 50 Xildhibaan ayaa soo jeediyay hakiya Golaha, iyagoo 15 ah ayay yidhaahdeen hakin mayno muxuu gole ku furmaa, ceebta maanta halkaa ka dhacdayna Goluhu ma wada laha ee waxa leh Gudoomiyaha iyo Xisbigiisa tirada Yar, anagu wax sixid baanu u baajinay markii hore”.
Xildhibaan Cali Mareexaan oo ka mid ahaa mudanayaashii halkaa ka hadlay ayaa isna weedhihiisii wax aka mid ahaa,“waxaanu balshada reer Somaliland u sheegaynaa waxa socday hanaan Doorasho, Goluhuna wuxuu hore u ansixiyey in la is raaciyo labada doorasho, waxay taasi naga tahay inaanu dedejino hanaanka ay u socoto Doorashadu, ma waxa doorashadii hakiyay ninka markuu xeerkii baxay wax kale ku faygaray ee bedelay mise waxa socodsiiyay ninka sidii uu sharcigu ahaa u ansixiyay, runtii waxa doorashada hanaankeedii dhexgalay oo dib u dhigay ninka Xeerkii markuu baxay sida sharci darada ah wax uga badalay ee aad ka wada dharagsantihiin, kaasaa eeddeeda iyo qalad keedaba leh” .