Shirka Maalgashiga iyo Ganacsiga Somaliland oo London ka Furmaya Maanta

Shirka Maalgashiga iyo Ganacsiga Somaliland oo London ka Furmaya Maanta

Somaliland-investment-forum

Hargeysa (Salaanmedia.com)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md.Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa dalka Ingiriiska kaga qaybgalaya shirweyne caalami ah oo ku saabsan maalgashiga Somaliland oo furmaya magaalada London, Salaasada maanta
Madaxweyne Siilaanyo iyo xubno ka mid ah wasiirradiisa, masuuliyiin iyo gacansato reer Somaliland ah, madax sare oo ka tirsan dawladda Britain iyo maalqabeenno kala duwan oo ka kala socda caalamka, ayaa la filayaa inay ka qaybgalaan shirka ganacsiga iyo maalgashiga Somaliland oo ay qabsoomaddiisa iska kaashanayaan dawladaha Ingiriiska iyo Somaliland (UK-Somaliland – UK-Somaliland Trade & Investment Forum), kaas oo ah kii u horreeyey ee noociisa oo lagaga hadlayo khayraadka kala
duwan ee dalka. Shirkan oo qabsoomaya Salaasada maanta oo taariikhdu tahay 14 October 2014, soconna doona hal maalin, waxa qabanqaabadiisa leh shirkad la yidhaa DMA (Developing Markets Associates) oo ka shaqaysa hawlaha horumarinta suuqyada ganacsiga caalamka, waxana goob-joog ka noqonaya Wasiirka Arrimaha Afrika ee dawladda Britian. Madaxweynaha waxa ka qaybgalka shirkaas ku wehelinaya wasiirrada Arrimaha Dibadda Md. Maxamed Biixi Yoonis, Madaxtooyada Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, Qorshaynta Dr. Sacad Cali Shirre, Macdanta iyo Tamarta Md. Xuseen Cabdi Ducaale, Ganacsiga Md. Muuse Qaasim, Wasiirkii hore ee Ganacsiga Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar iyo masuuliyiin kale iyo ganacsato reer Somaliland, kuwaasoo la filayo inay shirkadaha maalgashiga ee adduunka u bandhigaan fursadaha ganacsi iyo maalgashi ee ka jira dalka.