Siyaasiyiin Ka Tirsan Xisbiga Kulmiye Oo Xubno Xukuumadda Ku Jira Ku Eedeeyay Faafinta Warkii Sheegayay In Uu Madaxweyne Siilaanyo Ka Hadhay Tartanka Doorashada Madaxtinimada

Siyaasiyiin Ka Tirsan Xisbiga Kulmiye Oo Xubno Xukuumadda Ku Jira Ku Eedeeyay Faafinta Warkii Sheegayay In Uu Madaxweyne Siilaanyo Ka Hadhay Tartanka Doorashada Madaxtinimada

Siyaasiyiinta

(Salaanmedia.com) Kol haddaanay ahayn Xisbiyada Mucaaradka ah, Kol haddii Hogaankii Xisbiga Kulmiye na iska fogeeyay, Qaar Ka Mid ah Siyaasiyiinta Xisbiga Kulmiye ayaa ku eedeeyay Xubno miisaan culus ka haya Xukuumaddu in ay ka dambeeyeen Faafinta wararkii sheegayay in uu Madaxweynuhu ka tanaasulay hankiisii murashaxnimo ee doorashada Madaxtnimada ee soo socota

Siyaasiyiintan oo kala ahaa Ibrahin Ducaale Saleebaan (talaabo), Cabdi Maxamuud Saleebaan (mingiste), Abiib Xasan Filfil, Dr. Maxmaed Aw-daahir Ibrahiin iyo Axmed Aadan Ismaaciil (Keyse) ayaa ku doodaya in xubno aanay magacyadooda si toos ah u sheegin in ay ka dambeeyaan faafinta wararkaasi. Waxa hadaladoodii ka mid ahaa “Arintii Maalintii dhawayd Warbaahinta lagu qoray ee ahayd in Madaxweynuhu ka tanaasulay doorashadii, anigu waxaan qabaa

oo aanan dulmaraynin in Xubno Awood siyaasadeed oo ay yeeshaan u gaajaysan oo xukumadda maanta jirta xubno ka ahi ay fidiyeen Ku-tidhi ku-teenkaas.waxaan leeyahay xubnahaasi ha joojiyaan borobagaandada oo ha ka daayaan Madaxweynuhu waa musharax,isagaana Kulmiye u Masharax ah, hogaanka Xisbiguna wuu caddeeyay” ayaa ka mid ahaa hadalka Siyaasiyiintan Kulmiye ka tirsan. Siyaasiyiintan ayaa ku dooday in la aaminsan yahay in dad xilal culus ka haya xukumadda islamarkaana Madaxweynaha ka agdhaw ay warkaasi fidiyeen “Kol haddaanay ahayn Xisbiyada Mucaaradka ah, Kol haddii Hogaankii Xisbiga Kulmiye na iska fogeeyay, waxay dadku dareensan yihiin oo farta ku fiiqayaan inay yihiin kuwa fidiyey warkani dad xilal culus haya oo ah dadkii Madaxweynaha hoos joogay” Warka ku saabsan tanaasulka Siilaanyo ayaa soo baxay dhawaan, iyadoo Hogaanka Kulmiye iyo masuuliyiin kale oo xukumadda ka tirsani beeniyeen, hase ahaatee Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo wasiirada ka agdhaw ayaan ilaa hadda soo hadal qaadin jiritaanka warkaasi