SOMALILAND : Af dooxmay Waa Dawo Ee Uur Dooxmay Baa Daran!!

Maanta: “Xukuumaddan waa tii u necbayd SNM, tii Daahir Rayaale ayaa u dhaantay” Cali Guray
Shalay: “xukunkii waxa gacanta ku qabtay cid aan nasteex u ahayn SNM, oo aan halgankoodii qirsanayn” M. Siilaanyo

Uur Doox

(Salaanmedia.com) -Iyadoo khamiistii todobaadkii hore uu muran xoog lihi ka dhacay munaasibad lagu xusayay maalinta shuhadada SNM oo lagu qaban lahaa huteelka Hidda Dhawr, ayaa maanta gelinka hore ayaa la filayaa, in fagaaraha beerta xorriyada ee magaalada Hargeysa lagu qabto, munaasibad loo dhan yahay oo lagu xusayo maalinta shuhadada SNM ee 17 Oktoobar, oo sanadkan ku beegnayd jimcihii shalay.
Maanta
Maalintii khamiistii ee 16 Oktoobar waxa qorshuhu ahaa in xaflad lagu xusayo maalinta shuhada, lagu qabto huteelka Hiddo Dhawr, taasoo ay soo qaban qaabisay fannaanada Sahra Halgan oo ka mid ahayd hablihii safka hore kaga jiray halgankii SNM. Hase yeeshee munaasibadaa waxa hakad geliyay ciidanka nabadgelyada oo xidhay kadimadii laga geli lahaa xaruntaa, isla markaana hor joogsaday ka qayb galayaashii SNM, una diiday inay galaan gudaha huteelka. Talaabadaasi waxay horseeday inay isku sigtaan masuuliyiin magac wayn ku leh SNM iyo ciidanka amaanku. Amarka joojintii munaasibadii halkaa ka dhici lahayd waxa bixiyay wasaaradda daakhiliga. Dhanka kale, waxa isla maalintaa la qorsheeyay inay huteelka Maansoor ka dhacdo xafladda lagu maamuusayo maalinta shuhaddada, taasoo ay soo qaban qaabisay jamciyadda mujaahidiinta SNM oo lagu magacaabo Sooyaal, taasoo aallaaba u xilsaaran oogista iyo masuuliyadda qabashada xuska maalintaa.
“Xuska rasmiga ah ee maalinta shuhadada SNM, waa la ogsoon yahay oo waxa qabta Sooyaal, taas cidina ma diidana, laakiin xus aan rasmi ahayn dadku haday qabsadaan xor bay u yihiin. Salaadda ciiddaba garoon kaliya laguma wada tukado ee garoomo kala duwan baa lagu tukadaa. Markaa in la yidhaahdo xuska rasmiga ah mooyaane, xus kale ma dhici karo maaha, dadkii SNM xusas aan rasmi ahayn haddii ay qabsadaan xor bay u yihiin”, sidaa waxa yidhi Gudoomiyaha SNM Xasan Ciise Jaamac oo ka hadlay muranka arrintaa ka dhacay.
Gudoomiyaha madasha wada tashiga Xasan Guure, Ibraahin Dhega wayne, Cali Guray iyo xubno kale oo SNM ah oo ka mid ahaa dadkii layska hor taagay xuskii Hidda Dhawr ka dhici lahaa, ayaa si cadho leh uga hadlay talaabaddaa xukuumaddu qaaday.
“in la yidhaa lama xusi karo maaha, anigu Shakhsi baan ahay oo waan Casuumi karaa 10 qof. Xukumaddan oo maanta uu Madaxweyne ka yahay,waxbana kama ahee Axmed Siilaanyo, dhamaanteed waa tii ugu necbayd in la soo hadal qaado SNM. xataa tii Daahir Rayaale ayaa u dhaantay oo waa ogaydeenoo dawlad kasta oo soo marta rag SNM ah oo mudo kar ah ayaa ku jiri jiray, tan mar qudha ayay Boobe iyo Maxamed Xaashi dirqi ku galeen oo waa tii markiiba dibada loo soo tuuray”. Sidaa waxa yidhi Gudoomiye ku xigeenka 3aad ee xisbiga UCID, oo ka mid ahaa raggii ay isku sigteen ciidanka RRU oo lagu xeeray xarunta Hidda Dhawr.
Xasan Guure Jaamac ayaa isna xaaladaa ka hadlay, waxaana weedhihiisii ka mid ahaa, “Waa ayaan darro, waad ogaydeen oo maanta(khamiistii) raggii u mudnaa ee u muddo karsanaa SNM, Maxamed Xaashi Aas-aasihii buu ahaa, si edeb daro ah baa qori loogu hanjabay oo qori loogu soo rogtay. Waa ayaandaro in maanta intaynu inagu qoryo isu soo qaadano bir ma gaydo yeelan wayno.waxaanan qabaa in haddii ay sidan ku sii socoto aan dalkan la wada yeelan doonin oo aan talo la wada yeelan doonin”.
Shalay
Madaxweynaha maanta talada haya ee SNM ka cabanaysaa, waa gudoomiyihii ugu muddada dheeraa ee SNM xiligii halganka. Waa gudoomiyihii Kulmiye ee shalay mucaaridka ahaa, isla markaana ololihiisii ugu waynaa ee hanashada kursiga waxay sumadiisu ahayd SNM oo uu ku kasbaday badi taageerada beesha dhexe. Wuxuu sare ugu dhawaaqi jiray in aan waxba loo qaban naafada iyo agoonta SNM oo la dayacay, taasoo uu ku tirtirsiyi jiray maamulkii Rayaale, oo uu ku tilmaami jiray mid aan jeclayn magaca SNM.
Munaasibadan 2014 teedii, ka hor doorashadii madaxtooyada ee uu talada kula wareegay, waxa dhacay muran ay magac wadaagaan ka maanta. Madaxweyne Siilaanyo hadalkii uu maalintaa ku cabiray wixii dhacay iyo sidii uu wax u arkayay, waxa ka mid ahaa weedhahan oo aanu ka soo dheeganay dhigaalkii hore ee mulaaxda kaydka dhacdooyinka. Madaxweynaha maanta, Gudoomiyihii shalay wuxuu yidhi,
“Shir ayaanu isugu nimi nabadgalyo ah oo aanu ku xusaynay SNM oo aanu ku qabanay xafiiskayga hortiisa. Umadda waxaanu ugu baaqnay nabadgelyo, anaguna waxaanu ku dhaqmaynay nabadgelyo. Shacabka waxaanu u tilmaamaynay waxa maslaxadu ku jirto, waxaanu u tilmaamaynay inay maanta xukunkii gacanta ku qabteen cid aan nasteex u hayn SNM, cid aan halgankoodii qirsanayn.
Maanta waxaynu maraynaa, inuu nagu qasbo in aanu xafiisyada hortooda aanu ku qabno, maalintii khayriyada lagu qaban jirayna uu ka joojiyo, oo maalin walba huteel iyo meel madow lala tago, halkaa bannaanka xafiiskayaga KULMIYE Hortiisa ayaanu ku qabanay.
Anagoo waliba ciidamada nabad ilaalinta u mahadnaqaynay.Anagoo aan wax dhibaato ah halkan ka gaysan, in aanu tilmaano dulmiga dalka ka socoda mooyaannee, hadana waad arkayseen intaan gurigayaa u lugaynayay in xabad iyo rasaas nalagala hor yimi.Taasi waxay muujinaysa ayaan-darro, ciidamada loo adeegsanayo oo dulmi lagu amrayo, waxaana waxaanu u qaadanaynaa inuu yahay amar si toos ah uga yimi Madaxweynaha, waxaanu leenahay madaxweynoow wax alle iyo waxaad la hadha yay jirin, cirka soo guji, waan lugaynayaa, waan baxayaa, waan soconayaa, ciidamadaada amar sii, waxaad fulinayso fuli, waa dulmi, waa boob, waa dhac anaga iyo shacabkuba ka baqan mayno, oo mudaharaad joogta ah ayaanu u soo baxaynaa oo aanu xaq u leenahay”.