SUPER MARKET CASRIYA OO LAGA HIRGALIYAY MAGALADDA BURCO IYO MASULIYINTA DOWLADDA HOOSE OO XADHIGA KA JARAY + SAWIRO

SUPER MARKET CASRIYA OO LAGA HIRGALIYAY MAGALADDA BURCO IYO MASULIYINTA DOWLADDA HOOSE OO XADHIGA KA JARAY + SAWIRO

Super 2

Burco (Salaanmedia.com) Super Market Casriya Oo Lagu Magacabo Rainbow Super Market ayaa Caawa ay Masuuliyinta Dowladda Hoose Burco ay Si Rasmiya Xadhiga uga Jareen Dukaankani Casriga ah.

Rainbow Super Market Oo Laga Hirgaliyay Gudaha Magalada Burco Gaar ahaana Waxa Uu Dukaankani Casriga ahi Uu Dhanka Waqooyi Uu ka Xiga Hotel Nasiye.

Dukaankani Casriga ah ayaa isagu ah Mid Aan Hore Noociisa Oo Kale Aanu ku Yaalin Gudaha Magaladda Burco

Maayir ku xigenka Degmadda Burco Muxumed Xasan Jaamac (Xoday) Oo isagu Xadhiga ka Jaray Dukaankani Casriga ah ayaa Amaan Baladhan usoo Jeediyay Muwadiniinta Hirgalisay Dukaankani Casriga ah.

Super 8

Super 7

Super 6

Waxaana ka Mid ahaa Hadalidisii Sida Tan ” Runtii Aad Baan ugu Faraxsanahay in Aan Caawa Xadhiga ka Jaro Dukaan Casriya Oo Aan Haba-Yaratee Aanu Noocisu Oo Kale Aanu ku Yaalin Gobalka Togdheer Gaar ahaana Magaladda Burco,ilaahay Subxaanahuu Watacalaa Waxaan ilaahay Uga Baryaynaa inuu u Barakeeyo Noqdana Mid Anfaca Bulshadda Reer Burco Oo Dhanba,Dadwaynaha Reer Burcana Waxaan leeyahay Muhiim ayay inoo Tahay inaynu Degmadda ka Furno Meherado Noocani Oo Kale ah si aynu Ula Tartano Degmooyinka kale,Aad Baan Uga Mahad Celinayaa Mulkiilaha Dukaankani Casriga ah,Runtii Farxad Wayn ayay Noo Tahay ka Degmo ahaan in Magaladda Burco Laga Furo Dukaankani Casriga ah,Waxaanu Dhiiri-Galinaynaa in Degmadda Lagu Soo Kordhiyo Meherado Noocani Oo Kale ah Si aynu Kor Ugu Qaadno Bilicda Magaladeena” Ayuu Yidhi Maayir ku Xigenka Degmadda Burco Muxumed Xasan Jaamac (Xoday)

Super 6

Super 5

Super 4

Super 3

Super 2

SUPER 1

SUPER 11

SUPER 10

Sidoo Kale Waxa iyaguna ka Hadlay Xadhig ka jarista Dukaankani Rainbow Super Market Waxgarad Kale Duwan Waxaanay Dhamaantod si isku Mida usoo Dhaweyeen Furitanka Dukaankani Casriga ah.

Waxaanay usoo Jeediyeen Bulshadda Reer Burco inay Tageero La Barbar istagaan Cid Kasta Oo Magaladda Burco ku Soo Kordhinaysa Horumar.

Gaba-Gabadii Maayir ku Xigenka Degmadda Burco iyo Masuuliyin Kale ayaa si wada Jira ah Xadhiga Uga Jaray Dukaankani Casriga ah Ee Laga Hirgaliyay Gudaha Magaladda burco.

Ugu Danbayntii Dukaankani Casriga ah Ee Rainbow Super Marker ayaa isagu ah Mid Aan Hore Noocani Oo Kale Aanu ku Oolin Gudaha Magaladda Burco.

Salaanmedia/Burco