Taariikh-ddii Muj. Maxamed Xaashi Diirye ( qaybtii 2aad).

Taariikh-ddii Muj. Maxamed Xaashi Diirye ( qaybtii 2aad).

Lixle

Shalay oo ay ahayd taariikh-du 30 guuraddii, ka soo wareegtay illaah janadda ha ka waraabiyo’e, mujahaidkii weynaa ee Maxamed Xaashi Diiriye ( Lixle), kuna furnay Tix baroor-diiq ah, oo aan anigu u xasuus tiriyey, baa ay qayb-tani labaad, ugu horeysaa taariikh nololeedkii uu soo maray Mujaahidku, laga soo bilaabo malcaamad qu’raantii, ilaa iyo maalintii uu inoo shahiiday ee 17/10/1984-kii.
Aan kuu bilaabo’e, sidda ay waraysiga igu siisay hooyaddii ( aniga oo ah Abdi shotaly) Ardo Diiriye, oo aan Caasimadda Somaliland, mudo yar horteed intii aanay tii alle ku iman, telefoonka ku waraystay ( Illaah Janadda haka waraabiyo marxuumadda’e), baa warkii aan ka qorey sidan yahay:-
Mujaahidku wuxu ku dhashay, Go’dda weyn, taariikh-du markay ahayd 1945-kii (Ma garanaayo bay tidhi maalinta iyo bishii), isaga oo ugu yaraa shan caruur ah, oo ay Ardo Diiriye Dhashay ( Hooyaddii). wuxu yaraantii ku noolaa Go’dda ( reerku joogay), ilaa iyo 8 jirkii baa reerku burco u guurey oo Aabihii Xaashi Diiriye ka shaqayn jirey, isaga oo ahaa Saajin milateri ah, hal-kaas oo uu ka bilaabay malcaamaddii ku taalay shacabka Burco. Magaca ( Lixle), wuxu kula baxay, isaga oo maalin, looxii uu qu’raanka ku dhigan jirey, oo ay 2 wiil oo yar-yari ka masaxeen khadkii, iyaka oo qalay-naaya, oo uu ku cusub yahay malcaamadda, dabeed ay wadda qabteen 6 wiil oo wax isu ahaa, ka dibna uu intiiba dhulka dhigay, sidaas awgeed buu ciyaalkii malcaamadu ugu bixiyeen naanaysta ah Lixle.
Dugsiga hoose wuxu ka bilaabay, kii la odhan jirey Burao Old Elementary School ( Imika waa ka la yidhaaho togdheer) ee ka dambeeya Dawladda hoose, waxay isku fasal ahaayeen illaah ha u naxariisto’e, Macalin la odhan jirey Maxamed Cabdi Yare ( oo aniga macalin iigu ahaa Oodweyne), waxay walaalo ahaayeen Axmed Cabdi yare, oo loo yaqaano Cadaawe, oo sanad ka sarayn jirey, imikana degan London, oo Macalimiimtii hore ahaa. Ka dhexe-na wuxu ka galay sheekh, wuxu ka baxay 1959-kii, isaga oo dugsiga sare ka galay Camuud, laakiin markii uu dhamaady dhismaha sheekh sare 1960-ggii, buu u soo wareegay, isaga oo ka mid ahaa, 24-kii arday ee ugu horeeyey, ee gala, lagana keenay Camuud Sare. iyaka oo ah fasalka labaad ee dugsiga sare ( Form 2). Wuxu dhameeyey dusiga sare 1963-ggii, 1964-kiina wuxu tegay xamar, halkaas oo uu ku biirey ciidamadda ( Milateriga), waxa lagu qaatay xidigle, markuu dalka ku soo noqday-na, wuxu qaatay xidigtii labaad, isaga oo ka yimi dalka Ruushka, bishii lixaad 1969-kii, waxana uu ka soo bartay Cilmiga Taangi-yadda iyo baabuurta gaashaaman, wuxu ahaa nin sidiisaba ad-adag, oo hooyaddii tidhi, waxanu ku odhan jirney, yaraan-tiisii waar ma askari baad tahay, maxaad la gaardiddaa markaad soconaaya. Illaah ha u naxariisto’e, wuxu ka tegay Cabdicasiis Maxamed Xaashi diiriye ( loo yaqaano Lilxle yare), oo hadda ka shaqeeya Garoonka diyaaradaha Caasimadda Somaliland ee Hargaysa, iyo Bushra Maxamed Xaashi Diiriye, oo degan dalkan Ingiriiska, Magaaladda Birmingham.
Tixdan hoose waxa tiriyey, Illaah Naxriis-tiisa ha siiyo’e, Cali Xasan Roodhile oo loo yaqaano Cali Banfas, isaga oo ku hal-qabsanaaya, Geesigan aynu ku jirno Xasuus-tiisa ee Maxamed Xaashi Diiriye ( Lixle), waxa la yidhaahaa Gargaar, wxana uu leeyahay, Hadaanan, Hadaanan Lixlaw, Hadaanan gu’ga Maanta, la soo hadhin guusha, ee ku soo dhawaw waa tane:-
Waxaan gabaygayga guubaabada ciilka,
Barbaarta gedayda Katiinadu goysay,
Gubtoon ladi waayo inaan garab haysto,
Gariirka agtayda ayaan ka gartaaye,
Hadaanan hadaanan Hadaanan gadoodka,
Lixloow guga maanta la soo hadhin guusha,
Waxaan gabaygayga guubaabada ciilka
Gidaar igu meersan God la igu horjoogo
Gaadh la iigu wareejey Hadaan gacaloowe
Gaashaan hidin waayey Inaan godobtayda
Galaydhkiyo haada gaadhsiiyo fariinta
Ayaa ila gudboone Hadaanan hadaanan
Hadaanan gadoodka hadaananLixloow,
Gguga maanta La soo hadhin guusha,
Waxaan Gabaygayga guubaabada ciilka
Geeraar iyo maanso intaan isu geeyo,
Ragaad garanyso Intaan u goleeyo,
Garaadka u buuxsho Waxaan goconaayo,
Haddaan Gacantayda Ku goosanayaaye,
Hadaanan hadaanan Hadaanan gadoodka’
Lixloow guga maanta La soo hadhin guusaha,
Waxaan gabaygayga guubaabada ciilka,
Gammaanka cadhaysan Gargooska ku naaxsho,
Haddaan gulufkoodaku soo gambiyaaye,
Hadaanan hadaanan Hadaanan gadoodka,
Lixloow guga maanta La soo hadhin guusha,
Waxaan gabaygayaga guubaabada ciilka,
Haweenka galuubanGidaarada Jeelka,
Dadkoodii la geeyey Gasiinka la taagan,
Gubtoon ladi waayo Gudaafka wuxuushtu,
Garuunkiyo qoolka wuxuu ku garaaco,
wuxuu dhangad geeshka Sarmaanta galoolka,
Gabdhaha ku uleeyo Mid gaydhka ka caayo,
Waxaan gasariiro Galiilyada saanta,
Gankaygu istaago Gogaygu dubaaxsho,
Ragaad garanayso Haddaan gashigaygii,
Ka soo gudayaayoon ka goosanayaaye,
Hadaanan hadaanan, Hadaanan gadoodka,
Lixloow guga maanta la soo hadhin guusha.
La soco Qaybta 3aad.