Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Oo Ka Hadlay Khamri Lagu Qabtay Madaarka Hargaysa

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Oo Ka Hadlay Khamri Lagu Qabtay Madaarka Hargaysa

ciidan1

Hargaysa(Salaanmedia.com)Ciidanka ilaaliya Madaarka Cigaal Ee Magaalada hargaysa ayaa Maanta Qabtay Khamri ladoonayay in laga dhoofiyo Madaarka. Qamrigan la qabtay ayaa ah sida ay saraakiil Ciidanka Booliska Ka tirsani HadhwanaagNews u shegeen mid qaali oo ku jira Quraarado iyo Caagado .
Dhinaca kale Sida uu taliyaha Ciidanka Booliska somaliland Cabdilaahi Fadal Iimaan ku Baahiyay Bajka uu ku leeyahay Facebooga ayaa waxa uu yidhi”
“Maanta waxa ii farxad ah aniga oo ah Taliyaha Ciidanka Booliska somaliland oo ku hadlaya afka ciidanka Boliska in ciidanka airpotka ama cigal air pot inay qabteen khamri ah nooca qaaliga ah iyo noocyo Kaleba
Intaas waxa uu ku daray”waxaan hambalyo u jeedinayaaciidanka ku sharfan qabashada maan dooriyaha oo bishanba garoonka diyaaradaha jamhuuriyada somaliland aanu adkaynay iyo dikadaha badaha. Dhinaca waxa uu Dadka ku hawlan in ay Dalka Dhuumasho kusoo galiyaan Khamriga usoo Jeediyay in ay ka digtonadaan