WADA HADALO UDHAXEEYA MAAMUL GOBOLEEDKA PUNTLAND IYO DAWLADA SOMALIYA OO MAANTA KA BILAWDAY MAGAALADA GAROOWE

WADA HADALO UDHAXEEYA MAAMUL GOBOLEEDKA PUNTLAND IYO DAWLADA SOMALIYA OO MAANTA KA BILAWDAY MAGAALADA GAROOWE

3-Ahmed

(salaanmedia.com)_
Shirkan ayaa looga hadlayaa arrimo ay ka mid yihiin dastuurka ku-meelgaadhka ah ee Soomaaliya, adkaynta xidhiidh labada dhinac, deeqaha iyo horumarrinta iyo heshiisyadii

Wadahadalo udhaxeeya maamul Goboleedka Puntland iyo dawlada Somaliya ayaa maanta ka furmay magaalada Goroowe ee caasimada maamul Goboleedka Puntland.
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed oo uu weheliyo Madaxwaynaha Puntland ayaa furay shirkawada hadalada Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Puntland oo saddex maalmood ka soconaya magaalada Garoowe.

Shirkan ayaa looga hadlayaa arrimo ay ka mid yihiin dastuurka ku-meelgaadhka ah ee Soomaaliya, adkaynta xidhiidh labada dhinac, deeqaha iyo horumarrinta iyo heshiisyadii hore ee dhex maray Xukuumadihii hore ee Dawladda Federaalka iyo Puntland.

Mudane Cabdiweli Sheekh ayaa ku dhiirrigelinaya labada dhinac iney la yimaadaan daacadnimo iyo iney ka turjumaan duruufaha ku xeeran Dawladda Federaalka iyo Puntland.
“Marka kowaad waxaan ka mahadcelinayaa soo dhoweyntii ay noo sameeyeen dadka Puntland

tan iyo intii aan halkaan joognay. Shirkaan aan maanta furayno wuxuu muhiim u yahay horudhac u yahay xidhiidhka wanaagsan iyo wada shaqayn dhex marta Dawladda Federaalka iyo dhamaan qaybaha kala duwan ee dalka”. ayuu yidhi Ra’iisul Wasaaruhu

Raysal wasaaraha oo hadalkiisa siiwata ayaa intaasi raaciyay “Waxaan leenahay aqoontii iyo khibradihii aan heshiis ku gaadhi lahayn, waana in heshiisku noqdaa mid waaqici ah oo la fulin karo. Labada ergo ee wada hadlaya waad is beddeleysaan oo qayb Federaalka ka tirsan ayaa hadhow halkaan ka shaqayn doona, halka kuwo Puntland ka shaqeeyana ay ka hawlgeli doonaan Federaalka markaa waa inaad ka shaqaysaa wax aan berri caqabad kugu noqon doonin” . ayuu yidhi Cabdiweli Sheekh

Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaare Cabdiweli ayaa maanta booqasho ku tegay xarumaha Dawladda ee ku yaalla magaalada Garoowe oo ay ka mid yihiin Wasaaradda Caafimaadka, Tv-ga iyo Idaacadda Puntland, Wasaaradda Cadadaalada, wasaaaradda deegaanka iyo Xabsiga Dhexe, waxana uu halkaasi kula kulmay hawl-wadeenada iyo mas’uuliyiintaa xarumahaasi oo uu ka dhegeystay warbixinno