Wafdigii ka Socday Laanta Finland Oo Kulan La Yeeshay Xildhibaanadii Golaha Degaanka Ee Xisbiga Waddani Ee Gobolka Togdheer

Wafdigii ka Socday Laanta Finland Oo Kulan La Yeeshay Xildhibaanadii Golaha Degaanka Ee Xisbiga Waddani Ee Gobolka Togdheer

Wafti

Burco(Salaanmedia.com)- Waxa shalay kulan ka dhacay Xafiiska Waddani ee Burco, kaasoo wefdigii Finland ee maalmahan socdaalka ku jirey ay kula yeesheen xog wareysi Gudida Gobolka iyo Xildhibaanada Golaha Degaanka ee Xisbiga Waddani uga soo baxay. Wafdigaas oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha Xisbiga Waddani ee Laanta Finland Mudane Abdirahman I. Arte, G.X. Laanta Finland Mudane Ahmed Khalif A/llahi, Xoghayaha guud ee Laanta Finland Mudane Mohamud Hussein iyo Gudoomiyaha Caasimada labaad ee Dalka Finland ee Turku Eng. Jamal A/llahi Hassan

SONY DSC

Kulankaasi oo saacado badan qaatey, waxa ay kaga wadahadleen xaalada guud ee Gobolka iyo kaalinta horumarineed ee loo baahan yahay in gacan laga gaysto. Waxay gudida gobolka togdheer ee Waddani ka warameen sidii loo dardar gelin lahaa, dhaqdhaqaaqa yoolka higsiga Xisbiga iyo kor u qaadida xidhiidhka laamaha gudaha iyo debedaba. Waxaana hadalo wax ku oola soo jeediyey, gudida dhalinyarada, gudida garabka haweenka iyo gudida fulinta ee gobolka.
Waxaana la isla gartey sidii gobolka iyo laanta Finland ay xidhiidh adag oo wada shaqayna wada yeelan doonaan, sida dhinacyada waxbarashada, dhaqaalaha iyo horumarinta guud.