War Deg Deg Ah Dooxa Dacarbudhuq Oo Fatahay Iyo Gaadhigii Koobaad Oo Uu Hada La Tegey

War Deg Deg Ah Dooxa Dacarbudhuq Oo Fatahay Iyo Gaadhigii Koobaad Oo Uu Hada La Tegey

dooxa

Berbera(Salaanmedia.com)Wararka aanu ka helayno degmada laasgeel ee Dacar buqudh ayaa sheegaya in ilaa manta 1:00 duhur nimo uu soconaayo Dooxi waynaa ee ku yaalay degmaas laas geel warkii ugu danbeeyay ee naga soo gaadhay 3:00 Galabnimo ayaa sheegay in Dooxu Qaaday gaadhi laangaruus ah oo ka yimi dhica hargaysa oo ay saarnayeen laba nin .labadaas nin mid ka mid ah oo aan ilaa wali la aqoonsan magaciiisa ayaa daadku la tegay halka kiikalena la badbaadiyay .
Waxa sidaa noo xaqiijiyay qof goob jooga ah oo ka mid ah dadka daadku xanibay
Arintan ayaa waxay meesha ka saaraysa Kaantaroolada dhalan teedka ah ee hayada wadooyinku dhigtay degaanada dooxyadu maraan ee u dhexeya hargaysa iyo berbera .in kastoo shilku yahay mid xaga alle ka qoran . Waxa xusid mudan in hayada wadooyinka Somaliland ay ku hawlan tahay wadooyin aan dhib badan qaran somalailand ku haynin kuwa dhibta joogtada keenan iska indho tirto
Wixii war ah ee ka soo kordha daadkaas wax aanu idiinku soo gudbin doona wararka danbe