WAR DEG-DEG AH: GUDOOMIYIHII WAXBARASHADA GOBOLKA SAAXIL IBRAAHIM DIGAALE OO TOOGASHO LAGU DHAAWACAY

WAR DEG-DEG AH: GUDOOMIYIHII WAXBARASHADA GOBOLKA SAAXIL IBRAAHIM DIGAALE OO TOOGASHO LAGU DHAAWACAY

Cisb Ber 4

Berbera(Salaanmedia.com)Gudoomiyihii Waxbarashada ee Gobolka Saaxil Ibraahim Digaale ayaa saaka Afartii Subaxnimo Xiligii loo kacaya salaada Subax ayaa waxa Toogtay Nin macalin ah oo Guriga ay Wada dreganaayeen oo magaciisu yahay Macalin Khayre kana hawlgali Jiray Degmada Xagal ee Bariga magaalada Berbera,
Gudoomiyaha ayaa xabadu Waxay kaga Dhacday Bawdada Midig , Dhaawaciisuna Wuu sahlan yahay Waxaana Xiligan lagu dabiibayaa Cisbitaalka Magaalada Berbera

Hadaba Ninkan Dhaawaca xabada ah u gaystay Gudoomiyaha Waxbarashada Ee Gobolka Saaxil ayaa xiligan lasoo qabtay waxaanu ku xidhan yahay saldhiga Dhexe ee magaalada Berbera.
Ilaa Iminkana lama garanayo sababta rasmiga ah ee Ninkan Macalinka ah ku kaliftay inuu xabad ku dhufto Gudoomiyaha Waxbarashada ee Gobolka Saaxil Ibraahim Digaale.
Sida Warar Xogo,gaal ahi Sheegayaana Ninkan macalinka ah waa markii labaad ee uu sarkaal sare oo ka tirsan waxbarashada Somaliland uu xabad ku Qabto inkastoo aanu sarkaala hore waxba ku Noqon,
Isku daygaa hore ee Dilka ahaana Ninka uu ku Fuliyay Wuxuu ahaa Sarkaal sare oo la Shaqeeya Hay,ada Dhinaca Waxbarashada ka caawisa Gobolka Saaxil ee La Yidhaa (I S)ee Fadhigeedu yahay Degmada Sheekh , Sarkaalakan aya Magaciisu ahaa Jaamac Julac, Laakiin Xilgaa Wax talaabo ah Lagama Qaadin Macalinkan falkaa Dilka Ku kacay