Wasiir Ku Xigeenka Arimaha Dibada Iyo Wasiirka Ganacsiga Oo Maanta Dalka Kusoo Laabtay Kana Warbixiyay Shir Ay Kaga Qayb Galeen Wadanka Turkiga

Wasiir Ku Xigeenka Arimaha Dibada Iyo Wasiirka Ganacsiga Oo Maanta Dalka Kusoo Laabtay Kana Warbixiyay Shir Ay Kaga Qayb Galeen Wadanka Turkiga

Miraabada(1)

Hargaysa(Salaanmedia.com)Wasiir Ku Xigeenka Arimaha Dibada Somaliland Mowliid Maxamuud Ibraahim Wasiirka Ganacsiga ayaa Maanta Dalka kusoo laabtay Ka dib Shir ay kaga Qayb galeen wadanka Turkiga. Waxa ay shegeen in Kulan kaasi uu ahaa mid Diirada lagu saarayo Sidii Ay dalalka u Horumarin lahayeen Macdanta ku duugan Dal waliba,Waxaana uu sheegay In somaliland Si gaar ah Kulan kaasi oo socday 2 Cisho loogu Soo Casuumay
Wasiirka ku xigeenka Arimaha dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee somaliland Mowliid Maxamuud Ibraahim ayaa sheegay in Kulan ahaa Sidii dalalka Macdanta iyo Khayraadka buuxa Uga faa’idaysan lahaayeen,waxaana uu cadeeyey in kulan kaasi Haay’ado badan oo caalamka

ka shaqeeyaa ay somaliland iman doonaan”
“Waxaanu Magaalada Hargaysa ka Dhoofnay Jimcihii Hore Ee Bishan,Waxaanan Ka qayb Galnay Shir Ka dhacayay Wadanka Turkiga Kaas oo ay soo qaban Qaabisay Haay’ada Dhaqaalaha Aduunka,Ciwaan keeduna waxa uu ahaa Xidhiidhka ka dhaxeeya khayraadka dabiiciga ah ee wadamadu haystaan Sidii Dalalka Caalamku isugu Gudbin Lahayeen.
Wasiir ku xigeenka wasaarada Arimaha dibada iyo Xidhiidhka Caalamig ah ee Somaliland Ayaa sheegay shirkan uu ka qayb galay inuu Furay Madaxwaynaha wadanka Turkiga Rajab Dayib Erdugaan,Xubnana Ay ka ahayeen Wasiirada Dalalka Caalamka iyo Kuwa Africaba waxaana uu yidhi”
“Shirkani waxa uu socday 2Cisho Masuuliyiinta kasoo qayb galayna 200 Qof way dhaafayaan,Anagu Waxaanu La Kulanay Wasiir Badan waxaanan kasoo dhaadhicinay Sidii somaliland Ay Khayraad keeda ay Ugu so saari lahayeen,Labadan wasaaradood ee aanu kaga qayb Galayna waxa weeyaan Midna Iskaadhigii Caalamiga ahaa Halka ay Ta kalena Tahay Xidhiidhkii Caalamiga ahaa,Anagu Shirkan markaanu tagnay waxaanu diirada Saarayna Xuduudaha ay somaliland la wadaagto Dalalka Jaarka,Waxaanan La kulanay Dalal Badan oo Dani inaga dhaxayso.
Waxa uu sheegay wasiir ku xigeenku in Si wanaagsan dalka Turkigu Loogu soo Dhaweeyey,waxaana uu Umahad Naqay Masuuliyiinta dalka Turkiga.

arimah

Dhinaca kale wasiirka wasaarada Ganacsiga iyo Maal gashiga somaliland Dr Muuse Qaasim Ayaa sheegay in Kulan muhiimada loo qabtay ay ahayd Sidii Dalalka Horumaray ee reer Yurub u Maal gashan lahayeen Dalalka Africa,Waxaana uu sheegay in Lagaga wada hadlayay Sidii Dal waliba Khayraadkiisa u gaadhsiin lahaa Dalalka La jaarka ah”
“Muhiimada Shirkan loo qabtay ayaa ahayd Sidii Ay dalalku isku dhex Gali-Lahaayeen,isla markaasna Khayraadka uu dal waliba leeyahay Loogu sameeyo Suuq Baac-muushtari,Waxaana uu sheegay Khayraadka ku duugan Dalka Somaliland Hadiin Aanu u gudbin Dalalka Jaar caalamku in ay ogaadeen inuu dalkaasi Qasaaray.
Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi”Maal gashiga aad samaysaa waxa uu caalamka iyo Africaba u gudbi karaa,Markaad Qiimayso Sida dalalka kula Jaarka ahi u qadariyaan Khayraadka kugu duugan,adna aad ka faa’idaysato,Hadii aad Dadka hanti gaar ah leh aanay Dawlada la Hagaajin sidii ay dalka waxa ugu qaban lahaayeen,Caalamku waxa ay ogaadeen inaanu dalkaasi Horumar wayn gaadhin.
Waxa uu sheegay in haay’ado Badan oo Doonayay in ay Maal-gashi ku sameeyaan Dalalka Africa in ay iman doonaan wadanka somaliland Markii Sharaxaad ugu bixiyeen Wasiiradu amniga dalka Somaliland taala waxaana uu yidhi”
“Intii uu kulan kani socday waxaanu Shirar Goni-Gooni ah layeelanay Haay’ado Badan oo danaynaya Khayraadka ku duugan Africa,Markii aanu sharaxaad uga bixinay Wadanka somaliland waxa ay naga codsadeen inaanu siino Ciwaan Madaxwaynaha somaliland Iyo Wasiirkiis arimaha dibada,arinkaas waanu ka diidnay waxaanan ku dhiiri galinay Shirka ka dhacaya Wadanka Ingiriiska ee Maal gashiga in ay kasoo qayb galaan,Waxaana ay doonayaan in ay maal-gashaadaan Dikada Barbar,Macdanta Dalka iyo Beeraha somaliland.
Shirka ay Wasiiradu ka qayb galeen ayaa gogol Xaadh u ah Shirka Lagu qabanayo 14ka bishan Wadanka Ingiriiska kaas oo Lagaga Hadlayo Sidii Maal gashi Caalamku Ugu samayn lahaa Dalalka Aduunka.