Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta Oo Ka Hadlay Dab Ka Dhashay Istuudiyaha Radio Hargeysa

Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta Oo Ka Hadlay Dab Ka Dhashay Istuudiyaha Radio Hargeysa

WAS KU XIG WAR

Hargeysa, (Salaanmedia.com)- Wasiir kuxigeenka wasaarada warfaafinta ahna ku simaha wasiirka Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan, ayaa ka hadlay dab ka dhashay istuudiyaha radio Hargeysa, isla markaana wuxuu sheegay in aanu khasaare ka soo gaadhin dabkaas.
Wasiirku wuxuu sheegay inuu dabka ka dhashay shoodh ka kacay istuudiyaha“Waxa dhacay maanta {Shalay} dab yar oo ka kacay istuudyaha Radio Hargeysa, Saacadu markay ahayd cabaaro 9:30-kii, Illahay ayaa mahad leh isla markiiba waa lagu guuleystay in la bakhtiiyo wax dhibaato ah muu gaysan waxaanu filaynaa in uu yahay shood ka kacay istuudiyaha.”Ayuu yidhi Cabdiwaaxid
Wasiirku wuxuu hadalkiisii sii raaciyay “ Qalabkii meesha yaalay wixii cajalado ahaa iyo haday kuraas tahay miisaskii wixii istuudyaha yaalay way ka badbaadeen, Dabkaasina wax daqiiqado ah ayuu yar qiiqay xataa wax olal ah may jirin Sifiican ayaa loogu soo gurmaday, Waxaan u mahadcelinayaa shaqaalaha kala duwan iyo injineerada wasaarada warfaafinta, Waxaan kaloo aan u mahadceelinayaa dawlada hoose oo dadamiska noo soo dirtay, Ciidamada bilayska oo taliyahay madaxa hawlgalintu nala joogo Markaa waxaa iyaguna nala jooga madaxda gubulka barasaabka iyo barasaabku xigeenka, Runtii wax wayn may hayn Illahay ayaa nagu guuleeyay shaqadii wasaraduna sifiican ayay u socotaa dee wax qasara ah oo la sheegaana ma jiro, Dabkuna sidaynu ognahay meel walba uu ka kacaa Illahay ayaa mahad iska leh inagu guuleeyay bakhtiinta dabka Wasaaraduna shaqadeedii wa caadi oo way socotaa”.