Wasiiro Ka Tirsan Xukuumada Siilanyo Oo Ku Sugan Burco Lagana Cabsi Qabo Inay Dib Uso Istaadhan Xaaladii Baliga Diiriye Guuleed Ee Guurtidu Go,aanada Ka Soo Saartay

Wasiiro Ka Tirsan Xukuumada Siilanyo Oo Ku Sugan Burco Lagana Cabsi Qabo Inay Dib Uso Istaadhan Xaaladii Baliga Diiriye Guuleed Ee Guurtidu Go,aanada Ka Soo Saartay

Wassiiro

Burco (Salaanmedia.com) Koox Wasiiro Ah Oo Ka Tirsan Xukuumada Axmed Siilanyo Kana Soo Jeeda Beelaha Bariga Burco Oo Mudo Laba Cisho Ah Ku Sugan Magaalada Burco Ayaa Kulamo La Qaatay Beesha Reer Biniin Ee Axmed Faarax Oo Ay Deegaanka Baliga Diiriye Guuleed Isku Hayeen Beesha Cabdala Arab Oo Iyaga Ay Xukun Ugu Rideen Gudidii Golaha Guurtida Ee Loo Xil Saaray Xalinta Shaqaaqada Ka Taagnayd Deegaankaasi
Odayaasha Iyo Waxgaradka Beesha Reer Biniin Oo Iyagu Dhawaan Ku Dhawaaqay Inay Kalsoonidii Kala Noqdeen Xukuumada Axmed Siilanyo Hogaminayo Ayaa Iyagu Kooxdan Wasiiradaa Usheegay Inaanay Aqbalayn Go,aankii Ay Rideen Gudidii K Tirsanaa Golaha Guurtida
Wasiiradan Isku Reerka Ah Ee Ka Socda Xukuumada Siilanyo Ayaaa Laga Cabsi Qabaa Inay Waxba Ka Ma Jiraan Ku Tilmaan Go,aankii Golaha Guurtidu Ka Soo Saareen Deegaanka Baliga Diirye Guuleed Sida Ilo Wareedyo Ka Agdhawdhaw Wasiiradu Tibaaxayaan
Balse Arinta Ayaa Dhibaato Wayn Horseedi Doonta Dadka Wada Daga Deegaanak Hadii Kooxdan Wasiirada Ahi Ay Ku Dhwaaqaan Hadalkan Cadaalada Ka Fog Ee Ay Kala Soo Huleelen Caasimada Magaalada Hagaisa
Ma Jiraan Warar Lagu Kalsoonaan Karo Oo Si Toosa Utibaaxaya In Kooxdan Wasiiradii Ay Isla Qaateen Inay Go,aan Lagu Burinayo Ga,aankii Golaha Guurtida Ka Soo Saareen Deegaanka Balse Arinkan Ayaa Laga Cabsi Qabaa Inay Ku Dhaqaaqaan Kooxdan Wasiiradaa
Socdaalka Kooxdan Wasiirada Ayaa Ku Soo Beegmaya Xili Wafti Culus Oo Ka Socda Xisbiga Ucid Ay Ku Sugan Yihiin Magaalada Burco.

Xigasho oodweynenews