Wax Ka Baro Ururka Daacish- Bilawgiisii Ilaa Ku Dhawaaqidii Khilaafada Islaamka.Q2aad

Wax Ka Baro Ururka Daacish- Bilawgiisii Ilaa Ku Dhawaaqidii Khilaafada Islaamka.Q2aad

unnamed(30)

.(Salaanmedia.com) -bu Bakar Al-Baqdaadi. Magacii ururka ee ahaa dawlada islaamiga ah ee Ciraaq iyo Shaamna waxa ay u badaleen magaca (Dawlada Islaamiga ah) oo qudha. bishii January ee sanadkan aynu ku jirno kooxo ka amar qaata Daacish ayaa gudaha u galay magaalooyinka waaweeyn ee suniga ciraaq gaar ahaana Faluuja iyo Ramaadi ee gobolka Anbaar

Dhacdada kale ee indhaha caalamka soo jiidatay waxa ay ahayd kadib markii ay 10 janaayo ee sanadkan xoogaga Daacish ay qabsadeen magaalada labaad ee ugu weyn dalka Ciraaq ee Mawsil taas oo amakaag ku riday dawladaha dariska la ah ciraaq iyo reer galbeedkaba.Waxa aanay arintani muujisay awooda soo kacaysa ee Daacish-iyaga oo cagta mariyay ciidamadii maraykanku tababaray isla markaana ku gaashaanaa qalabka casriga ah ee maraykanka.

Intaa kadib ururku waxa uu isku fidiyay gobolka Salaaxudiin oo isku xidha

waqooyiga iyo badhtamaha ciraaq, taas oo ay ku taalo magaalada Biiji oo leh xarunta shidaalka lagu sifeeyo ee ugu weyn wadanka Ciraaq-sidoo kalena waxa uu kaabiga u istaagay magaalaa lagu muran san yahay ee Karkuuk inkasta oo ay dhaafi waayeen iska caabintii ciidamada Kurdistaan ee Bashmargaha.

Hadaba kadib markii uu uruku qabsaday qaybo balaadhan oo ka mid ah waqooyiga ciraaq sida gobolada Naynawa-Anbaar-Salaaxudiin ikk sidoo kalena uu isku balaadhiyay gobolada Riqa iyo dayra-zuur ee Suuriya waxa uu ku dhawaaqay ururku 29 june inuu soo celiyay Khilaafadii islaamka-iyaga ooo khaliifka muslimiinta u doortay hogaamiyahooda Abu Bakar Al-Baqdaadi. Magacii ururka ee ahaa dawlada islaamiga ah ee Ciraaq iyo Shaamna waxa ay u badaleen magaca (Dawlada Islaamiga ah) oo qudha.

Warsaxaafadeedka khilaafada lagu bayaamiyay waxa kale oo lagu sheegay in la laalay ama la buriyay xuduudaha u dhexeeya Ciraaq iyo Suuriya-iyaga oo muslimiinta daafaha aduunka ugu baaqay in ay u soo hijroodaan dhulka dawlada islaamka-waa siday hadalka u dhigeene.
Maalmo kadib ku dhawaaqidi khilaafada islaamka waxa shaashadaha ka soo muuqday hogaamiyaha dawlada oo salaadii jimcaha u khudbadaynaya dadweynaha reer mawsil isaga oo muslimiinta ka codsaday inay ka amar qaataan, dawladana taageeraan.

Dagaalyahanada uruka waxa lagu qiyaasaa 20 meeyo kun oo ka kala yimid daafaha aduunka-sidoo kalena ururku waxa uu lacag badani ka soo gashaa ceelalka shidaalka ee uu haysto Ciraaq iyo Suuriyaba.

Guntii iyo gabagabadii Ururka Dawlada Islaamka ama sida dadku u yaqaanaan Daacish waa awood qiimaynteeda mudan-dunidana saamayn balaadhan ku leh-hada waxa unkamay isbahaysi uu hogaaminayo Maraykanku oo ujeedadiisu tahay daciifinta tamarta ururkan balse iyada ooo duqeyn xaga cirka ah lagu wado hadana is balaadhinta ururku way socotaa maanta oo ugu danbaysay waxa uu qabsaday magaalada Istaraatajiga ah ee Caynu-Carab (Kobaani) ee ku taal xadka Turkiga iyo Suuriya.

Dhamaad