Xasan Guure & Muuse Biixi oo ku heshiiyey inaan Maansoor lagu qaban karin Xuska SNM ee Sooyaal diyaarisay

Xasan Guure & Muuse Biixi oo ku heshiiyey inaan Maansoor lagu qaban karin Xuska SNM ee Sooyaal diyaarisay

muuse-biiixi

Hargeysa(Salaanmedia.com):- Guddoomiyaha Siyaasiyiinta ku bohoobay Madasha Wada-tashiga iyo Toosinta Qaranka Somaliland, sla markaana ka mid ahaa Halgamayaashii SNM Xasan Guure Jaamac, ayaa sheegay inaan la qaban doonin Xuska Maalinta Shuhaadada SNM ee 17-ka October ee ay qaban-qaabisay Jimciyadda Sooyaal oo lagu qaban lahaa Maansoor Sabtida soo socota maaddaama oo ay Berri Jimce tahay.
Xasan Guure Jaamac waxa uu sheegay inay Munaasibaddaas Sooyaal qaban-qaabisay ee Xuska 30-guurada Shudahaada SMN tahay mid dhinac ka raran, isla markaana loogu talo-galay dad gaar ah iyo Xukuumadda oo aanay la mid ahayn Munaasibadihii furnaa ee maalmaha SNM lagu xusi jiray, sidaa awgeedna aan la qaban karin, balse ay Guddoomiyaha Xisbiga talada haya ee KULMIYE isla qaateen wadahadal ay arrintaas ka yeesheen maanta ka dib in lagu qabto Beerta Xorriyadda ee magaalada Hargeysa oo dhawrkii sano ee u dambeeyey mooyaane birigii hore lagu qaban jiray Xusaska SNM.
Xukuumadda talada haysa ee Madaxweyne Siilaanyo, ayaa Fannaanadda Sahra-Halgan iska hor-taagtay in Xus ay qaban-qaabisay oo ay ugu talo-gashay 30-guurada 17 October oo ay maanta doonaysay inay ku qabato Huteelkeeda Hiddo-dhawr ee magaalada Hargeysa, kaasoo ay subaxnimadii hore ee Khamiista Saaka la wareegeen Ciidammada Booliska ee RRU-da loo yaqaanno oo joojiyey in Munaasibaddaas la qabto ka dib markii ay Wasaaradda arrimaha guduhu amar ku bixisay shalay inaanay xuskaas qaban karin oo ay SOOYAAL uga dacwootay, tallaabadaas Xukuumaddu ku joojisay xuskaas ayuu Mujaahid Xasan Guure Jaamac si kulul u cambaareeyey.
Xasan Guure oo la hadlay Warbaahinta waxa uu ka hadlay joojinta Xuskaas iyo waxa ku dhacay Raggii SNM ugu cadcaddaa ee is-yidhi maanta taga Huteelkaas Askarta lagu wareejiyey, waxaanu yidhi; “Waa Ayaan-darro, waad ogaydeen saaka Raggii u mudnaa ee u muddo-karsanaa SNM, Maxamed Xaashi Aas-aasihii buu ahaa, si edeb-darro ah baa Qori loogu hanjabay oo qori loogu soo rogtay, waa ayaan-darro in maanta intaynu innagu qoryo isku soo qaadano Bir-ma-geydo yeelan wayno. Waxaanan qabaa in haddii ay sidan ku sii socoto aan dalkan la wada yeelan doonin oo aan talo la wada yeelan doonin.”
Guddoomiyaha Madasha Wada-tashiga iyo Toosinta Qaranka Xasan Guure waxa uu sharraxay kulan Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi ay maanta wada yeesheen, waxanu yidhi; “Waad ogeydeen oo waxa noo yimid Muuse Biixi, Muuse Biixi Mujaahid buu ahaa, Ragga ugu waaweyn baanu ahaa, Erguu ku yimid, waxaannu ka wadahadalnay in Hoteelka Hiddo-dhawr laga qaado Ciidanka, in Xafladdii Maansoor-na ee gaarka ahna la joojiyo, illayn cid bay gaar u tahaye.”
“In lagu qabto halkii lagu qaban jiray ee Beerta Xorriyadda ahayd, Cid walbana way u furan tahay oo kaadh la qaybinayaa ma jiro, tiro gaar ahna maaha SNM, Mujaahidka Carruurtiisii baa ka badan, cid gaarana kaadh la siin maayo ee waa Xaflad furan oo dadkoo dhan u dhex ah derajana la kala heli maayo ee Faataxada ayaa loo marayaa Mujaahidiintii dalkan naftooda u huray ee u shihiiday.” Sidaa ayuu yidhi Xasan Guure Jaamac oo ka mid ahaa Xubnihii sare ee Jabhaddii SNM.