Xoghayaha Gobalka Daad-madheedh Oo Goordhawayd Iska Casilay Xilkii Xoghayenimo

Xoghayaha Gobalka Daad-madheedh Oo Goordhawayd Iska Casilay Xilkii Xoghayenimo

dalo (1)

Burco (Salaanmedia.com) Xoghayihii Gobalka Daad-Madheedh Oodweyne C/Salaan Maxamed Jaamac Oo la Soo Xidhidhay Shabakadda Caalamiga Oodweynenews.com ayaa shaaciyay inuu Guud ahaanba iska Casilay Xilkii Xoghayaha Gobalka Daad-Madheedh.
iscasilada Xoghayaha Gobalka Daad-Madheedh ayaa ku Shaciyay iscasiladiisasi ka Dib Markii Sida Uu Shegay inuu Cadalad Darro Kala Kulmay Wasiirka Arrimaha Gudaha S/land Cali Maxamed Warancade Oo Uu ku Eedeyay inuu Yahay Masuul Xilkii Loo igmaday ku Guuldaraystay.
Xoghayihii Hore Daad-Madheedh C/Salaan Maxamed Jaamac Oo ka Hadlaya iscaladiisa Waxa ka Mid ahaa Hadalidisii Sida Tan
” Waxaan Jecelahay in Aan Maanta halkan ka Cadeeyo in Aan Guud ahaanba iska Casilay Xilkii Aan Mudada Dheer Soo Hayay Ee ahaa Xoghayaha Maamulka Gobalka Daad-Madheedh Oodweyne,Waxyabaha Aan isku Casilay Waxa Weyaan Ka Dib markii
Aan Cadalad Darro Kala Kulmay Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade Oo ah Runtii Nin ku Fashilmay Xilkii Uu Qaranku u igmaday”
Si Kastaba Ha Ahaatee Iscasilaada Xoghayaha Gobalka Daad Madheedh Cabdi Salaan Maxamed Jaamac Ayaa Mudo Dhawr Cisho Ah Ku Xidhnaa Saldhiga Magaalada Oodwayne