Xukuumaddu doorasho diyaar uma aha, dalkana waxay la rabtaa jaahwareer iyo qas siyaasadeed, shacabka Somaliland-na waxaan

Xukuumaddu doorasho diyaar uma aha, dalkana waxay la rabtaa jaahwareer iyo qas siyaasadeed, shacabka Somaliland-na waxaan

4

Hargasa(salaanmedia.com):- Hogaanka Garabka Dhalinyarada Heer qaran Ee Xisbiga Mucaaridka Ah Wadani Mr. Sadiiq (Dhame) Ayaa waxaa Uu Ka Hadlay Xalada Guud Ee Maanta Uu Dalka Ku Sugan Yahay Waxana uu Tilaamay in Xukuumada Talada Haysaa Aanay Aheyn Mid Diyaar U Ah In Dalka Doorasho Laga Bilaabo Waxana uu Hadalkiisii Ku Bilaabay “Xukuumaddu doorasho diyaar uma aha, dalkana waxay la rabtaa jaahwareer iyo qas siyaasadeed, shacabka Somaliland-na waxaan ugu baaqayaa inay u diyaar garoobaan sidii laysu dhaafinlahaa kooxda dalka afduubatay. Caqabad hortaala ma jirto in doorashadu waqtigeedi dub uga dhacdo, haddi daacad xukuumaddu ka noqoto. doorashadii hore ee dalka ka dhacday muddo xileedkii madaxweyne riyaale waqtiga la haystay wuxuu ahaa inta maanta la haysto

oo kale. hawlaha qabyada ah ee ay ugu horayso ansxinta komishaka xukuumadu dub u dhigtay ansixintooda, diwaangelinta codbixiyayaasha ee lacagteedi qadhan bixiyaashu diyaarka la yihiin ee xukuumaddu xeerkeedi hortaagnatahay, haddi la hirgeliyo, waxa hadhayba waa in la mudeeyo maalinta doorashadu dhacayso.
Madaxweynuhu wuxuu dunida iyo dadkaba u cadeeyay inaan maalin lagu darayn xili mudeedkiisa dadku doortay, oo doorshadu diyaar tahay, waxase muuqata inaanu xisbiga kulmiye diyaar ahayn oo uu doonayo muddo kordhi xaarana taasina marna suuro gelimayso wax haboona oo dalku u baahnyahayna maaha.marka madaxweynuhu balan qaado in doorashadu dhacayso qolyahay dhegtiisa haysta ka hoos leh waa beenta, waa nasiib daro maamul kala socda iyo xukuumadda taladeeda doco badan laga hagayaa.
Komishankii hore waa lakala diray muddo xileedkoodi iyagoonay dhamaan shantii sanno ee la doortay, si loo curyaamiyo hawlaha shaqo ee doorashada horyaal, komishankii cusbaa xukuumaddu way diiday in la ansixyo si ay u gutaan waajibaadkooda shaqo si dib looghu dhigo doorashada waqtiguna cidhiidhi u noqdo, xukuumaddu waxay kharash badan oo xaaran ku bixsay sidii aanay doorashadu u dhici lahayn, madaxweyanuhu kuna jeer wuxuu ku tiraabay oo uu ku yidhi cod dheer iyo mid gaabanba doorashadu inay dhacayso,. Doorashadu inuu daacad ka yahay odaygu way u eegtahay se waxa ayaan daro ah awooda ka barbar shaqaynaysa ee hadh iyo habeen dagaalka kula jirta qabsoomida doorashada taasina waxay cadaysay inaanu talin madaxweyhu. Hogaanka dalkana lala maamulo. Wax la aqbali karana maaha in carruur iyo dumar dalka jaahwareeriyaan.
Madaxweyne hadaad Somaliland mustaqbal la doonayso oo aad daacad ka tahay erayada afkaaga kasoo baxaya doorashada qabo, dalkana ka daa dibindaabyada iyo dub u dhacaa inankada adeerka u tahay ee dalka maamulkiisa kula wadaagana awooda ka qaad kana qabo ummada uma afduubnaan karayso qofaanay dooran, lamana qaadi karo inbadanba shacabku samraayay,.
Muruga muranka iyo meermeerka xukuumadu wuxuu iftiiminayaa in doorashadu dub u dhacdo taasina waxay saamayn ku yeelaynaysaa geedi socodka dimuqraadiyada somaliland. ififaale diyaargaraw kama muuqdo xukumadeena, waxay dub ugu guranaysaa muddo kordhin guurtidu qalinka ku duugto, taasina waa xaaran marna aan la qabali kerin. madaxweyanaha waxa waajib ku ah balan qaadkiisi uu ka hor balan qaaday shacabka iyo dunida inuu doorasho qabanaayo inuu rumeyo, guurtidu waa gole abaalweynu dalku u hayo siday se maanta wadaan waxay horseedi kartaa in dalku galo xaalad adag alle ha sahlee.
Gudoomiyha golah guurtida waxaan ka dalbanaynaa inuu daacad ka noqdo qabsomida doorashada oo uu ku dhiirado sidii uu ugu dhiirana waqtigii madaxweyne riyaale dalka maamulayay go’aamadii qadhaadha ee doorashada hirgeliayay qabsooideeda, dalku waa dalkii dadkuna waa dadkii, guluhu waa golhii, doorashaduna waa doorashadii oo kale, gudoomiye ha hagran awoodada dastuuriga, garabkana ha saarin cid gaara
Haddi aynu dayacno fursada qaadhan bixiyaayshu ee ah dhaqaalaha diyaarka lala yahay, waxay u jeesanayaan waddamada daneeya doorashoyinka iyo duuraadiyada Somaliland dawlada Soamaaliya, ee doorashadu dhacayso 2016 dhaqaalhi loogu talo galay doorashadeenan waxa lagu bixin doona doorashada xamar, taasina waxay cadanaysa xanta xukuumada inay fadaar doonayaan.
Dub u xasuuso xanuunkii dub u dhaca doorashadu lahaa siilaanyooy waqtigaad mucaaridka ahayd,qayladii xisbiga kulmiye mudaharaadadi dadku ku dhinteen iyo xasuusihi murugada lahaa, taasi inay dhacdo dhiri gelin mayno laakin haddi sida xaalyahay aan laga badelin daniba way badi shacabka mudaharaad iyo muran aan dhamaan, dalku doorashu ayuu diyaar u yahay bulshaduna isbedelbay baahi u qabtaa. Horumar midnimo iyo wax wada qabsi ayaynu u baahnnay,heeryadda musuq, haybhaybta iyo qabyaalad afafta sanno ummada lagu dhaqaayay waqtigeedi waa gebagebo waxaana la gaadhay waqtigii Somaliland heli lahayd caddalad uu horsed ka yahay xisbiga waddani