Xuska 30-Guurada Maalinta Shuhadada ee SNM 17/10/1984kii – 17/10/2014ka,Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale

Xuska 30-Guurada Maalinta Shuhadada ee SNM 17/10/1984kii – 17/10/2014ka,Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale

DaawoMuqaal: Boobe Yuusuf Ducaale Oo Si Adag U Difaacay Fanaaniinta Kooxda Xidigaha Geeska

(Salaanmedia.com) Saturday,
Waa 30-guuradii ka soo wareegtay maalintii la isku haleelay Burco-duurrey 17/10/1984kii. Waa 30-Guuradii Maxamed Xaashi Diiriye, “Lixle” iyo geesiyaashii la shahiiday maalintaa ee Burco-duurrey iyo Lafta Ceelka Reer Xasan

“Mar haddaan hillaab lagu gudbayn, giriftan mooyaane,
Gabgabteedu waa xubin intay, gawrac leedahaye,
Geeddiga cagaa daaliyaa, lagu geyoodaaye,
Gellimaadka hayskaga jirtiyo, goosan-habaqlaaye,
Gubuxsiga mar uun bay tirsiga, meel ka soo geliye,
Gar-garaaciddeediyo ha deyn, geed-ka-didinteeda

Gud-gude, Hadraawi, 1990kii

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale – cankaabo@hotmail,com, www.dharaaro.com

11/10/2014ka, Hargeysa

Qormadii: 1aad

Giblo iyo mashxarad…Gelbis iyo ciyaar….Gardaadinta guul ku timid xinjiro gobo’ yidhi iyo nafo ku go’ay goobo sharafeed……Xuska geesiyaal u shahiiday geyi dadkii ku uummanaa gumeysi ku habsaday…..Gallad iyo abaal intii halganka guddoonsatay….Intii gabannadoodii u soo xidhay ee u sadqeysay…..Intii u gurmatay…..Intii garab iyo gaashaanba u noqotay……Intii gunyada u hurtay…….Intii gumuca iyo gasiinkaba aan ka hagran…….Intii gunnaysay…..Intii gargaartay…..Intii

aan gabban ee ka badheedhay…..Intii ka gabayday…..Intii ka geeraartay…..Intii guubaabo iyo goohba la soognayd….Intii gudaha ku sugnayd…..Inti qurbaha ku go’doonsanayd……Intii geela raacaysay……Intii gasiinka beeraysay…….Dheddiggii gurmaday….Lab gadoodsanaa…..Gurbood ciillanaa….Gidhligaanka yeedhay iyo Fiintii gama’ diidday…..Galowgii eedaamay…..Guryo ba’ay iyo gaasaskii le’day ee gamaska loo dhiigeeyay….

Xuska maalin sharfan oo si qiimo iyo qaddarinba leh ugu xardhan bogagga taariikhda ma-guuraanka ah. Xusuusta geesiyaal naftoodii u sadqeeyay dibuxoreynta dal iyo dad gumeysi aan meel fog ka imani ku habsaday.

Taxanahan kooban, waxaynu ku soo qaadan doonnaa:

• Dagaalkaa burco-duurrey siduu ku dhacay, hawl-galladii, khasaarihii iyo macluumaad la xidhiidha,
• Taariikh-nololeedkii Lixle oo kooban,

Waa 30-guuro gow ah. Soddon sannadood ayaa ka soo wareegay maalintan loogu wan-qalay maalinta shuhadada. Tuugna ma xado. Shuhadadu iskuma jirto e’, waa shuahadadii halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta qaran ee SNM horseedka ka ahayd. Inta geesi la yaqaannay shahiidday ee dal iyo dadba naftoodii u hurtay, waxaan ka yareyn inta aan la aqoon ee qudhoodii qaaliga ahayd halgankaa hubeysnaa ku weyday. Adduunyadu waxay u taqaannaa ‘DAL-JIRRADA DAHSOON.’ Si aan maalinba qof shahiiday loo xusin ayaa la isku wada xaabiyay oo maalintan la isugu geystay.

Waa 30 sannadood oo sannadkiiba 12 bilood yahay. Intaas ayaa ka soo wareegtay maalintan shuhadada baadi-soocda looga dhigay.

Hadhow bay dhurantaayoo,
Dhugba maan u lahayn iyo,
Ma dhaadaynin tidhaaye,
Waa Dharaar e’ xusuuso,
Milgaheeda dhalaaliyoo,
Car wanaag u dhammeeyo,
Dhaqankeeda hagaajiyoo,
Dhaxal manta ka reeb,

Waa 30-guuradii ka soo wareegtay maalintii la isku haleelay Burco-duurrey 17/10/1984kii. Waa 30-Guuradii Maxamed Xaashi Diiriye, “Lixle” iyo geesiyaashii la shahiiday maalintaa ee Burco-duurrey iyo Lafta Ceelka Reer Xasan ka dagaal galay. Waa 30-Guuradii maalintii ugu shuhadada badnayd halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta Qaran ee SNM horseedka ka ahayd. Maalintaa waxa shahiiday ciidan dhammaa 57 shahiid oo ku kala qudh-baxay laba goobood oo la isku haleelay: Burco-duurrey iyo dagaalkii dhabar-jebinta ahaa ee Lafta Ceelka Reer Xasan. 26 Mujaahid waxay ku shahiideen dagaalkii dhabarka, 31na waxay ku shahiideen Burco-duurrey. Dagaalladaas oo dhacay 17kii Oktoobar 1984kii oo maalin Arbaca ahayd markii hore Burco-duurrey waxa laga soo qaaday 29 shahiid, subaxnimadii Khamiistiina waxa la keenay Rabaso meydkii shahiid Lixle iyo Mubaarak Axmed oo loo yaqaannay ‘Hadhuudho’. Sidaas ayaa Rabaso looguaasay maalintaa 57 shahiid. Waa 30-Guuradii maalintii Rabaso lagu aasay shuhadii ugu badnayd ee maalin qudha ah wada shahiidda. Sidaas ayay ku noqotay maalintan amran ee sharfani maalintii shihadada SNM.

Maalmuhu iskuma jiraane, waa 30-Guuro. Soddon-guurooyinkuna iskuma jiraane, waa 30-guuradii maalinta shuhadada ee SNM.

Mujaahid Yuusf Meydal Cumar oo dagaalkaa Burco-duurrey ka qayb-galay kuna dhaawacmay goobtaa oo ka jawaabayay su’aal ahayd: ‘Waagu side ayuu idiin ku beryay subaxdaa, mar aan ku wareystay Xarunta VTC-da Sooyaal 15/10/1997kii ayaa iigy jawaabay:

“Subaxaa waagu wuxu noogu baryay fasal wanaagsan oo aanu filaynay in weliba cadawguna na soo weeraro.”

Waa qalbi-samaantii iyo niyad-adayggii Mujaahidiinta. Dagaalkaa badnaa. Siyaabaha la isu hirdiyay ama foodda la isu daray ayaa badnayd. Hubka iyo ciidanka waxa dheeraa ka nafsiga ah iyo ka saykoolojiga ah. Wax waliba sidaad ka dhigato ayuu ahaa. Haweenkii Hargeysa ka qaxayayba, dayuuradihii nidaamkii Siyaadkii Barre u yaqaannay Hawkar iyo Miig, waxay u yaqaanneen Caasha biyo sida oo cidiba waxba iskagama tirin jirin.
Bal hadda aynu ku noqonno mudaakaradii Yuusuf Meydal Cumar. Markanna waxaan maalintaa weydiiyay:
Miyaad ka war-qabteen cadawga?
Yuusuf Meydal Cumar isaga oo meel fog oo hortiisa ah eegaya anna aan is-leeyahay muuqaalladii maalintaas ayaa hadba sidii hillaaca u soo maraya, ayuu iigu jawaabay:
“Waxaanu ka war-qabnay dareenka guud sidii uu ahaa, wararkii ay na siinayeen dadkii reer miyiga ahaa ee aanu la degganayn iyo aniga oo arkaynay in ay naga dul guurayaan oo dareen galay. Waxaanu dareensanayn in ay dadku wararka ka helayeen Qol-buulalle oo ay ka war hayeen in meesha lagu soo kordhay. Sidaa awgeed ayuu dareenka nagu jiray u ahaa in uu weerar na qabsan doono.”
Halkaa markii uu marayay, waxaan Yuusuf Meydal Cumar ka wareystay goortii la soo weeraray iyo laxaad-beenaadkii cadawga la soo majaro-habaabiyay. Sidan ayaan maalintaa su’aasha ugu dhigay:
Goor ma ayaa la idin soo weeraray?
Mujaahid Yuusuf Meydal Cumar isaga oo magan u ahaa xusuustiisii dihineyd ee maalintaa iyo goobtaa taariikhiga ahayd, wuxu si kalsooniyi ku dheehan tahay iigu jawaabay:
“Waxa nala soo weeraray markii ay saacaddu ahayd 1.17 daqiiqadood ee gelinkii danbe. Waxaanu ahayn saddex Urur. Waxaanu ahayn Ururka 1aad oo Cabdirasaaq Maxamed Cali haystay, Ururka 2aad oo Cabdikariim Xaashi haystay, Ururka 3aad oo Maxamed Xaashi Diiriye (Lixle) Taliye-urur u ahaa, taliye guudna uu saddexdayada Ururba u ahaa”
Bal hadda aan eegno Mujaahidiintii goobtaa cadawga ku haleeshay sidii ay u hubeysnaayeen. Waa kan Yuusuf Meydal Cumar oo aynu gaaxdiisii sii maallaa, waxaanu intaa hore ku kabay:
“Hub waxaanu ka haysannay hubka fudud ee loo yaqaan ‘small arms’. Waxa noogu weynaa qoryaha loo kala yaqaan sebenka (Baasuuke) iyo BKM-ka. Waxa kale wuxu ahaa qoriga AK-ga ee aanu Dugsigii Tababarka kala soo baxnay kaas oo loo yaqaannay ‘Nuur-Madoobe.’”
(La soco berri, haddii Eebbe idmo)