XUSKA 30-GUURADA MAALINTA SHUHADADA EE SNM, QORMADII: 4AAD QALINKA: BOOBE YUUSUF DUCAALE

XUSKA 30-GUURADA MAALINTA SHUHADADA EE SNM, QORMADII: 4AAD QALINKA: BOOBE YUUSUF DUCAALE

snm

(Salaanmedia.com)
Cadawga meesha marayay waxba iskagama kaaya tirin, waxaana taa kuu caddaynaysa halka uu nagu soo doontay iyaga oo 26km gudaha u soo galay dalka Itoobiya

17/10/1984kii – 17/10/2014ka
“Mar haddaan hillaab lagu gudbayn, giriftan mooyaane,
Gabgabteedu waa xubin intay, gawrac leedahaye,
Geeddiga cagaa daaliyaa, lagu geyoodaaye,
Gellimaadka hayskaga jirtiyo, goosan-habaqlaaye,
Gubuxsiga mar uun bay tirsiga, meel ka soo geliye,
Gar-garaaciddeediyo ha deyn, geed-ka-didinteeda,’’

Gud-gude, Hadraawi, 1990kii

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale – cankaabo@hotmail,com, www.dharaaro.com

14/10/2014ka, Hargeysa

Qormadii: 4aad

Hadda Mujaahid Diiriye-gaab ayaa gaawaha inoo hayay oo aynu gaaxdii xusuustiisa maalaynay. Intaa hore wuxu ku kabay:
“Markii gabbalkii dhacay dib-u-gurasho xeel dagaaal ayaanu Burco-duurrey ku tagnay. Dhaawicii ayaanu halkaa ku urursannay. Iyaga oo ciidan xul ah oo hubeysan isu haystay haddana wixii goobta ka gaadhay waa ay u qaadan waayeen. Waxay ahayd mid ka mid maalmihii ugu mudnaa ee SNM ka guulaysato
ciidanka cadawga. Waxay ahayd maalin cadawga si aanu ka soo kabin karin oo ceeb iyo weji-gabaxba ku ahayd loo jebiyay.”
Waa tahay. Haddii ay intaasi inala kala gaadhay labadaa rug-caddaa, bal hadda immikana aan dheehanno Mujaahid Quulle oo goorahanba afku cun-cunayay, waxaanu yidhi:
“Marka hore shuhadadii aan Faataxada u marno. Intii la dhalatay iyo intii ay ka dhinteenna Ilaahay ha ka cawilo. Dhammaanteen Ilaaheen ha inaga cawilo. Waa maalin farxadeed. Waana maalin murugo. Waa maalin farxadeed oo waa maalintii cadawga laga guulaystay. Waana maalin murugo oo waa maalintii ay SNM ugu khasaaraha badnayd raggii ugu qiimaha badnaana ay ummadda ka baxeen. Haddii aanu khasaare ku soo gaadhin guul ma hantidid. Marka hawsha lagu jiro ninba dhinac ayuu wax ka arkaa ama aragtidiisa ayuu ku hadlaaye, nimankii maalintaa foodda aanu is-darray ballaan-qaad dallacaadeed ayay qabeen oo ku dagaallamayeen. Darajo ay helaan oo ay nidaam daallin ah ka kasbadaan ayay u dagaallamayeen. Annaguna waxaanu ahayn niman Janno doon ah ama dal iyo dad doon ah. Foodda markii aanu is-darnay iyaga oo naga xoog badnaa oo naga tiro-badnaa waxaanu kaga guulaysannay hiilka Eebbe, xaq-u-dirirkii aanu ahayn iyo niyaddayadii birta ahyd. Gurmad waxa noogu sokeeyay Laan-qayrta oo galbeed naga xigtay iyo Gubad-daalaco oo bariga naga xigtay. Labaduba waa ay naga fogaayeen. Soomaalidu waxay ku maah-maahdaa:Geesi il buu diriraa. Dantu waxay nagu qasabtay in Mujaahid kastaaba wixi rasaas qoriga ugu jiray uu madhxiyo, beekhaamiyo oo uu si tashiilan u adeegsado si aanu gacanta cadawga ugu dhicin.
Cadawga meesha marayay waxba iskagama kaaya tirin, waxaana taa kuu caddaynaysa halka uu nagu soo doontay iyaga oo 26km gudaha u soo galay dalka Itoobiya. Ujeeddadoodu waxay ahayd in ay burburiyaan oo ay cagta mariyaan ciidankaa Sayid Cali ee xuddunta u ahaa cududdii hubeysneyd ee SNM.”
Haakah! Ma tidhaahdeen oo warankaa Burco-duurrey iyo warkeedii ma idiin baxay. Bal hadda aan sheekada yar hakinnoo oo dib u guurno 30-kaa sannadood oo tagno 25/10/1984kii. Aan daalacanno warbixintii Ibraahin Kood-buur maalintaa ka qoray dagaalkaa meesha ‘Xabashi’ la yidhaahdo ka dhacay, bal se Burco-duurrey ku can-baxay. Warbixintan iyada oo teeb ku garaacan oo sawiran ayaan ka qaaday Mujaahid Cabdi-shanaad. Waxaan idiin ku soo minguurinayaa sidii uu Ibraahin Kood-buur maalintaa u garaacay isaga oo Diri-dhabe ku sugnaa.
Warbixinta Ibraahin Kood-buur inta aanan bilaabin, Naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e’ aan ka ambo-baxo weedhaha ugu danbeeya ee warbixintani ku dhammaato, waxaanu qoray Ibraahin Kood-buur, 25/10/1984kii:
“Taariikhdu markii ay ahayd 19/10/1984kii ciidammadii SNM ee ka kala yimid Dugsigii tababarka ee Awaare, Laan-qayrta iyo Dhooba-guduud waxay weerareen cadawga oo joogay Qol-buulalle goor habeennimo ah. Khasaarihii cadawga gaadhay oo aad u weynaa weli lama soo tiro-koobin, ciidammadeennana waxa ka shahiiday Mujaahid Maxamuud Siciid Daa’uud.”
Sow tii uu Hadraawi lahaa:
“Fidmo looma sacab-tumo,
Hadday sii fogaatana,
Ninka cararay waa fule,”

Aan ku noqonno shahiid Ibraahin Kood-buur iyo warbixintiisii Burco-duurrey ee 25/10/1984kii, waxaanaynu u soo gaabsanaynaa sidan hoos ku qoran:

SOMALI NATIONAL MOVEMENT

Flimsy Fayl Dire Dawa
Oct. 25/1984
Guddoomiyaha SNM
Dire Dawa
Uj: warbixin dagaal
17kii Oct. 1984 saacaddu markay ahayd 2.45 galabnimo, Guutada Sayid Cali oo deggenayd Kaam xabashi, waxa soo weeraray cadaw watay 24 gaadhi oo kala ah:
10 gawaadhida gaashaaman ah, 4 jiib, 2 Zuu, 2 Shilke, 2 Toyota oo ay saarnaayeen qoryaha ‘Brown’ iyo ‘Gerinove’ iyo 4 baabuur oo waaweyn oo ‘Ife’ ahaa.
Ciidanka cadawguna wuxu ka koobnaa 500 oo askari oo aad u hubeysnaa.
Ciidankeennu wuu ka digniin helay cadawga oo wuxu ugu diyaar-garoobay meel keymo xidhan leh. Ciidankeennu wuxu gaashaanka u qabtay oo uu dib u celiyay Raacii 1aad iyo Raacii 2aad ee cadawga oo uu ka dhigay wax dhintay, wax dhaawacmay iyo wax baxsaday, gaadiid bandanna waa laga gubay.
Waxa weli inoo socota warbixintii Ibraahin Kood-buur ka qoray dagaalkaa ka dhacay Kaam-Xabashi, waana tan warqaddii oo halkeedii ka sii socotaa:
4.30kii galabnimo waxa ciidankeenna soo weeraray Raacii 3aad ee cadawga, waxaana la dagaallamayay ilaa 9.00 saacadood ee fiidnimo, markaas oo la is-arki waayay oo la kala hulleelay. Khasaarihii cadawgu wuxu noqday:
• 108 askari oo geeriyooday iyo in badan oo dhaawacantay,
• 9 gaadhi oo gaashaanna oo la gubay,
• 2 gaadhi oo gaashaannaa oo lagala hadhay, ama furtayba,
• 1 jiib, 1 Shilke iyo 1 Toyota oo qori saarnaa oo la gubay,
• Hub iyo rasaas badan oo kale oo laga furtay,

Khasaarihii Ciidankeenna gaadhay:
• Magacyada Mujaahidiintii shahiidday oo warbixintaa ku qornaa,
• 30 Mujaahid oo dhaawacmay oo badankkodu fududaayeen,
• Hubka la waayay:
BKM: 1, RBD: 4, RBJ/7: 1m AK: 18 isugeynna noqday 24 qori.
Haddii aynu warbixintii Ibraahin Kood-buur intaa kaga baxno, si aynu xaqiiqadii maalintaa u sugno suabaxnimadii Khamiiseed ee 18/10/1984kii Mujaahid Maxamed Xaashi Diiriye Lixle waxa lala aasay oo iilka loo kala weeciyay Mujaahid Mubaarak Axmed oo ‘Hadhuudho’ lagu naanaysi jiray siday ii sheegeen Cabdi-Laangadhe iyo Cabdi-Shanaad oo isagu ka mid ahaa dadkii dagaalkaa ku naafoobay.
Waxa kale oo xusuus gaar ah mudan dhowr Mujaahid oo intooda badan dhaawac lagu qabtay oo Hargeysa la geeyay oo kala ahaa:
(La soco berri, haddii Eebbe idmo)