15Novembar: Somaliland Oo ka Badbaaday Sahankii Shaydaanka Iyo Hayaankii Jinka

15Novembar: Somaliland Oo ka Badbaaday Sahankii Shaydaanka Iyo Hayaankii Jinka

Jinkiii

Hargeysa, (Salaanmedia.com) Gudoomiyaha Golaha wakiiladda Cabdiraxmaan Cirro iyo xildhibaanada mucaaridka ayaa laga hor joogsaday inay galaan xarunta golaha, isla markaana waxa isku sigtay inay xabadi ka dhex qaraxdo illaalada Gudoomiyaha iyo cutubyo RRU ka tirsan, xili uu Gudoomiyuhu ku sii jeeday xarunta golaha, balse laga waabiyay.
Maxaa ka dhacay dibadda xarunta Baarlamaanka?, Maxaa ka dhacay gudaha xarunta Wakiiladda?, guud ahaan siduu ahaa sawirkii caasimadu shalay?, arrimahaa iyo qodobo kaleba wuxuu wargeyska Ogaal ka diyaariyay warbixintan.
Dibadda xarunta Golaha
Niskii danbe ee habeen hore, ka hor waaberigii, ayaa la sii dhoobay ciidamo jid kasta oo taga xarunta Baarlamaanka iyo Madaxtooyada.Jidadka waxa laga xidhay meelo fog fog oo ka durugsan, taasina waxay sababtay in qaybo badan oo xarumaha dawlada iyo ganacsiga gaarka ka mid ahi ay xayirmaan, isla markaana aan laga muraadsan. Gaadiidka lama ogolayn, dadkana lama ogolayn inay dhaafaan barahaa durugsan, balse gees kastaba waxa tubnaa boqolaal dad ah oo ka kala yimi jihooyinka kala duwan ee magaalada, kuwaasoo u soo kalahay ogaanshaha siday wax u dhacayeen, isla markaana badidoodu u muuqday qaar ka cadhaysan khamaarka la geliyay wadanka. Waxay u ekayd in wax iska bedeleen sidii habeen hore lagu kala seexday.Waxa la filayay sidii caadadu ahayd mooshin kastaaba ha yaalee, in xildhibaanada golaha si xor ah loogu ogolaado inay u galaan xaruntooda, laakiin taasi ma dhicin.Gudoomiye Cirro wuxuu u soo shaqo tegay xaruntiisa, hase yeeshee markuu marayay agagaarka huteel Emperial ayaa cutubyo ka tirsan RRU hor joogsadeen.Waxay isku dayeen ciidanka RRU inay hubka ka dhigaan illaalada Gudoomiyaha, balse taasi ma suuragelin oo waxa diiday ilaalada Gudoomiyaha.Waxay ku dhawaatay in ay isku dhacaan ilaalada iyo RRU, kadib markii Laba askari oo ka kala tirsanaa labada dhinac hadalku ka duulay ee ay qoryaha isu cabaysteen.Hase ahaatee ladqabo kadib Ciidanka RRU way laabteen.Halkaas oo ahayd huteelka Emperial ayaa Gudoomiye Cirro markaa ku qabtay shir saxaafadeed, isla markaana uu kaga dhwaaqay in goluhu xidhan yahay oo aan la furi Karin.Xildhibaanada mucaaridka ayaa iyana dhamaantoodba dibad joog ka ahaaxarunta, oo ay sheegeen in loo diiday inay galaan. Boqolaal qof ayaa halkaa isugu soo ururay oo u doonayay inay oogaan mudaharaad oo xoog lagu galo xarunta, balse ma muuqan ficil dhiirigelinayay oo dhinaca mucaaridka ka imanayay, dadka laftoodana waxa laga dheehanayay taxadir. Laakiin wax waliba waxay ku xidhnaayeen waxa soo yeedha. Guurtidaa arrinta gashay oo gudaha ku jirta ayaa hakad gelisay wax walba, isla markaana lexejeclo badan iyo deganaan ayaa degdegsiimo reebtay.
Inkastoo dad badani ka cadhoodeen sidii loola dhaqmay Gudoomiyaha, hadana, laftiisu wuxuu u jeediyay dadka inay is dejiyaan wax kastaana khayr ku dhamaan doonaan. Xildhibaanadda mucaaridka ah oo keliyi dibada may joogin, ee saxaafada madaxa banaan ayaa iyana gebi ahaanba laga xarimay xarunta Baarlamaanka, waxaana loo ogolaaday oo keliya warbaahinta dawlada.sidoo kale waxa dibada joogay xildhibaanada muxaafidka qaarkood oo diiday inay saacidaan mooshinkaa. Xildhibaanada reer Awdal ayaa Iyana dibada u booday oo shalay qaatay qaraarkii badbaadinta.Inkastoo xidhiidh badan madaxtooyadu la samaysay, dhaqaale badana loo soo bandhigay, hadana, waxay ku adkaysteen in aanay waxba ku darsanayn qorshahaa.“Xildhibaanada Beesha Samaroon waxay badbaadiyeen qaranka, waxaanu leenahay hambalyo”.Erayadaa iyo qaar kale oo la mid ahba waxay dadku ku salaamayeen xildhibaanada Awdal oo arooryadii horeba ku dhawaaqay inay ka soo horjeedaan qorshe ay dadku ugu yeedhayeen, ‘Qorshaha Qaska Qaranka’.
Gudaha Xarunta Wakiiladda
Xildhibaanada saxeexay mooshinka xilka qaadista oo tiradoodu ahayd 38 xildhibaan ayaa badi gudaha xarunta tegay, kadib baadhitaan adag oo la mariyay markay xarunta gelayeen.Gudoomiye xigeenka koowaad ee golaha Baashe, ayaa hormood u ahaa oo ku fadhiistay kursiga Gudoomiyaha Golaha, halkuu kaga fadhiisan lahaa kursigiisa.Qaar badan oo xildhibaanada ka mid ah telefoono ayaa la sheegay in lugula xidhiidhayay, qaar diiday iyo qaar yimiba. Hase yeeshee, wararka uu wargeyska Ogaal ka helay gudaha hoolka shirarku, waxay sheegeen in tirada xildhibaanada tegay hoolku ay dhamaayeen sodomeeyo xildhibaan, mooshinkana ay saxeexeen 38 mudane,hase ahaatee ay dib uga baxeen 8 mudane oo reer Awdal ahi. Tirada codadka loo baahnaa in lagu rido Gudoomiye Cirrona waa 55 cod, halka kooramka uu shirku ku furmi karaana ay sharciyan tahay 42 cod. Sidaa darteed, waxa la sheegay in aanay haysan kooxda mooshinka sidatay kooramkii shirka iyo tirada codadka kalsoonida lagaga qaadi karo Gudoomiyaha. Hase yeeshee, gudoomiye xigeenka koowaad ee golaha Baashe Maxamed war uu siiyay BBC wucuu ku sheegay inay haysteen 45 cod, isla markaana uu kooramku u buuxay. Laakiin, haddii taaba loo raaco, waxa cad in aanay haysan codadkii ay kalsoonida kaga qaadi lahaayeen gudoomiyaha. Si kale hadii loo dhigana, 45 cod ee gudoomiye xigeenku sheegay, waxa ka baxaya ilaa 9 cod oo reer awdal ah oo dadku ugu yeedhayeen xildhibaanada dhiiraday ee qaranka. Sidaa darteed, tiradu cadadkaa kor ku xusan uun bay noqonaysaa. “Taasi waa sababta loo aanaynayo in loo inqilaabay qorshaha golaha, ee anaga dibada nalo dhigay(mucaaridka) dibada naloo dhigay, si aan loo ogaan tirada gudaha hoolka joogta, oo ay u yidhaahdaan wuu buuxay. Taasina sharci maaha”.
Iyadoo qorshuhu sidaa u diciifay oo xildhibaanada laysku halaynayay ee muxaafidka, qaarna ay horeba u diideen saxeexa mooshinka, qaar kalena dib uga gurteen, ayaa hadana waxa hoolka shirarka galay Gudoomiye Saleebaan iyo xubno ka tirsan duqayda golaha Guurtida oo uu ka mid ahaa Xaaji Cabdi Xuseen, waxaanay ujeediyeen in la joojiyo hawsha. Hase yeeshee waxa la sheegay in gudoomiye xigeenka koowaad diiday, isla markaana uu afku ka duulay isaga iyo gudoomiyaha guurtida.Xildhibaan Ibraahim Ruush ayaa isna la sheegay in uu dagaal adag kala hor tegay Odayaasha Guurtida.“Maantaan jaanis haystaaye I daaya”, erayadaa iyo qaar la mid ah ayaa wararku sheegeen inay ka soo yeedheen Gudoomiye xigeenka 1aad. Waqti muran iyo hadal taagtaagan laysku mari waayay kadib, waxa la sheegay in Odayaashu cadho kaga baxeen hoolka, laakiin hadana waa laga daba tegay oo xildhibaanada muxaafidka ee hoolka fadhiyay markaa, ayaa qaarkood ku doodeen in aan la diidin ergada. Sidaana waxa ku soo laabtay odayaasha guurtida oo soo jeediyay laba maalmood in goluhu xidhnaado. Haddii aanay sidaa u dhicin, waxay xogo wargeyska Ogaal soo gaadhay tibaaxeen, in qorshuhu ahaa inay is doortaan, Gudoomiyahana ku dhawaaqaan inay rideen, iyagoo tiradooduba la sheegay in ay ahayd mid aan kooramba buuxinayn.
Xadhigii Xildhibaanada Mucaaridka
Markii xaalku halkaa marayay, ayaa xukuumaddu dhinac kale u jeesatay, isla markaana waxay ciidamadu dibada ka qabqabteen shan xildhibaan oo ka tirsan mucaaridka golaha iyo weriyayaal wax duubayay. Kuwaasoo kala ah, Xil. Siciid CIlmi Rooble, Xil. Maxamed Saalax, Xil. Ibraahim Mahdi Buubaa, Xil. Bashiir Tukaale iyo Xil. Jaamac Xasan Aadan. Xildhibaanadaa iyo weriyayaashaba waxa lagu xidhay xarunta danbi baadhista C.I.D, waxaana markii la taxaabayba ka daba tegay xildhibaanada golaha qaarkood oo isku dayay, inay ku booqdaan halkaa balse waxa diidmo adag kala hor yimi Taliyaha xarunta oo u sheegay in lagu amray xadhigooda, sidaa darteedna aan qofna la tusaynin. Xil. Maxamuud Jaamac Warfaa oo ka mid ahaa xildhibaanada tegay xarunta C.I.D, oo askartu ula dhaqmeen si anshaxa ka baxsan, isla markaana ay tukhuntukhiyeen ayaa ku tilmaamay arrintaa nasiib darro sharci oo waxba kama jiraan ka dhigtay xasaanadda xildhibaanada. Xil. Baar oo ah haweenayda keliya ee golahaa ku jirta, Xil. Cabdiraxmaan Talyanle, Xil. Ibraahim Kacaan iyo xubno kale oo badan ayaa Iyana loo diiday inay arkaan.Xil. Talyanle oo waydiiyay taliyaha sababta loo xidhay xildhibaanadana, wuxuu taliyuhu ugu jawaabay in amar lagu siiyay xadhigooda.Hase yeeshee, xildhibaanadaa waxa la sii daayay fiidkii xalay.laakiin, lama oga in la sii daayay dhawr sodon qof oo la sheegay in loo xidhxidhay siyaabo kala duwan, kuwaasoo ay ka mid yihiin lix weriye.

Gunaanad
15.Novembar waa maalin ku suntan boggaga madow ee taariikhda Somaliland. Maalintan(shalay) 15.Novembar, maalinteedii 1994 waxay ahayd maalintii uu Hargeysa ka qarxay dagaalkii sokeeye ee naanaystiisu ahayd, Maleeshiyo iyo Marya alool. Sidaa darteed, waa maalin ay dadka reer Somaliland ku xusuustaan xumaan iyo shar.“Somaliland way ka badbaaday hayaankii jinka ee 15.Nov, waxaanan rajaynayaa inay dib ugu laabato habdhaqanka isu tanaasulka iyo wada hadalka ee Boqor Buur Madow sida geesinimada leh ugu dhawaaqay, Guurtiduna ku hawl gashay”. Sidaa waxa yidhi mid ka mid ahaa dadkii shalay isugu soo ururay agagaarka xarumaha dawlada ee dusha ka eegayay siday wax u dhacayeen.