Berbera: Xiisada Kataagan Weerarkii Maxjarka Wasiirka Daakhiliga iyo Taliyaha Booliska Oo Cutub Ciidan ah Kusoo Gurmadey Badhasaabka iyo Afhayeen U Hadley Shirkada Deero Oo Hadal Isdhaafsan Kaga Hadley

Berbera: Xiisada Kataagan Weerarkii Maxjarka Wasiirka Daakhiliga iyo Taliyaha Booliska Oo Cutub Ciidan ah Kusoo Gurmadey Badhasaabka iyo Afhayeen U Hadley Shirkada Deero Oo Hadal Isdhaafsan Kaga Hadley

berbera

Berbera(Salaanmedia.com)-Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Cabdilaahi Fadal Iimaan oo ay wehelinayaan cutub culus oo katirsan Ciidamada Amaanka ee RRU ayaa, galabta gurmad kusoo gaadhay Magaalada Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil kadib markii koox budhacad ah oo ku hubaysnaa faashasha budhadh iyo bakoorado ay weerareen barqadii saaka Maxjar Xoolaha lagyu nasiyo Magalaada Berbera oo ay shuraako ku yihiin Gancasato Xoolaha ah oo u badan Kooxdii la baxdey Waagii Xisbiga Kulmiye Mucaaridka ahaa Kootadiidkii.
Xiisada ka dhalatey Maxjarkan la weerarey ayaa, la sheegay in ay dabada ku hayso dareen ka dhashey maxjar cusub oo ay Ganacsatda Xoolaha ee Kootadiidka loo yaqaanay Wakhtigii Xukuumadii hore ka furteen Magaalada Berbera

maxjarkaas oo ah kan la weerarey kaas oo ay Ganacsatadani xoolahooda kala wareegeen Maxjarka Indhadeero ee Magaalada Berbera oo ay xoolaha ay leeyihiin iyo kuwa ay wakiilka ka yihiinba ku nasin jireen,islamarkaana u aheyd Xarunta Xanaaneynta Xoolahooda waxaanay wararkani tibaaxeen in taasi sabab u aheyd weerarka iyo xiisada ka taagan xiligan Magaalada Berbera, Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade ayaa, isagu caawa Magaalada Berbera usoo gaadhay daminta Xiisadan maadaama uu wehelinayo Taliyaha Ciidanka Booliska Cabdilaahi Fadal Iimaan iyo cutubyo katirsan Ciidanka amaanka,waxaana la filayaa inay howlgalkooda bilaabi doonaan Bari subaxa.

Badhasaabka Gobolka Saaxil Fahmi Cabdi Bidaar, oo Warbaahinta u waramey ayaa sheegay,in Maxjarkan la weerarey uu hore u xayirey Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade, maadaama dacwad dhul ka taagneyd goobta laga bineeyay, sida uu hadalkiisa u dhigay laakiin waxa Hadalka Badhasaabka mid aad uga duwan usheegay Warbaahinta Afhayeen u hadley Shirkada Indha-deero oo Magaciisa ku sheegay Naaleeye oo sheegay isagu in Maxjarkan la weerarey goobta uu yaalo Maxkamadi xayirtey haseyeeshee,Wasiirka Daakhiligu fasaxey isagoo dhinaca kalena Ganacsatada ku eedeeyay in ay agab ka qaateen Maxjarka indha-deero sida uu hadalkiisa u dhigay.

Sikastaba ha ahaatee xiisada arintan ayaa siweyn looga dareemay Magaala xeebeeda Berbera iyadoo Dhinaca Ganacsatada Maxjarkoodan la weerarey hadhwanaagnews uga warameen sidii falkani u dhacey islamarkaana, ku eedeeyeen in sababta weerarkani ay lahaayeen Shirkada Indha-deero oo sida uu hadalka u dhigeen ka dagaalamaya Xoolaha ay ka wareejiyeen maxjarkooda.

taliyewa

“Maadaama aanu hore u isticmaali jirney Maxjarka xoolaha lagu nasiyo ee Idha-Deero waxa uu weerarkani kayimid kadib markii aanu maxjarkan u samaynay Xoolaha oo ganacsato xoolaha ah oo Shuraako ahi leeyihiin, waxaanay sababta weerarku ka timid waxa ay is leeyihiin maxjarka ayay Xooluhu ka joogsanayaan sidaasaana, kaliftey”Sidaa waxa yidhi Yuusuf Cali Nuur oo kamid ah Ganacsatada Xoolaha Koxdii Kootadiidka oo aanu khadka telefoonka kula xidhiidhney isagoo jooga Magaalada Berbera waxa kale oo uu sheegay mar aanu weydiinay in ay la kulmeen Wasiirka Arimaha Gudaha Cali Warancade oo caawa Berbera xiisadan usoo gaadhey in ay subaxa balansan yihiin sidoo kalena waxa uu xusey mar aanu wax ka weydiinay in ay jirto muran dhul ee dacwadau ka taagan tahey in lasiiyay warqad ogolaansho ah oo loogu ogolaadey in uu sii shaqeyn karo inta murankaas oo koobani dhamaanayo,oo boqol mitir aan ka badneyn dhulka ay Maxjarka ka bineeyeen, waxaanu carabka ku dhuftey in uu jiro khasaare agab iyo dhismaha goobta ah oo ka dhashey weerarkii lagu soo qaadey Maxjarka.

Xiisada Arintan ayaa la filayaa in maalinta Salaasada barito ay u jilib laabayaan daminta Xiisadan Wasiir Warancade iyo Masuuliyiinta Amniga ee socdaalkan ku wehelinaya si loo soo afjaro iyadoo Magaalada Berberna siweyn looga dareemayo xaalada ka taagan.