Booqashadii Uu Xirsi Ku Tagay Xarunta Uu Urur Siyaasadeedka Xaqsoor Hargeysa Ku Leeyahay iyo Natiijadda Kaftankii Dhex Maray

Booqashadii Uu Xirsi Ku Tagay Xarunta Uu Urur Siyaasadeedka Xaqsoor Hargeysa Ku Leeyahay iyo Natiijadda Kaftankii Dhex Maray

Madaxweyne(1)

(Salaanmedia.com) Xirsi Cali Xaaji Xassan oo hadalka uga dambeeyay Aggaasimaha Gaadiidka Madaxtooyadda oo isagu u sheegay xubnaha ay xarunta ugu tageen, Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland ee Md. Xirsi Cali Xaaji Xassan oo uu wehelinayo Agaasimaha Waaxda Gaadiidka ee Madaxtooyadda Somaliland Abshir Xassan Xaashi ayaa gelinkii dambe ee shalay booqasho ugu tagay xubno fadhiyay xarunta urur siyaasadeedka Xaqsoor
Xaruntan oo ku taala Buurta Half London ee Degmada Axmed Dhagax ayaa waxa ay noqotay kulan aan lagu sii xisaabtamin isla markaana ay ka soo dul dhaceen. Wasiirka ayaa in kasta oo uu soo dhaweyn ka helay xubnihii uu booqashada ugu tagay, hadana waxa ay ilo wareedyo ka ag dhawaa kulankaasi ay u sheegeen hadhwanaagnews in uu garawshiiyo uga waayay ujeedada socdaalkiisa. Wasiirka oo hadalka

furay ka dib markii uu halacsaday hal ku dheg la sheegay in uu isha ku dhuftay, kaas oo ka hadlayay cadaalad darro uu urur siyaasadeedkaasi ka tirsanayo xukuumadda iyo guddida doorashooyinka. Xirsi Cali Xaaji Xassan oo hadalka uga dambeeyay Aggaasimaha Gaadiidka Madaxtooyadda oo isagu u sheegay xubnaha ay xarunta ugu tageen, ayaa sheegay in ujeedada socdaalkiisu ay tahay sidii la isaga laab xaadhan lahaa waxyaabaha ay ka tirsanayaaan xukuumadda ka xaqsoor ahaan. Xukuumadduna ay dhinacooda diyaar ula tahay in ay mar kale dib u dhagaysato tabashadooda. Dabuubta Wasiir Xirsi Cali Xaaji Xassan ayaa noqotay mid aan garawshiiyo badan ka helin xubnihii uu kula kulmay xarunta xaqsoor, Waxaanay taas bedelkeeda ay ku hur-gufeen tabashooyin soo taxnaa oo ay ka tirsanayeen xukuumadda uu afkeeda kula hadlayay. Kulankan ayaa ku soo dhamaaday natiijo la’aan iyo kaftan in muddo ah u socday, waxaanu Wasiir Xirsi dib ka ogaaday in urur syaasadeedka Xaqsoor uu weli ka dhisan Yahay Hargeysa.