Chief Caaqilka Guud Ee Beelaha Habar-Yoonis Oo Dhanbaal Hambalyo ah u Diray Xildhibanadii Laga Soo Doortay Awdal Ee ka Dhidhiyay inay Fuliyaan Qorshaha Xukumada

Chief Caaqilka Guud Ee Beelaha Habar-Yoonis Oo Dhanbaal Hambalyo ah u Diray Xildhibanadii Laga Soo Doortay Awdal Ee ka Dhidhiyay inay Fuliyaan Qorshaha Xukumada

Cheifka

Burco (Salaanmedia.com) Warsaxafadeed Galabta Magalada Burco Ee Xarunta Gobalka Togdheer Uu ka soo Saaray Chief Caaqilka Guud Ee Beelaha Habar-Yoonis Axmed Maxamed Daahir ayaa Waxa Warsafaxadedkaasi Uu Soo Saaray Dhanbal Hambalyo ah Ugu Diray Xildhibanadii Golaha Wakiilada Ee Laga Soo Doortay Gobalka Awdal

Waxaanu Chief Caaqilku ku Hambalyeyay Mudanayashaasi Go-aanka Geesi-Nimada Leh Ee ka Qateen Qorshaha Aan Salka Badan ku Fadhiyin Ee ay Xukumadu ku Doonayso inay Xilka Kaga Qaado Gudomiyaha Barlamanka Somaliland,

Warsaxafadeedka Uu Soo Saaray Chief Caaqilkani Ahmed Maxamed Daahir Waxa Uu u Dhignaa Sida Tan

” Ugu Horrayn Waxaan Salamayaa Shacabka Reer Somaliland Oo Dhan,Marka Labaad Waxaan Maanta Warsaxafadedkani Aan usoo Saaray inaan Dhanbaal Hambalyo

ah Aan Hawadda u Mariyo Xildhibanadii Barlamanka Ee Laga Soo Doortay Gobalka Awdal Boorama Oo Runtii ah Xildhibano Tariikhda Somaliland Baal-Dahab ah Kaga Jirra,Reer Boorama Horre ayay Caado u Lahayeen inay Somaliland Badbadiyaan Waanan ku Hambalyaynayaan Go-aankaas Geesinamada Leh Ee ay Qateen Qorshaha ay Xukumadu ku Doonayso inay Dalka Nabad-Galyadiisa Khalkhal Galiso,Waxaan Mar Labaad iyo Mar Sadexaadba Aan Xildhibanada Golaha Wakiilada Awdal Aan ku Amanayaa inay ka Dhidhiyaan Go-aankaas ay Xukumadu Nabad-Galyadda Dalka ku Khalkhalinayso” Ayuu Warsaxafeedkaasi ku Yidhi Chief Caaqilka Guud Ee Beelaha Habar-Yoonis Ahmed Maxamed Daahir

Chief Caaqilka Guud Ee Beelaha Habar-Yoonis
Axmed Maxamed Daahir