CHIEF CAAQILKA GOBOLKA TOGDHEER CHIEF CAAQIL FAARAX CHIEF CAAQIL CABDILAHI MUUSE

imagesaxaafadeed uu kaga hadlaayo xaaladihii u dambeeyay dalka ka dhacay haddaba war murtiyeedkii chief caaqil farax chief caaqil cabdilahi muuse wuxuu u dhignaa sidatan.
Anigoo aad uga tiiranyaysan waxaan tacsi u dirayaa dadkii shacabka ahaa muwaadiniinta ahaa ee iyagoo dareen kooda cabiraaya maanta rasaasta lala dhacay waxaan ilahay uga baryayaa inuu inta dhimatay u naxariisto inta dhaawaca ahna cafimaad deg dega siiyo waxaan codsanayaa in cadaalada la hor keeno gacan ku dhiig layaasha rasaasta la dhacay muwaadiniinta waxaan bulsho weynta reer somaliland ugu baaqayaa inay ilaashadaan nabad gelyada wadjirka iyo qaran nimadooda waxaan ugu baqayaa inay ka feejignadaan fidnada lagu soo dhex tuuray waxaan xukuumada ku cambaraynayaa xaalad abuurka iyo fera gelinta ay kula kacday golaha sharci dejinta ee shacabku soo doortay waxaan ugu baaqayaa inay dadka dhibta ka dayso inay sharciga ay ummadu dhigatay ilaaliso oo ay faraha kala baxdo baarlamaanka waxaan amaan u soo jeedinayaa cidkasta oo ka qayb qaadatay daminta xaalada iyo nabad ku soo dabaalka
Alla mahad leh
Chief caaqil faarax chief caaqil cabdilahi muuse