Daawo Sawiro: Haweenka Talo iyo Tawfiiq oo shir balaadhan ku yeeshay Bariga London Xukuumada Somaliland-na cabaareeyey dhibaatada ay ku hayso shacabka

Daawo Sawiro: Haweenka Talo iyo Tawfiiq oo shir balaadhan ku yeeshay Bariga London Xukuumada Somaliland-na cabaareeyey dhibaatada ay ku hayso shacabka

Two

(Salaanmedia.com) Afhayeenka Haweenka TALO IYO TAWFIIQ Caasha Maxamed Cawad ayaa ugu horeyn aad ugu mahadcelisay sida quruxda badan ee aad uga soo qayb galeen
Waxa shir balaadhan Xalay 8.11.14 Sabti isugu yimid Garabka Haweenka ee TALO IYO TAWFIIQ ee ku nool dalka Ingiriiska,Kulanka oo ay kasoo qaybgaleen haween aad u fara badan oo ka kala yimid daafaha dalkan Ingiriiska, Haweenka kasoo qayb galay kulanka Hablaha TALO IYO TAWFIIQ waxa ugu horeyn lagu furay Aayado Quraana kadibna waxa hadala kooban laga soo jeediyey ujeedada shirka loo qabtay,Waxyaalaha Haweenka Talo iyo Tawfiiq ay u baqteen shirkan iyo shirarkii kan ka horeeyey iyo arimo badan oo hor yaala sidii loo maamuli lahaa

Afhayeenka Haweenka TALO IYO TAWFIIQ Caasha Maxamed Cawad ayaa ugu horeyn aad ugu mahadcelisay sida quruxda badan ee aad uga soo qayb galeen kulanka idinka oo meelo dhaadheer kasoo kicitimay,Waxa kale oo ay soo bandhigtay kulamadii ugu danbeeyey ee Haweenku qabsadeen iyo hiigsiga ay doonayaan sidii Garabka Haweenka ee Talo iyo Tawfiiq ay gadhaan mastaqbalka Dhow Insha Allah. Waxa kale oo ay ka hadashay guud ahaan xaaladda Guud ee Somaliland wakhtigan marayso,tacadiyada lagu hayo Saxaafadda Madaxa banaan iyo guud ahaan dhibaatadda xukumadda maanta jirtaa ay shacabkeeda ku hayso xukumaduna ya baal martay wixii ay dadka iyo dalka u balan qaaday.

Twati one

Waxa kale oo iyana ka hadashay gudoomiye kuxigeenka ee Garabka Haweenka TALO IYO TAWFIIQ Xarakaad Caare oo ugu horeyn aad usoo dhaweysay dhamaan hablaha Talo iyo Tawfiiq iyo kulankan balaadhan sida wacan ee ay uga soo qayb galeen,Waxa ay warbixin kooban oo ku saabsan sidii haweenka talo iyo tawfiiq ay gacanta isu qabsan lahaayeen kana gaadhi lahaayeen horumar la taalab karo,aadna waan usoo dhaweynayaa marlabaad dhamaan haweenka kulanka jooga iyo kuwa aanay u saamixin inay kasoo qayb galaan,waxaanan rajeynayanaa in kulanka danbe uu kasii balaadhan doono kan caawa

Twanty

Waxa kale oo hadalo kooban kasoo jeedisay Farduus Muuse Cabdilaahi oo ah haweenay aqoonyahana oo isu soo sharaxday inay ka qayb qaadato Barlamaanka Somaliland kana sharaxan gobolka Togdheer,Waxa ay Farduus ka warantay hadafka ka danbeeya ee ku kalifay inay Barlamaanka Somaliland isu soo sharaxda, sida ay doonayso inay dadkeeda iyo dalkeeda Somaliland wax la taaban karo uga qabato.Waxayna sheegtay in ay ka sharaxan tahay Xisbiga Waddani oo ah mid dalka Hogaamin doona Mustaqbalka Dhaw Insha Allah

Twanty Treee

Waxa haweenkii madasha fadhiyey aad ugu sacabiyeen soona dhaweeyeen musharaxada Barlamaanka Somaliland Illahayna ugabaryeen inay guul ka gaadho. Waxa kale oo ka hadashay kulanka Qaar ka mid ah Haweenka kasoo qayb galay,kana soo jeediyey buraan-bur guubaabo iyo ducaba isugu jira.Waxa kale oo hadalo kasoo jeedisay Khasnajiga Garabka Haweenka ee Talo iyo Tawfiiq Caasha Ibraahim.

Twanty Treee

Ugu danbeyntii waxa lagu soo dhaweeyey hadalka Gudoomiyaha Haweenka ee TALO IYO TAWFIIQ Faysa Faarax Suusle oo aad loogu sacabiyey markii hadalka ay qaadatay,Ugu horeyn waxa ay aad ugu mahadcelisay dhamaan Haweenka Talo iyo Tawfiiq meelkasta oo ay joogan,gaar ahaan Haweenka caawa isugu yimid kulankan iyo dhamaan intii ka qayb qaadatay in kulankani qabsoomo. Waxa ay ugu horey Marwo Faysa Faarax Suusle ka warbixisay marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray dhismaha Talo Iyo Tawfiiq gaar ahaan garabka Haweenka oo ku talaabsaday horumar la taaban karo

Tree

Waxa kale oo ay soo qaadatay oo ay ka warantan marxaladda maanta Somaliland marayso iyo xukumada maanta jirta,Waxayna aad dhaliil ugu soo jeedisay xukumadda Siilaanyo dhibaada ay ku hayso shacabka reer Somaliland talsoo ku tusaysa sida xukumadani u lumisay kalsoonida shacabka,Waxayna dhamaan shacabka reer Somaliland kula talisay in ay ku dedaalaan nabadgalyada iyo horumarka dalka,Waxayna shacabka kula talisay in ay codka ku ridaan oo ay tageeraan xisbiga kaliya ee ridi kara xukumadan maanta jirta oo ah xisbiga Waddani ,lana taageero si xisbiga waddani uu u bad-baadiyo shacabka. Maanta waxa kuxumadani ay sameynaysaa maaha mid loo dul-qaadan karo una baahan in shacabku gacmaha is qabsadaan

Tree

Kuxumadani waxay dhibaatadan oo dhan u sameynaysaa waxa ay doonaysaa inay qiil sameysato sidii aanay doorasho dalka uga dhici lahayn oo ay ugu darsato, taasina waa mid shacabka maanta joogaa ay aad uga soo horjeedaan.Kulanka oo ay kasoo qayb galeen Haween aad u badan waxa uu kusoo gaba-gaboobay guud iyo in la der-der galiyo hawlo badan oo ku saabsan horumarinta iyo dhaqan galinta qodobadii shirkii Talo iyo Tawfiiq
Tenn

Teedhiin

Six

Seven

rtattaa

Nine

Lionnn

jkhhh

jjjjj

jhkjhjad