DAAWO:Guddoomiye Cirro Oo Iftiimiyay inay Xukuumaddu Inqilaab Sharci-darro ah kula wareegtay Golaha Wakiillada

Hargeysa(Salaanmedia.com)- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa shaaca ka qaaday caawa inay Xukuumaddu bilawday Inqilaab badheedh ah oo sharci-darro ah inay kula wareegto hoggaaminta Golahaas, isla markanaa waxa uu Shacabka ugu baaqay inay muujiyaan dareenkooda ay ku diidan yihiin tallaabada Xukuumaddu waddo.

http://www.youtube.com/watch?v=8LVVEMF3XfY

Cabdiraxmaan-Cirro waxa uu sheegay inay Xukuumaddu diyaarisay illaa Afar Boqol oo Askarta u tabobbaran hawlgallada degdegga ah iyo la-dagaallanka Argagixisada, isla markaana Baarlamanka inaanay cidi gelin lagu amray, Guddoomiye ahaanna laga reebo ilaaladiisa gaarka ah.
Haddaba, Cabdiraxmaan-Cirro oo Caawa ka hadlay Telefeshinka Horn Cable waxaannu warkiisa oo dhammaystiran idiinku soo gudibinaynaa Muuqaalkan hoose oo uu sidoo kale kaga jawaabayo su’aalo kala duwan oo lagu weydiiyey Warkan. Daawasho Wacan