Dhoolatuska Balaadhan Ee Dadweynaha Reer Burco Kusoo Dhaweeyeen Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Iyo Waftiga Uu Hogaaminayo Oo Wadnaha Farta Usaarey Xukuumada

Dhoolatuska Balaadhan Ee Dadweynaha Reer Burco Kusoo Dhaweeyeen Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Iyo Waftiga Uu Hogaaminayo Oo Wadnaha Farta Usaarey Xukuumada

Wadani 3

Burco(Salaanmedia.com)-Guud ahaanba Qeybaha ugu badan ee Dadweynaha kunool Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer,islamarkaana ah Magaala Madaxda labaad ee Somaliland ayaa, dhoolatus miisaan culus leh oo aanay ukala hadhin ciroole iyo caruur ku qaabilay Wafti balaadhan oo katirsan Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani kaas oo uu hogaaminayay Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(ciro),oo maalmihii u dambeeyay weerarka Xukuumadu ku badnaa in dhinaciisa lagu ekaysiiyo kaas oo wakhtigan xaadirka ah u muuqda in uu xuubsiibtey mucaaridada adag oo kulaalaya Kursga Madaxweyne Siilaanyo marka laga tixraaco dabka uu ka huriyay Gobolada dalka ee Galbeed iyo Bariba

Dhoolatuska balaadhan ee Dadweynaha Reer Burco ku qaabileen Waftiga culus ee Xisbiga Mucaaridka ah Wadani

islamarkaana, uu hogaaminayo Gudoomiyaha Xisbiga ahna Ra,iisal Baarlamaanka dalku ayaa, u muuqda mid ay cabsi weyni kaga timid dhinaca Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo iyo Xisbiga talada haya ee Kulmiye,iyadoo Wasiirada kasoo jeeda Gobolka Togdheer iyo xubnaha Golaha Wakiilada katirsan ee kasoo baxey Gobolkaasi gaar ahaan, kuwa katirsan Wakhtigan Xisbi Xaakimka Kulmiye ay ka qaateen dareen adag oo farta wadnaha u saarey maadaama shacbiyadii ugu badneyd ee Reer Burco u muujiyeen Gudoomiye Ciro iyo Xisbigiisa Wadani in ay ku barbar joogsadaan in uu hanto hogaanka dalka iyadoo,soo dhaweynta Reer Burco ku qaabileen maanta laga dheehanayay weedho iyo halku dhegyo ay ku xardheen ‘Isbadelbaan doonaynaa’, ‘Change’, iyo erayo kale oo badan taas oo sigaar ah u xaqiijinaysa qiirada ka muuqata shucuubta Reer Burco ee wadajirka kusoo dhaweeyay, waxaanay fariin adag dhoolatusyada nocan ahi ku noqdeen Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo iyadoo dadweynaha ay soo jiiteen eryada sarbeebaha ku lamaan ee Gudoomiye Cabdiraxmaan Ciro u jeediyay shacbiga soo dhaweeyay kuwaas oo ay kamid ahaayeen “Nin Haduu hadhuudh Badan beerto Shimbiri Maxay ka qaadi” iyo erayo kale oo badan.

Sikastaba ha ahaatee marka la isbarbardhigo Xafladaha Kooban ee Xisbiga Kulmiye kadaba qabanayo dhoolatusyada Siyaasiga ah ee Dareenka Bulshada uu ku kasbanayo Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani ee Gobolada uu gulufka Siyaasiga kusoo marey Gabiley Awdal,iyo Saaxil waxa ay u muuqataain Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo Xisbiga Wadani ugu quus goynayo dhoolatuska balaadhan ee Dadweynaha Reer Burco ku qaabileen Xisbigaasi taas, oo dhab ahaan u muuqata Raad kama Dambeeye,waxaanay Bulshadu ka dheehanaysaa jawaabaha sida darandooriga ah ugaga soo dhacaya Xukuumada ee nafla caariga ah iyadoo Xisbigani wakhtigan ku kasbanayo shacabka Somaliland qaadashada Xildhibaanadii aftahanka ahaa ee Golaha Wakiilada ku gu tirsadey, Fanaanada Sahra Halgan iyo Siyaasiyiin door ah oo usoo hanqal taagaya iyadoo Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucidna hada bilaabay feedha docaynta Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani.