Ganacsade Maxamed Aw Siciid Oo Dhexda U Xidhay Sidii Uu Qodxaha Uga Hor Guri Lahaa Murashaxnimada Mujaahid Muuse Biixi iyo Kulamadii Ugu Dambeeyay Ee Uu Isaga Dab Qaaday

Ganacsade Maxamed Aw Siciid Oo Dhexda U Xidhay Sidii Uu Qodxaha Uga Hor Guri Lahaa Murashaxnimada Mujaahid Muuse Biixi iyo Kulamadii Ugu Dambeeyay Ee Uu Isaga Dab Qaaday

good news

(Salaanmedia.com) Wasiirka Arrimaha Debeda Dr. Maxamed Biixi Yoonis oo muddooyinkan danbe ku jiray is xulufaysi ay doonayaan in ay kaga hortagaan damaca siyaasadee Ganacsade Maxamed Aw Siciid oo ka mid ah ganacsatada ugu waaweyn Somaliland, balse inta baddan saldhigiisu yahay Dalka Djibouti, ayaa todobaadkii u danbeeyay ku hawlanaa sidii uu qodxaha uga guri lahaa dhabaha Guddoomiyaha Kulmiye Muuse Cabdi u marayo mustaqbalka hoggaaminta talada Dalka, isla markaana u noqdo musharaxa sida rasmiga ah ugu taagan marka la gaadho doorashada wixii ka danbeeya mudada Madaxweyne Siilaanyo sii joogo
Ganacsade Maxamed Aw Siciid oo todobaadkii hore kusoo laabtay Dalka, isagoo kasoo kicitimay dhinaca Dalka Djibouti, wuxuu bilaabay kulamo daran-doori ah oo uu la yeeshay masuuliyiinta xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo kaga jira deegaanka uu kasoo jeedo, Odayaal iyo waxgarad isagu jira madaxdhaqameedka kasoo

jeda deedaanka Woqooyiga iyo galbeedka Hargeysa.
Kulamadan uu Ganacsade Maxamed Aw Siciid La yeeshay dhinacayada kala duwan ayaa ilo wareedyo u dhuun daloolaa ay hadhwanaagnews u xaqiijiyeen in ay uga gol leeyihiin sidii loo hakin lahaa loolanka Uu Cabdicasiis Maxamed Samaale oo ka tirsan Golaha Wasiirada Xukuumadda Madaxweyne siilaanyo loogu qancin lahaa in uu ka tanaasulo isla markaana uu uga hadhi lahaa Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliand Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa meelo kala duwan hore uga sheegan in uu ku jiro hanka ah in uu Xisbiga Kulmiye isaga soo dhex sharaxo Madaxtinimada, waxaanu wakhtigaasi ku xidhay Shuruud u dhignayd in uu wax kasta u daba fadhiisanayo Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland.
Loolan xoogan ayaa ka dhex qarxay xisbiga Kulmiye, kaas oo u dhaxeeyay Xubno ay hor kacayaan kornayladii dalka Somalilland xornimadiisa qaybta libaax leh ka soo qaatay, haatana ah hogaanka Xisbiga kulmiye iyo Koox wadaado ah oo taladda xukuumada Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo wax ka gooya.
Labada dhinac ayaa khilaafkoodu uu dibada u soo baxay, waxaana xallintooda looga gurmaday dibada iyo dalka gudihiiisa.
Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland ayaa isagu ka mid ahaa dadkii uu kacay xal u helida khilaafka labada garab u kala jabiyay xisbiga Kulmiye, waxaanu mar u helay xal, hasayeeshee mar kale ayuu dib u curtay.
Dib u curashada Khilaafka Xisbiga Kulmiye ayaa waxa dibada kaga yimid Ganacsato Beelaha Galbeed iyo waqooyiga Hargeysa ka tirsan, kuwaas oo uu hormuud u ahaa Ganacsade Maxamed Aw Siciid, waxaana si waadax ah loo afjaray Khilaafkaasi u dhaxeeyay Hogaanka Xisbiga Kulmiye iyo xukuumadda.
Hase yeeshee Muuqaalka dhaqdhaqaaqa siyaasadeed ee Ganacsade Maxamed Aw Siciid ee xiligan, ayaa muujiyay in ay miiska saarantahay muddo kordhin loo samaynayo xukuumadda, sidaa awgeed kulamadiisa Odayasha iyo masuuliyiinta xukuumadda ee deegaankiisu ay la xidhiidhaan in ka hor inta aan la gadhin doorashada muddo xileedka Madaxweyne Siilaanyo uu dhabaha u xaadho Guddoomiye Muuse Biixi, isla markaana meesha ka saaro turun-turooyinka iyo jilaafooyinka siyaasadeed ee ay sababi karaan Cabdicasiis Samaale iyo kooxdiisu, wuxuuna sida ay xoogahaasi sheegayaan kulamada gaadhsiiyay deegaanka gaarka ah ee uu kasoo jeedo Cabdicasiis Samaale, taas oo sababtay in marka laga reebo koox yar oo Jifadiisa ah ay aqbaleen qorshaha ganacsade Maxamed Aw Siciid.
Ilo wareedyada ay shabakada Caalamig ah ee Hadhwanaagnews ay heshay ayaa sheegaya in Xubnaha Wasiirada ee ganacsade Maxamed Aw Siciid ay kulmeen oo dhamaantood kasoo jeeda deegaanka Woqooyiga iyo galbeedka Hargeysa, ay u guuxeen qorshahaa, marka laga reebo Wasiirka Maaliyada cabdicasiis Samaale iyo Wasiirka Arrimaha Debeda Dr. Maxamed Biixi Yoonis oo muddooyinkan danbe ku jiray is xulufaysi ay doonayaan in ay kaga hortagaan damaca siyaasadee ee Muuse Biixi oo ah Guddoomiyaha Xisbiga Kumiye, balse xubnaha Wasiirada ee ku gacansaydhay qorshaha ganacsade Maxamed Aw Siciid ku doonayo inuu qodxda kaga gurro dhabaha Muj. Muuse u marayo hoggaaminta dalka, ayaan waqtigan wax taageero ah oo la xidhiidha qorshohooda siyaasadee ka haysan Madaxweyne Siilaanyo.
Si kastaba ha haatee shirarka uu todobaadkii u danbeeyay sida gooni gooni ah ugu jiray ganacsade Maxamed Aw Siciid, ayaa u muuqda kuwo dhabaha u xaadhay hanka siyaasadeed ee Guddoomiye Muuse Biixi ku doonayay in inuu hogaaminta talada dalka gacanta ku dhigo marka Madaxweyne Siilaanyo dhamaysto muddo xileedkiisa.