Garabka Haweenka Waddani Oo Si Kulul Uga Jawaabay Eedo Xukumadda Uga Yimi

Garabka Haweenka Waddani Oo Si Kulul Uga Jawaabay Eedo Xukumadda Uga Yimi

Haweenka wadani

Hargeysa, 01 Nov 2014 (Salaanmedia.com)-Garabka Haweenka Xisbiga Mucaaradka ee Waddani ayaa si kulul uga jawaabay Eedo Dumar iyo Masuuliyiin kale oo Xukumadda iyo Xisbiga Kulmiye ka tirsan uga yimid Hogaanka Waddani,Mujaahidad Sahra Halgan iyo Xildhibaano Kulmiye ka tirsan.
Haweenka Waddani ayaa Shir Jaraa’id oo ay Xarunta Xisbiga ku qabteen ku naqdiyay Xukumadda cabbanaan iyo inay ka soo baxayaan hadalo aan munaasib ahayn. Marwo Faadumo Aadan Cismaan, Hinda Xasan Idiris iyo Canab Cismaan Mire ayaa Warbaahinta u akhriyay War saxaafadeed ay arimahan kaga jawaabayaan
Waxaanay Jawaabtoodu u dhignayd sidan:-
1. Waxaa wax lala yaabo ah dhaqankana ceebku ah in Xukuumada Siilaanyo adeegsato dumarkii loo yaqaanay marwooyinka oo hada u soo ban baxay inay intay gambadho ku soo fadhiistaan u aflagaadeeyaan si badheedh ah madaxda dalka iyaga oo laga soo shidaaliyo Qasriga Madax tooyada. taas oo dhaqankeena iyo caadadeenaba ceeb ku ah inkastoo aynaan layaabayn waayo Mudane Riyaale ayaa hore u siiyay Kulmiye Liisanka cayda. Markaas la yaabi mayno waayo horaa loo yidhi Bahal caydhin madaayo Nina caadi ma baajo.
Hadaba anagu waxaanu aflagaado ka dhawraynaa oo anaan u quudhin cay iyo ceebtoona Marwooyinkii ama Sodohii lagu kalifay inay aflagaado kula dul kufaan Dad umadooda meeqaan sare ku leh sida Xildhibaan Aareeye iyo Mujaahidad Sahra Halgan oo runtii ah Marwo Baal dahab ah kaga qoran Taariikhda Somaliland.
waa marwo qaran waana mujaahidad waana halgamaa qaran waxayna ka mid tahay dadka faro ku tiriska ah ee ku suntan Somaliland Xoraynteeda af iyo adinbana kaga qayb qaadatay. waxaana ka marag kacaya shacbiga reer Somaliland oo uu kow ka yahay Madax weynaha Somaliland mudane Silaanyo.
2. Waxyaabaha laga dhaxlay Xukuumada waxaa ka mid ah in la majara habaabiyo Shicibka Somaliland oo lagu maaweeliyo wax aan sal iyo raad toona lahayn. Sida beentii qaawanayd ee uu ku talaabsaday Mudane Baashe oo ah Guddoomiye ku xigeenka koobaad ee Parlamaanka isaga oo ka been abuuray Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble yidhina wuxuu u yeedhay Amison inay dalka timaado.
Xildhibaan Siciid cida uu u yeedhay ma ahayn Amison laakiin wuxuu u yeedhay Deeq bixiyeyaasha oo ah cida hawshan ku shaqaleh. taasi oo runtii aynu odhan karno waa been qaawan waana ninka sheega ma dhaafto. waxaanaynu odhan karnaa arintaasu waa waxa uurka kaa jiruu afku kaa xadaa. waxaanu leenahay Baashe iyo Xuluufadiisa la magc baxay Mooshin quute yaasha Xildhibaan xaqii gabay xaaraan la quutiyo xoolo siistay sharaftii xaakin baa xaqeeniyo xuquuqdeena waydiin.
3. Baagaha madaw ee lagu xasuusan doono Xukuumada Siilaanyo waxaa ka mid ah inay iibsato damiirka qofnimo sida aynu in badan aragno ama maqalo waxaana tusaale inoogu filan in Duqaydii ama masuuliyiintii lagu qasbo inay go,aan qaadan kari waayaan sida qisadii ku dhacday Gudoomiye ku xigeenka labaad ee uu kula baxay laba saxeexle.
3. Saleebaan waxaanu leenahay Cimri tagay ceeb laguma sagootiyee Somaliland Gacantaada yay ku burburin mar labaad.
4. Dhuxul waxaanu leenahay Lacagta lagu daweeyay Xildhibaan Aareeye eed cayda uga dhigtay waa cashuurtii Somaliland xaqna wuu u lahaa in lagu daweeyo waayo waa muwaadin dalka udhashay. Cashuurta dalkana cid gaari ma laha. manay ahaynd mid aad adigu jeebkaaga ka siisay.
Canbaarayntii iyo beentii qaawanayd eed kula kacday Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble Anagaa ka xaalsiinay waayo wax lagugu soo shubay ayaad la shirtimi.
Xildhibaan Bashiir Tukaale xaasha maha waxa aad ku tilmaantay waana xildhibaan sharaf iyo karaamo ku leh Shicibkiisi soo doortay. waana nin xor u ah mabdi,iisa iyo damiirkiisa dhuuni qaate dhadhama raac ah maaha. waxaaana idin kala saari doonta taariikhda.
Guddoomiye Cirro runtii waa Halyay qaran mana gayo waxa aad ku hantaatacayso. Waana nin u qalma, hogaamina kara badbaadina kara qaranka Somaliland ee qarka ka sii lusha. mana gayo adiga iyo wax kula mid ahi toona inay wax ka sheegaan waayo adigaaba ah maxbuus la hayste ah oon u madax banaanayn rayigiisa iyo damiirkiistoona. Dhamaadkiyo warkaygana Dhuxuloow dhadhama raax ogow dhoohan baad tee.