Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Oo Ka Hadlay Xeerkii Muranka Dhaliyay, Xadhiga Xubin Ka Tirsan Wadani iyo Wariyeyaal Xabsi Ku Mutaystay War Ay Ka Soo Direen Gabiley

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Oo Ka Hadlay Xeerkii Muranka Dhaliyay, Xadhiga Xubin Ka Tirsan Wadani iyo Wariyeyaal Xabsi Ku Mutaystay War Ay Ka Soo Direen Gabiley

Madaxewena Mus

Hargaysa(Salaanmedia.com) Guddoomiyaha Golaha wakiilada somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro)Ahna Guddoomiyaha Xisbiga wadani ayaa Beeniyay warar sheegaya inuu Guddoomiyaha Golaha guurtida u gudbiyay Waraaq uu ku saxayo Qodobadii Lagu edeeyay inuu is dhaafiyay. Cabdiraxmaan Ciro waxa sheegay inaanu jirin wax Waraaq ah oo uu gudbiyay, Hasayeeshee waxa uu Tilmaamay in Weli Xeerku uu sidiisii yahay isla markaana uu hor yaalo Golaha Guurtida
Dhinaca kale Waxa uu xukuumada ugu baaqay in xorriyadooda loo soo celiyo Xoghayihii Xanaanada Xoolaha Iyo laba wariye oo ku xidhan Gabiley Sidaasna waxa uu ku sheegay gudoomiyuhu mar uu maanta qaar ka tirsan saxaafada kula hadlayay Xafiiska xisbiga wadani waxaana uu
yidhi
“Arintaas waxba kama jiraan,Sidaad ka war qabtaana nidaam ay kuwada shaqeeyaan ayay leeyihiin Golayaasha qaranku,Hore saxaafadu wax loogu qoray looguna sawiray waraaq uu ii soo diray Guddoomiyaha Golaha guurtida 16kii Bishii ina dhaaftay,aniga oo ixtiraamaya labada gole waraaqdii uu ii soo diray ayuunbaa uga jawaabay.
Guddoomiyaha Golaha wakiilada somaliland cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ahna guddoomiyaha xisbiga wadani oo hadalkiisa siiwata ayaa intaas waxa uu ku daray
“Xeer cusubna umaa dirin xeerkina wali waxa uu yalaa Golaha guurtida,Wada shaqaynta iyo waraaqda gudoomiyihu ii soo qoray ayuunbaa uga jawaabay, waxaan Gudbiyayna Majiraan.
Dhinaca kale waxa uu ka hadlay Wariyayaal kasoo warami jiray Gobolka Gabilay oo Xukuumadu Xabsiga dhigtay Iyo Xog-hayihii Xanaanada Xoolaha ee xisbiga wadani oo isna xidhan waxaana uu Xadhigaas ku Tilmaamay Mid Sharci daro ah waxaana uu yidhi
“Waxaan Xukuumada Baaq ugu soo jeedinayaa in ay soo dayso Wariyaasha Ay xidhay ee ku sugnaa degmada gabiilay,ee ka shaqeeya saxaafada madaxa Banaan ee somaliland,Iyada oo la eegayo Madax Banaanida saxaafada lana ixtiraamayo,waa in Xoriyadooda lasiiyaa.
Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ayaa ugu baaqay Xukuumadda in xorriyadiisa loo soo celiyo Xoghayihii Xanaanada Xoolaha ee Xisbiga Wadani, waxaanu yidhi “Waxa kale oo aan xukuumada u soo jeedinayaa in Xoriyadiisa loo soo celiyo sarkaal sare oo ka tirsan xisbiga wadani oo la igu yidhi Mid Ka Mid Ah Jaraa’idada ayaa xidhay”