Guddoomiye Cirro Oo La Filayo In Uu Socdaal Ku Tago Magaaladda Burco

U DIYAAR GARAWGA SOO DHAWEYNTA GUDOOMIYAHA GOLAHA WAKIILADA AHNA GUDOOMIYAHA XISBIGA MUCAARIDKA AH EE WADANI OO AAD LOOGA DAREEMAAYO MAGAALADA BURCO

ciro-wadani

Burco (Salaanmedia.com) Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland, ahna guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Wadani Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa la sheegayaa in uu socdaal hawleed ku tagi doono Magaaladda Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer.
Taageerayaasha Uu Xisbigaasi ku leeyahay Magaaladda Burco ayaa isu diyaarinayaa habkii ay u soo dhaweyn lahaayeen Guddoomiyaha Xisbiga Wadani iyo wafti la socda. Lama garanayo Ujeedada Wakhtigan ee Socdaalka Guddoomiye Cirro, hasayeeshee ilo wareedyo ka ag dhaw masuuliyiinta uu xisbigaasi ku leeyahay Magaaladda Burco ayaa u sheegay Hadhwanaagnews in guddoomiye cirro uu labada maalmood ee inagu soo fool leh midkood booqasho ku iman doono Magaaladda Burco. Masuuliyiin uu ka mid yahay

guddoomiyaha xisbiga Wadani ee dalka Finland Cabdi Cartan ayaa isuguna u jooga Magaaladda Burco u gogal xaadhka waftiga Guddoomiye cirro. Socdaalka Guddoomiyaha Golaha wakiilada, ahna guddoomiye Xisbiga Wadani ayaa ku soo beegmaya xilli khilaaf cakirani uu ka taagan yahay Labada Gole ee guurtida iyo wakiilada kuwaas oo uu isku maan dhaafay ansixinta xeer ka soo gudbay Golaha Wakiilada.