Gudida Ilaalinta iyo Dabagalka Hantida Qaranka Ee Golaha Wakiilada Oo Kulamo Xogwareysi ah la yeeshay Isu-Duwayasha Laamaha Dowlada Ee G/Togdheer

Gudida Ilaalinta iyo Dabagalka Hantida Qaranka Ee Golaha Wakiilada Oo Kulamo Xogwareysi ah la yeeshay Isu-Duwayasha Laamaha Dowlada Ee G/Togdheer

Hantida

Burco (Salaanmedia.com) Gudidda Ilaalinta Dabagalka iyo Daryeelka Hantida Qaranka ee Golaha Wakiilada Somaliland Oo Kormeer Ujadadiisu Tahay Sidii ay u Ogaan-Lahayeen Dhaqalaha ka soo Baxa Laamaha Dowlada Maanta la Yeeshay Badhisabka Togdheer,Isu-Duwayasha Laamaha Dowladda Togdheer,iyo Waliba Xildhibanadda Golaha Degaanka Burco

Ujeedada Gudidani ilaalinta iyo Daba-Galka Hantida Qaranka ayaa ah Sidii ay Xogogaal Ugu Noqon-Lahayeen Dhaqalaha Soo Gala Laamaha Dowlada iyo Waliba Qaabka Uu Uga Baxxo.
Ugu Horraynba Kulankani ay Gudidani la Yesheen Badhisabka Togdheer iyo Isu-Duwayasha

S6390138

Laamaha Dowladda Togdheer ayaa Waxa Kulankaasi Fahfahin ka Bixiyay Xildhiban Maxamed Cali Xirsi Waxaana ka Mid ahaa Hadalidisii Sida Tan
Runtii Ujeedada Kulankani Aanu isugu Kiin Yeedhnay Waxa Uu Daaran Yahay Maadama Aanu Anagu Nahay Xildhibanadii Golaha Wakiiladda u Qaabilsanaa ilaalinta iyo Daba-Galka Hantida Qaranka,Waxaanu idinka Xog waraysan-Donaa Qaabka Uu Dhaqalahu idiin soo Galo iyo Waliba Qaabka Uu idinka Baxxo,Runtii Waxaanu Gudi ahaan idinka Mahad Naqaynaa Qaabka Fiican Ee Aad usoo Ajiibteen Kulankani Aanu Xogogaalka Ugu Noqonayno Heerka Dhaqaale Ee Gobalka Togdheer” Ayuu Yidhi Xildhiban Maxamed Cali Xirsi
Sidoo Kale Waxa iyaguna Kulankaasi ka Hadlay Xildhiban Naasir Xaji Cali Shirre iyo Xildhiban Rashiid Maxamed ismaaciil waxaanay iyaguna dhankooda Isu-Duwayasha Laamaha Dowladda Togdheer ku Booriyeen inay Si Fiican Gudida Ugu Soo Bandhigaan Gudidani si Aanu u Gudano ayay Yidhahdeen Waajibkayaga Gole ahaneed
Dhinaca Kale Gudidani ilaalinta iyo Daba-Galka Hantida Qaranka ayaa Kulan Noocani Oo Kale ah isla Maantaba la Yeeshay Xildhibanadda Golaha Degaanka Burco si ay Wax Uga Waydiyaan Dhaqalaha Soo Gala Dowladda Hoose Burco.

S6390162

Ugu Danbayntii Gudidani ayaa iyagu Maalmihii u Danbeyayba ku Sugnaa Magalada Berbera isla Markaasna Kulano isxogwaraysi Noocani Oo Kale ahna la Yeeshay Dhamaanba Laamaha Dowladda Kale Duwan Ee Uu ka soo Baxo Dhaqaaluhu