GUDIDA QABAN QAABADA DHISMAHA GAROONKA OO AY WEHELIYAAN MAAMULKA GOLAHA DEEGAANKA DEGMADA BURCO OO MAANTA SI RASMI AH U DHAGAX DHIGAY DHISMAHA GAROONKA LABAAD EE KUBADA CAGTA OO LAGA HIRGALIYAY MAGAALADA BURCO + Sawiro

Maayir ku Xigenka iyo Xildhibano ka Tirsan Golaha Degaanka Burco Oo Dhagax-Dhigay Garoonkii Labaad Ee Magaladda Burco + Sawiro

Garoonka 1

Burco (Salaanmedia.com) iyadoo Oo Uu Mudoyinkii u Danbeyayba Uu Gudaha Magalada Burco ka Socday Garoon Wayn Oo Loogu Tallo-Galay inay ku ciyaraan Ciyaartoyga Gobalka Togdheer isla Markaasna ah ay Kaga Mashqulaan Balwadaha Kale Duwan.

Garoonka 3

Waxa Maanta si Rasmiya Garoonkasi u Dhagax-Dhigay Dhismaha Garonkaasi Maayir ku Xigenka Degmadda Burco Muxumed Xasan Jaamac (Xoday),Xildhiban Cabdi-Raxmaan Laki,Xildhiban Farxaan Cabdi Aw Xirsi iyo Waliba Gudida iyadu Gacanta ku Haysa Dhismaha iyo Hirgalinta Garoonkani Caalamiga ah

Garoonka 3

Garoonkani Cusub Ee Noqon-Doono Garoonka Labaad Ee ay Yeelanayso Magaladda Burco ayaa isagu ah Garoonkii Ugu Baladhnaa Ee Laga Hirgaliyo Magaladda Burco isla Mar

Garoonka 2

ahaantasna ku Fadhiya Dhul Xadigiisu Dhan Yahay Boqol Baloodh Oo dhul ah.

Afhayeenka Gudida iyadu Dhisaysa Garoonkani Dayib Cabdi Xirsi Oo ugu Horraynba ka Hadlay Garoonkani iyo Halka Uu Marayo Dhismihuusu ayaa Waxa ka Mid ahaa Hadalidisii Sida Tan
” Runtii Aad Baanu Ugu Faraxsan-Nahay Maanta in Garoonkii Aanu Mudaba Dhismihiisa Soo Wadnay Aanu Maanta Dhismihisii Garoonka,Aad Baanu Ugu Faraxsanahay Runtiina Waxaanu Rajaynaynaa Marka Uu Dhamado Dhismaha Garoonkani inay ka Faidaysan Donaan Dhalinyarada Reer Togdheer isla Markaasna ay Kaga Mashquuli-Lahayeen Balwadaha Kale Duwan,Waxaanu Garoonkani u Aanu Ugu Tallo-Galnay ka Dib Markii ay Waynaatay Magalada Burco in Aanu ku soo Kordhino Garoon si ay Dhalinyaradu ugu Ciyaraan,Waxaanu Ugu Baaqaynaa Dowladda,Bulshadda Reer Togdheer iyo Guud ahaanba Jaaliyadaha Dibadda Ee Reer S/land inay ka Qayb-Qataan Dhismaha iyo Hirgalinta Garoonkani Casriga ah” Ayuu Yidhi Dayib Cabdi Xirsi

Garoonka 6

Food

Maxamed Food Oo ka Mid ah Ganacsatadda Gobalka Togdheer Oo isaguna Dhankiisa Halkaasi ka Hadlay ayaa Dhismaha Garoonkani Ugu Deeqay Lacag Dhan 3000 Kun Oo Dollar.
Waxaana ka Mid ahaa Hadalidisii Sida Tan ” Anigoo ah Ganacsade Maxamed Food Waxaan Ugu Deeqay Dhismaha Garoonkani Lacag Dhan 3000 Sadex Kun Oo Dollar,Waxaanan Ugu Baqayaa Ganacsatadda Kale Ee Gobalka Togdheer inay iyaguna Wax ku Taraan Dhismaha Garoonka Maadama Magaladda Burco Waynaatay” Ayuu Yidhi Ganacsade Maxame Food –

Garoon 8

Maamulaha Dugsiyada Nation School Burco Mowliid Yuusuf Cabdi ayaa isaguna Dhankiisa Dhismaha Garonkaasi Kaga Qayb-Qaatay Boqol Midh Oo Jaajur ah Oo ka Qayb-Qaadan Doona Dhismaha Garoonkani Labaad Ee Magaladda burco.

Garoon 7

Xildhiban C/Raxmaan laki Oo ka Mid ah Golaha Degaanka Burco Oo isaguna Halkaasi ka Hadlay ayaa Soo Dhaweyay Dhismaha Garoonkani Cusub Waxaanu Shaaciyay inay ka Xildhibano ahaan ay Diyaar u Yihiin inay Kaalintoda ka Qayb-Qataan Dhismaha Garoonkani. –

Waxaana Ka Mid ahaa Hadalidisii Sida Tan ” Anagu ka Dowlad Hoose ahaan iyo ka Xildhibaano ahaanba Aad Baanu u Tagernaa Dhalinyaradda,Waayo Golaha Degaanka Burco Waxay u Badan Yihiin Dhalinyarro,Wax Kasta Oo Baahiyaha Dhalinyaradda Daboolayana Diyaar ayaanu u Nahay,Garoonkan Waxa iska Kaashaday Niman Dhalinyaro ah Oo Reer Burco ah,Burco Maanta Way Fiday Waxaanay u Baahan Tahay Garoomo Farro Badan,Runtii Waxaanu Rajaynaynaa inuu Garoonkani Dabooli-Doono Qayb ka Mid ah Baahiyihii Dhalinyarada Sportiga Gobalka Togdheer” Ayuu Yidhi Xildhiban C/Raxmaan Laki

Gaoon 9

Maayir ku Xigenka Degmada Burco ahna ku Simaha Maayirka Muxumed Xasan Jaamac (Xoday Oo Gaba-Gabadii Munaasibadaasi Soo Afmeeray ayaa Waxa ka Mid ahaa Hadalidisii Sida Tan
” Runtii Maanta Farxad Wayn ayay Noo Tahay in Aanu Aragno Bulshadii Reer Burco Oo iskod Wax u Qabsaday Aad Baanu uso Dhawaynaynaa Anaguna ka Dowlad Hoose ahaan Diyaar ayaanu u Nahay in Aanu Kaalintayadii Buuxino,Runtii Waydun Arkaysaan Buuxada Uu Leg-Yahay Garoonkani Waxaanu Rajaynaynaa inuu Noqon-Doono Mid ay ka Faidaystaan Dhalinyaradda Gobalka Togdheer,Dowladda Hoose Burco Kaalin Mug Leh ay Kaga Jirtaa Garonkani,Aad Baanu Ugu Amanaynaa Dhalinyarada iskood Uga Fekertay inay ka Qayb-Qataan Horumarka Degmadda Burco,Waxaanu Sidoo Kale Amanaynaa Ganacsatada Reer Togdheer Oo Aad Arkaysaan Sida Fiican Ee ay Uga Qayb-Qadanayaan Garoonkani,Waxaan Ugu Baqayaa Ganacsatadda iyo Qurba-Jooga Reer Somaliland-ba inay Qayb-Tooda ka Qataan Dhismaha Garoonkani Oo ah Runtii Mid ay u Baahnayeen Ciyaartoyga Gobalka Togdheer” Ayuu Yidhi Maayir ku Xigenka Degmada Burco
Ugu Danbayntii Garoonkani Baladhan Ee Maanta Laga Dhagax-Dhigay Magaladda Burco ayaa isagu ah Mid ay Soo Dhaweyeen Dhalinyarada G/Togdheer

Garoonka 3

Garoonka 1

Garoon 13

Garoonka 2

Garoon 8

Garoon 7

Gaoon 9

Garoon 11

Garoonka 3

Garoon 7

Garoon 4

Garoonka 6

Garoon 8

Garoon 9

Garoonka 6

Food