Gudidii Qaban-Qaabinaysay Shirka Dhalinyarada Somaliland Oo Xubno Ka Mid Ah Xabsiga La Dhigay.

Gudidii Qaban-Qaabinaysay Shirka Dhalinyarada Somaliland Oo Xubno Ka Mid Ah Xabsiga La Dhigay.

Dhali

Hargaysa(Salaanmedia.com)Dhalinyaradii qaban-qaabinaysay Shirka Dhalinyarada somaliland ayaa ka hadlay Dhalinyaro ka tirsan Oo Xukuumadu Xabsiga Dhigtay ilaa imikana ku jira. Waxa ay shegeen in ay Cabudin iyo Cago juglayn ku hayso Xukuumadu,Balse waxa ay ku adkaysteen in ay qabanayaan Shirka Dhalinyarada somaliland,Waxaana ay Canbareyeen Xadhigaas loo gaystay. Sidoo kale waxa ay Baaq u direen Dhalinayrada somaliland Meel kasta oo ay Joogaan in ay Kasoo qayb galaan shirkaas oo ay shegeen in ay kaga tashanayaan Ayaaha Dhalinyarada oo Xukuumadu Xaqoodii Aastay. Xuseen Kayd Ismaaciil oo Ugu Horayn Maanta ka hadlay Shirjaraa’id oo ay ku qabteen Magaalada hargaysa ayaa waxa uu yidhi. “Waxaanu aad uga Xunahay Caga Juglaynta ay Xukuumadu ku hayso

Saxaafada Madax Banaan iyo Dhamaan Dadka wadanka oo dhan,waa wax lala yaabo ah Afartii Madaxwayne Ee Dalka soo maray inuu yahay Madaxwaynahii ugu aqoonta Badnaa,hadana waa kii ugu liitay,Markaad eegto inta uu saxaafada xidhay,Shirka dhalinyarada wuu dhacayaa Wakhtigii loo asteeyey ayuuna dhacayaa,Cid aanu ka hamranaynaa Majirto.
isaga oo hadalkiisa sii wata Xuseen Kayd Ismaaciil ayaa intaas waxa uu ku daray”Madaxwayne kuwii ilmada kaa tirayay Markaad Garan wayday Magac daahir Riyaal kuwii ku garab taagnaa waxa ay ahaayeen dhalinyarada somaliland,Shirku wakhtigiisii ayuu dhacayaa ama Diid ama waxaad doonto samee,Wasiirada aad hoosta ku haysato ayaa ku jira Ururo aanu sharciga somaliland ogolayn.
Maxamed Cabdi oo isna ka mid ah Dhalinyarada Shirka Qaban Qaabinaysay ayaa isna Canbareeyey Sida ay Xukuumadu U cabudhinayso Dhalinayrada Somaliland waxaana uu Cadeeyey inuu Qabsoomayo Shirka Dhalinyaradu waxaana uu yidhi.
“Anagu ka dhalinyaro ahaan waxaanu u soconay sidii aanu dhalinyarada meel iskugu keeni lahayn uguna qaban lahayn Shir ay aayahood kaga tashadaan oo ka dhacayay deegaanka Cadaadlay,Cidna Maanu Caayin,Cidna Maanu Shiidin,Mudaharaadna Maanu dhigin,Dhalinyaro ka tirsan gudidii Qaban Qaabinaysay ayaa xabsiga lagu guray ilaa imikana ku jira iyaga oon waxba gaysan.
Maxamed Jibriil Jaamac oo isna shirkaas Jaraa’id ee ay dhalinyaradu Qabatay ka hadlay ayaa yidhi.
“Xukuumada uu maanta Hogaanimayo Madaxwaynaha somaliland waxa u hadhay oo kaliya Gujiska ay wadato inta uu bada Quusayo,Dhalinyarada somaliland waxaan u sheegi lahaa inaanay intaas ku joogsanin ee ay ka gil-gishaan dulmiga ay xukuumadu ku hayso,Ninka ugaas dhalinyarada sheegtay waxaanu leenahay Ma Matalo Dhalinyarada somaliland,Gol-gol aad dhigtayna Majiraan Dhalinyarada somaliland waxaan leeyahay shirkii wuu dhacayaa sida ugu dhakhsaha badana wuu u dhacayaa.
Cabdilaahi Cawaale ayaa isna Dhalinayrada Joogta Caalamka Iyo gudaha somaliland Baaq U diray waxaana uu yidhi.
“Maanta waa maalintii Saxaafada somaliland waxaana Xukuumada lagu xasuusan doonaa Cabudhinta,Cago Juglaynta iyo Hadidaada ay ku hayso,waxaanu canbaaraynaynaa sida shacri darada ah ee ay u xidhay Dhalinyaro ka mid ah Kuwii qaban-qaabinayay shirka Dhalinyarada somaliland,waxaan Xukuumada Cod dheer ugu sheegaynaa in Xoriyadiisa dib ugu soo celiso,Dastuurka Dalka u yaala waanu naqaanaa,Waxna waanu ka ognahay,Lakiin ma haboona in nalo adeegsado Qodobo Been abuur ah,waxaan dhalinyarada somaliland ee joogta Dibad iyo gudahaba leeyahay Shirku wuu soconayaa Mid nalaga xidho iyo dhawr nalaga xidho u joojin Mayno Shirku waa dhacayaa.
Deeq Cabdilaahi Cawaale oo hadalkiisa siiwata ayaa intaas waxa uu ku daray”Nabad Galiyada somaliland Cid nooga Lexe jecelo badani Majirto,waanu ognahay inaanu nahay Madaxdii Dalka ee Barito,Madaxwayne Dalkii kuu dhiibnee Eexda iyo qabyaalada ka daa Ayaan ku odhan lahaa dalka.