GUDOMIYAHA URURKA JIIDALE EE GOBALADA BARIGA S/LAND C/SAMAD AXMED BOON OO CANBAREYAY XADHIGA WARIYE MAXAMED SOOFADHIISTE

GUDOMIYAHA URURKA JIIDALE EE GOBALADA BARIGA S/LAND C/SAMAD AXMED BOON OO CANBAREYAY XADHIGA WARIYE MAXAMED SOOFADHIISTE

Jiidalio 1

Burco (Salaanmedia.com) iyadoo Maanta Magalada Berbera Ee Xarunta Gobalka Saaxil Uu Badhisabka Gobalka Saaxil Uu ku Xidhay Wariyihii Telefishanka Somali Channel Maxamed C/Laahi SooFadhiiste isla Markasna Uu Wali Wariyahaasi ku Xidhan Yahay Xabsiga Dhexe Berbera

ayaa Warsaxafeed Uu Shabakadda Caalamiga ah Hadhwanaagnews Uu Soo Gadhsiyay Gudomiyaha Ururka Jiidale Ee Gobalada Bariga Somaliland Mudane C/Samad Axmed Boon Waxa Uu Xukumada Talada Haysa ku Eedeyay Xadhiga ay u Gaysatay Wariyahaasi waxaanu Ugu Baaqay inay si Degdeg ah Oo Bilaa Shuraad ah ay Dib Xoriyadisii Ugu Soo Celiso Wariyahaasi.

Warsaxafadeedka Uu Hadhwanaagnews Soo Gadhsiyay Gudomiyaha Ururka Jidaale ayaa u Dhignaa Sida Tan

” Waxaan Halkan ka Canbaraynayaa Xadhiga Xaqdarada ah Ee ay Xukumada

Silanyo u Gaysatay Wariye Maxamed C/Laahi Soofadhiiste Oo Xadhigiisa Uu Amray Badhisabka Saaxil,Waa Xaqdaro Xadhigaasi Waxaanan u Arkaa inuu Yahay Aar Goosi ay Wado Xukumada Silanyo,Waxaan ku Baqayaa in Si Degdeg ah Xoriyadiisa Loo Soo Celiyo Wariyaha Hadii Kale Shacabka Reer Berbera Waxay Samayn-Donaan Banaanbaxyo Waawayn Oo ay Kaga Soo Horjedaan Xadhiga Wariyaha,Hadii ay Dowladda Silanyo ay ka Waantobi Waydo Tacadiyada Noocani Oo Kale ahi Waa Wixii ay ka Degalameen Shacabka Reer Somaliland,Shacabka Reer Somaliland aqbali Mayaan Hogaan Digtaytar ah,Xukumada Silanyo Waxay Arrimaha Noocani Oo Kale ah ay u Samaynaysaa inay Dorashadu Dib u Dhacdo Si Silanyo Mudada Loogu Kordhiyo,Marnaba aqbali Mayno inay Dorashadu Dib u Dhacdo Silanyana Waxaan Leeyahay Saleban Gaal Waxba Kuuma Kordhin-Karee Sharafta Ha iska Ridin Oo Asxaabta Mucaradka ah la Tartan Oo Nasiibkaaga Aamin” Ayuu Warsaxafeed ku Yidhi Gudomiyaha Ururka Jidale Ee Gobalada bariga Somaliland Cabdisamad Axmed Boon