Gudoomiye Cirro Oo Ka Hadlay Goortuu Bannayn Doono Kursiga Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda

Gudoomiye Cirro Oo Ka Hadlay Goortuu Bannayn Doono Kursiga Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda

ciro1-150x150

Hargeysa, (Salaanmedia.com)-Guddiga golaha guurtida ee dhexdhexaadinaysa Muranka golaha wakiilada ayaa sheegay inay heleen kalsoonida labada dhinac ee golaha wakiilada ee khilaafku ka dhex oogan yahay, isla markaana Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Md. Cirro ayaa ka hadlay goorta uu banyan doono kursiga Gudoomiyaha Wakiiladda, ee gaar u noqon doono xisbigiisa.
Xildhibaan Xaaji Cabdi Xuseen ayaa halka hawshu u marayso ka hadlay, waxaanuu yidhi,“Labadii qolaba Waanu u yeedhnay, kalsoonidii ayaanu Waydiisanay, wayna na siiyeen guul na wuu ku dhamanayaa, wixii ka danbeeyana faalada Iyo xukunka ayaanu geli “
Gudoomiyaha Golaha wakiilada oo Xarunta golaha kula kulmay Guddida guurtida ayaa sheegay inuu dhankiisa Aqbalay “Waxaan farriin ka helay xalay Guddida guurtida,taas oo leeyihiin inaanu kulano si aanu uga wada hadalo dhexdhexaadinta ay wadaan, markaas anigu Shakhsiyan waa aqbalay dhexdhexaadintaas, wax kalena kamaanu wada hadal” ayuu yidhi Gudoomiye Cirro.
Gudoomiye Cirro mar la waydiiyay goorta uu dhinac isugu luga duwanayo ee uu banaynayo kursiga gudoomiyaha wakiilada, wuxuu ku jawaabay oo uu yidhi, “sidaan hore u sheegay kursigaan ku fadhiyo ee gudoomiyaha golaha wakiiladda iyo ka madaxweynaha ee aan ku socdo, somaliland baa igala qaalisan, nabadeedaa igala qaalisan, shacbigeeda oo si wanaagsan u noollaadaa igala qaalisan. Markaa waxaan diyaar u ahay waqtiga ugu horeeya ee munaasib ah ee arrimaha doorashadu ay cadaadaan, in aan kursigan banneeyo, amaanadana shacabka u soo celiyo”. Gudoomiye Cirro dhinaca kale wuxuu caddeeyay inuu yahay murashaxa jagada madaxweynaha ee xisbiga Waddani, waxaanuu tacsi u diray intii wax ku noqotay mudaharaadadii dalka ka dhacay.