Hada Muddo 23-Sano Ah Ayaa Aynu Xor Ahayn Illaa Hadana Wali Ictiraaf Maynaan Helin,Ictiraafku Waxaa Uu Ku Xidhan Yahay Saddex Arrimood In Aynu Helno”Cabdiraxmaan Cirro

Hada Muddo 23-Sano Ah Ayaa Aynu Xor Ahayn Illaa Hadana Wali Ictiraaf Maynaan Helin,Ictiraafku Waxaa Uu Ku Xidhan Yahay Saddex Arrimood In Aynu Helno”Cabdiraxmaan Cirro

IIIROOS

Burco (Salaanmedia.com) Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ayaa qaab diblomaasiyadaysan uga hadlay dariiqa ay bulshada reer Somaliland ku heli karto ictiraaf buuxa oo ay beesha caalamka kaga mid noqoto,waxaana uu carabka ku dhuftay in illaalinta Xuquul Insaanka,maamul wanaaga,iyo xoriyada Saxaafadu ay aas aas u yihiin in Somaliland ay beesha caalamka ka hesho Ictiraaf buuxa.

Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Cirro) ayaa hadalkan ka sheegay mar uu ka hadlaayey goob barxada ah oo uu kula hadlaayey kumanaan qof oo ka mid ah dad weynaha ku dhaqan magaalada Burco,waxaana uu tibaaxay in wanaajinta arrimahaas ay bulshada Somaliland u horseedi karaan in ay ictiraaf buuxa ay ka helaan beesha caalamka.

“Hada muddo 23-Sano ah ayaa

aynu xor ahayn illaa hadana wali Ictiraaf maynaan helin,Ictiraafku waxaa uu ku xidhan yahay Saddex Arrimood in aynu helno.Ka ugu horeeya waxa weeyey maamul wanaag halkee baynu ka taaganahay,ka labaad waa Xoriyada Saxaafada halkaynu ka taaganahay …Ka Sadexaad waxa weeye dhawrista Xuquuqul Insaanka.isna halkaynu ka taaganahay.waxa aynu doonaynaa si aynu Ictiraaf u helno in aynu arrimahaas oo dhan aynu wanaajino”Ayuu yidhi Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro).

Md:Cabdiraxmaan Cirro waxaa uu sida oo kale uu sheegay in Siyaasada Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ay ku salaysan tahay in deegaanada wax tirsanaaya iyo sida oo kale Siyaasiyiinta Somaliland miisaanka culus ku lah ay wada hadal la furi doonaan.

“Siyaasada Xisbiga WADDANI waxa weeye in aynu noqono Somaliland oo magacyo aan la kala bixin,magacyo cusub ayaa inagu soo kordhay,waxaan doonaynaa deegaanka wax tirsanaaya iyo ninka Siyaasiga ah ee Miisaanka leh,ee reer Somaliland u dhashay ee wax tabanayaba in aynu la hadalno,waxaa aynu diyaar u nahay in aynu Cali Khaliif iyo dadka Somaliland u ma talaya-ba aynu la hadalno,Somaliland oo mida ayaa aynu abuuraynaa haddii Illaahay ka dhigo,waana Siyaasada Xisbiga WADDANI.Saddexda guddoomiye ee Saddexda Xisbi qaran waxaanu isku daynay safarkii aanu ku tagnay Kenya in aanu la kulano Cali Khaliif,laakiin nooma ay suurta galin,Insha Allah Somaliland waa ay la kulmaysaa,Axsaabtuna waa ay la kulmaysaa haddii Illaahay ka dhigo”Ayuu yidhi Md:Cirro.

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI sida oo kale waxaa uu sheegay in Siyaasada Xisbiga WADDANI ee ku wajahan dhinaca doorashooyinku ay tahay in aan hal maalin lagu darin wakhtigii la qaban lahaa doorashooyinka.waxaana uu carabka ku dhuftay in ay ka xisbi ahaan ay madaxweyne Siilaanyo ku taageersan yihiin in doorashooyinka wakhtigoodii la qabto,balse waxaa uu tilmaamay in fulinta arrimaasi ay ku haboon yihiin in waxii dhibaato ku noqon kara qabsoomid doorashooyinka wada laga sii xaadho.isaga oo xukuumada ugu baaqay in si dag deg ah oo la ansixiyo Komishanka Doorashooyinka.

“Siyaasada Doorashooyinka ee Xisbiga WADDANI,shacbiga reer Burco iyo Somaliland-ba waa ay ka dharagsan yihiin,waa in Doorashooyinka wakhtigoodii la qabto,oo aan Saacad lagu darin,waxaan kale oo aan u mahad naqaynaa madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland khudbadiisii ugu danbaysay iyo kuwii ka horeeyeyba ku daray in doorashada wakhtigeedii la qaban doono,waxaanu se codsanaynaa in caqabadaha iyo Isbaarooyinka laga horqaado doorashada oo ay ugu horeyso in la ansixiyo gudida Doorashooyinka Qaranka,oo ah cida Doorashooyinka ka ma suulka ah,waxaa kale oo aad ka warqabtaan in Saxaafada xadhig iyo cago juglayn lagu hayo,in saxafiyiin badani ay xidhan yihiin oo ay jeelka ka cawaynayaan,waxaan Xukuumada u soo jeedinaynaa in Saxafiyiinta loo soo celiyo xoriyadoodii sida ugu dhakhsaha badan,hada Saxafiyiintii waa ay soo dhaaftay madaxdii Xisbiyada ayaa la xidh xidhayaa,waxaa xidhnaa oo baryahan xidhnaa Wasiirkii Beeraha Md:Xasan Goodaad,waxaan kale oo aan u soo jeedinaynaa Xukuumada in masuulka sare si dhakhso ah loo sii daayo,waxaa aynu ka warqabnay dhalinyaradii gar’adag ee damacday in ay ku biirto Xisbiga WADDANI,in Maxkamad guuraysaa ay ceeri-gaabo uga timi oo ay wakhti saacad ka yar ay Lix sanadood illaa Sagaal Sanadood ku xukuntay,baryahaa miyeynu aragnay taas oo kale waa tii badbaadada.KULMIYE markuu wadanka qabsaday waxaa uu yidhi xukunkii dag daga aha waan baabiinayaa,kani waa uu ka wayn yahayba xukunkii dag dega ahaa,oo waaba maxkamadii badbaadada”Ayuu yidhi Md:Cabdiraxmaan Cirro.

Ugu danbayntiina guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa waxaa uu ayaan darro ku tilmaamay dhalinyarada maalinba maalinta ku halig maaya badaha iyo saxaraha mahlakada badan ee Libiya,waxaana uu sheegay in ay Xukuumada hada joogtaana ay intii dhalinyarada soo hadhay ay kula kacday muddooyinkan danbe in ay xadhig iyo caga juglayn ay u gaysato.

“Dhalinyaradii reer Somaliland,waxaa ay ku dhamaadeen qabriga wayn ee bada,badaha ayaa ay ku dhamaadeen oo guri aan laga barooran oo reer Somaliland ahi waa uu yar yahay ayaan daradu se waxa weeyaan hambadii hadhay ee wadanka ku hadhay ee is tidhi waxa tashada oo shira oo Ururo samaysta,waxaa ay Xukuumadu ay bilowday in guryahya loogu dhaco,oo RRU-loo diro oo la yidhahdo ma shiri kartaan,oo la yidhahdo ma tashan kartaan,maxaa aynu ka nidhaahna arrinta,waynu diidnay soo maaha!!dhalinyaradu maxaa ay samaysaa haddii intii hadhayna la xidh xidho ma kuwas ayaa ay leeyihiin ha ka daba tagaan bada ku dhamaaday”Ayuu yidhi guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Cirro).