Haddii Maamulka Somaliland Uu Diyaar u Yahay Wada Hadal, Annaguna Diyaar Ayaanu Nahay, Mana Qarsanayno”

Haddii Maamulka Somaliland Uu Diyaar u Yahay Wada Hadal, Annaguna Diyaar Ayaanu Nahay, Mana Qarsanayno”

Khaliif

Washington, (Salaanmedia.com):- Hogaamiyaha maamulka KHAATUMO,isla markaana ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya Cali Khaliif Galaydh, ayaa daboolka ka qaaday inuu maamulkiisu diyaar u yahay wada-hadal uu la yeesho Xukuumadda Somaliland, isla markaana waxa uu daadufadeeyey inuu wax wada-hadal ahi dhexmaro maamul Goboleedka Puntland.
Cali Khaliif Galaydh waxa uu ugu baaqay Ciidamada Somaliland inay ka baxaan dhul uu ku tilmaamay inay Khaatumo leedahay. “Haddii maamulka Somaliland uu diyaar u yahay wada-hadal,annaguna diyaar ayaan u nahay mana qarsanayno, oo maaha wada-hadal meelaha lagula dhuumanayo,waayo hadda ayay yidhaahdaan annaga iyo Khaatumo wada-hadal ayaa noo socda, waa been ma jiraan wax wada-hadal ah oo noo socda. Ciidamada Somaliland waa inay ka baxaan dhulka Khaatumo,”Sidaa waxa uu Cali Khaliif ku sheegay kulan soo dhaweyna oo xalay loogu sameeyey magaalada Washington ee dalka Mareykanka
Cali Khaliif ayaa waxa uu sheegay inaanu wax rajo ah ka qabin wada-hadal dhex mara Puntland, isaga oo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi“Qolada leh Dastuurka waxaa iigu qoran Gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn aniga ayaa maamulkaa oo iska leh, waxayna intaas ku dareen in haddii dadka afti laga qaado ay 90% ay maamulkooda taageersan yihiin. Marka aniga iima muuqdo wada-hadal i rajo gelinaya oo annaga iyo Puntland na dhexmari kara.”
Prof. Cali Khaliif Galeydh oo ka hadlayay khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud Iyo Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Cabdi-weIi, ayaa waxa uu ku tilmaamay inuu khilaafku habsaamiyay hawlihii dawlada, waxaanu yidhi“Xamar hadda waa la isku habsaamay, runtiina howlo baddan ayaana taalla taas oo lagu doonayo in marka la gaadho 2016-ka ay dhacaan waxyaabo ina rajo-geliya.Dowladdeennu waa mid baarlamaani ah. Dastuurka dalkana waxaa ku yaalla howlaha xukuumadda waxaa leh Ra’iisal-wasaaraha.”