Kaambaynkii Madaxtooyadda, Kor U Eega lulashada Nuxus Iyo Koraynta Garaadka

Kaambaynkii Madaxtooyadda, Kor U Eega lulashada Nuxus Iyo Koraynta Garaadka

50661-150x150

Hargaysa, (Salaanmedia.com)-Magaalo Madaxda Somaliland ee Hargaysa, waxa si weyn looga dareemayay labadii caano maal ee u dambeeyay, u diyaar garowga xaflada uu xisbiga Mucaradka ah ee WADDANI ku soo dhaweynayo masuuliyiin miisan culus ku leh siyaasada Somaliland iyo mawjado taageerayashooda ah oo ay horkacayaan,kuwaas oo maanta si rasmiya ugu biiri doona xisbiga muraacadka ah ee WADDANI.
Masuuliyiintan oo hore xilal uga soo qabtay xukumada KULMIYE, waxa ka mid ah wasiirkii hore ee Wasaarada Warfaafinta Somaliland Boobe Yusuf Ducaale, Wasiirkii hore ee Caafimaadka Xuseen Xoog,Wasiirkii hore ee Arrmiha Gudaha Maxamed Nuur Caraale (Duur), Wasiirkii hore ee Boosaha iyo Isgaadhiinta, Cali Cilmi Geele, Wasiir ku xigeenkii hore ee xanaanadda xoolaha dawladii Rayaale Cali Cantar, Badhasaabkii hore ee G/Togdheer Axmed Cumar Xaaji Cabdilaahi (Xamarje), Agaasimihii guud ee hore ee dib u-dejinta Axmed Cilmi Barre, Maareeyihii hore ee Korontada Hargeysa Weli Xaawa, iyo siyaasiyiin kale oo door ah. Xafladan oo maanta lagu qaban doono Hotel Crown-ka magalada Hargaysa , ayaa ka duwan kuwii u hore xisbiga WADDANI ugu samayn jiray masuuliyiinta ku soo biirta, taasoo lagu sababaynayo inay tahay markii u horaysay ee dhawr iyo toban siyaasi oo xisbiga KULIMYE ka tirsanaa, isla markaana xilal ka soo qabtay xukuumada talada haysaa, ay ku biiraan xisbiga Waddani.
Dhinaca kale hawlgalo lagula tacaalayay, isla markaana u muuqday ka hortag lagu baajinayay, in tiradaa badani mar ka wada dhaqaaqdo xisbiga Kulmiye, ayaa laga dareemayay dhinaca xukuumadda. Siday tibaaxeen xogo wargeyska Ogaal ka soo xigtay illo wargaleen ah, madaxtooyadu waxay abaabushay qorshayaal dibu qancin ahaa oo la doonayay in lagu negeeyo masuuliyiinta qaarkood, hase yeeshee dhamaan isku dayadii lagu talaabsaday waxba kamay bedelin mawqifkii kooxdaa isbedel doonka Kulmiye ee maanta ku biiraysa Waddani. Xoguhu waxay intaa ku dareen, in xubnaha culayska ugu wayn la saaray uu ka mid ahaa Badhasaabkii hore ee gobolka Togdheer Axmed Cumar Xamarje.