Kal fadhigii 26 Ee Golaha Wakiilada Oo ka Baaqsaday Inuu Maanta Furmo, Gudoomiye Cirro Oo Sababeeyey Iyo Saamaynta Khilaafka Ka Dhex Taagan Mudanayaasha Wakiilada

Kal fadhigii 26 Ee Golaha Wakiilada Oo ka Baaqsaday Inuu Maanta Furmo, Gudoomiye Cirro Oo Sababeeyey Iyo Saamaynta Khilaafka Ka Dhex Taagan Mudanayaasha Wakiilada

BAARLAMAANKA

Hargeysa(Salaanmedia.com):-Shir gudoonka golaha wakiilada somaliland ayaa shaaca ka qaaday in dib loo dhigay wakhtigii la furi lahaa kalfadhiga 26aad Ee golaha wakiilada oo ay maanta ku beegnayd in si rasmiya loo furo
Mudanayaasha aqalka wakiilada somaliland ayaa waxa ilaa haatan ka dhex taagan khilaaf la xidhiidha xeerka diwaan gelinta madaniga ah, iyada oo xildhibaanada muxaafidka ah ee golaha wakiilada somaliland ay ku eedeeyeen gudoomiyaha golahaasi Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi inuu wax ka bedal ku sameeyey xeerka diwaan gelinta madaniga ah ee ay ansixiyeen mudanayaasha golaha wakiiladu.
Dhinaca kale xildhibaanada mucaaridka ah iyo gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro ayaa ku adkaysanaya inaan waxba laga badalin xeerkaas isla markaana sidii ay xildhibaanada golaha wakiiladu ku ansixiyeen loogu gudbiyey golaha guurtida, taas oo

keentay inuu khilaaf awood badani ka dhex curto xildhibaanada mucaaridka iyo muxaafidka ah ee ku jira golahaasi.
Khilaafka ka dhex taagan mudanayaasha golaha wakiilada ayaa la odhan karaa waa mid keenay in dib loo dhigo furitaanka kalfadhiga 26aad ee golahaasi oo ku beegnaa in maanta si rasmiya loo furo
Gudoomiyaha golaha wakiilada somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi oo shabakada Hadhwanaagnews wax ka waydiisay sababaha keenay in dib loo dhigo furitaanka kalfadhiga 26aad ee golaha wakiilada ayaa kaga jawaabay “Ku tala galkayagu waxa uu ahaa in maanta la furo kalfadhiga 26aad ee golaha wakiilada somaliland hase yeeshee shir gudoon ahaan markii aanu is aragnay waxaanu isla garanay inaanu qorshe hawleedkii golaha ee la qaban lahaa aanu dhamaystirno afarta cisho ee soo socda, sidaas ayaanu u baajinay afartii maalmood ee la fadhiisan lahaa, waxaanu goluhu si rasmiya u furmayaa hawshiisiina u bilaabayaa 15-ka bishan.”
Sidoo kale gudoomiye Cirro waxa uu meesha ka saaray inaanu jirin khilaaf keenay in dib loo dhigo wakhtiga la furayo golaha wakiilada waxaanu yidhi “Anigu uma jeedo khilaaf weyn oo wali golaha ku sababi kara inay sidaasi dhacdo laakiin hawshii aanu qaban lahayn kalfadhiga soo socda qorshaheedii ayaanu ku jirnaa waanan wada samaynaynaa shir gudoon ahaa sidaas ayaanan isku waafaqnay dibna ugu dhignay anaga oo wada jirna.”ayuu gudoomiye cirro u sheegay shabakada Hadhwanaagnews.com
Si kastaba ha ahaatee waxa aan ilaa hada xal loo helin muranka ka taagan xeerka diwaan gelinta madaniga ah ee ay ansixiyeen mudanayaasha golaha wakiilada somaliland isla markaana loo gudbiyey golaha guurtida.