KHASAARAHA DHIMASHO IYO DHAAWAC EE KA DHASHAY MUDAHARAADADII SAAKA KA DHACAY MAGAALADA BURCO

KHASAARAHA DHIMASHO IYO DHAAWAC EE KA DHASHAY MUDAHARAADADII SAAKA KA DHACAY MAGAALADA BURCO

Mudaharaad

Burco (Salaanmedia.com)-khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay mudaharaadadii saaka barqadii ka istaadhmay magaalad burco ayaa soo if baxay kadib markii ay hakad galeen mudaharaadadaasi
Mudaharaadkan saaka burco ka dhacay oo ahaa mid lagaga soo horjeedo inqilaabka ay madaxtooyadu doonayso in ay xilka kaga qaado gudoomiyaha golaha wakilada ayaa ilaa hada waxa la xaqiijiyay in ay ku nafwaayey hal qof oo hawaanay ahayd halka ay ku dhawaacmeen 8 qof oo kale kuwaas oo la sheegayo in uu qaarkood dhaawacoogu culusyahay.

Muda Haraad 3

Dhawaacan iyo dhimashada ayaa waxa ay ka dheen kadib markii ay ciidanka boolisku si arxan daro ah ugu furaan rasaasta nool nool dadka mudahaardka salmiga ah dhigayay ee dareenkooda ku muujinayay sida ay uga xun yihiin inqilaabka ay madxtooyadu doonayso inay xilka kaga qaado gudoomiyaha golaha wakilada Cabdiraxmaan Cirro.

8

7

9