Ku Darsoo Musharaxa KULMIYEna Waa Madaxwayne Siilaanyo Nin Ku Farxa Iyo Nin Ka Naxowba”

Ku Darsoo Musharaxa KULMIYEna Waa Madaxwayne Siilaanyo Nin Ku Farxa Iyo Nin Ka Naxowba”

cali_gurey

Hargeysa, (Saaanmedia.coml) Gudoomiye xigeenka 3aad ee Xisbiga UCID Cali Guray ayaa isagoo doorashooyinka iyo wadahadalka qaadhaan bixiyayaasha ku halqabsanaya sheegay, in beentii soo ururayso xaalkuna noqon mid runtiisu soo baxdo.
Mujaahid Cali Guray qoraal kooban oo uu barta facebook uu ku leeyahay uu soo dhigay, wuxuu ku yidhi,“Haday fooli timaado gudo qarsiimo hadhay. Qaadhaan bixiyayaashii Somaliland hawlaha doorashada ka taageerayay, ee weliba kharashka ku baxaya 80% iyagu bixinayay ilaa shalay waxay u kala dab qaadayeen Madaxwaynaha, Gudoomiyaha Guurtida iyo Shirgudoonka Wakiilada oo ah intii tooska ugu lugta lahayd ansixinta Wax ka bedelka iyo Kaabista Xeer Lam. 37 iyo ansixinta xubnaha cusub ee Komishanka Doorashooyinka oo ah labadii arin ee muranka la geliyay. Hadii taasi jirto way jirtaaye waxa muuqata in beenti soo ururayso oo run la isugu wada imanayo oon meel lagu kala warwareegaa jirin. Madaxwaynuhu waxa kale uu markii ugu horeysay cadeeyay inay ka go’an tahay qabashada labada doorasho ee Madaxtooyada iyo Wakiilada oo isa saar ah oo isku maalin dhaca sanadka 2015ka taas oo iyaduna meesha ka saaraysa shakigii iyo murankii ku saabsanaa in la kala qaado labada doorasho iyo ta la horaysiinayo ama la dambaysiinayo.

Marka xeerka iyo Komishanka la ansixiyo ayaa la odhan karaa suurtogal nimada doorashooyinka oo hadda lagu qiyaasi karo 40% inay mar keliya ku boodi karto qiyaas 70% inay qabsoomi karaan labada doorasho kal dambe hadii Alleh yidhaa. Ku darsoo oo musharaxa KULMIYEna waa Madaxwayne Silanyo nin ku farxa iyo nin ka naxowba”.