Kulan Xalay Dhex Maray Madaxweyne Siilaanyo Iyo Gud. Saleebaan Oo Natiijo La’aan Ku Dhamaaday

Kulan Xalay Dhex Maray Madaxweyne Siilaanyo Iyo Gud. Saleebaan Oo Natiijo La’aan Ku Dhamaaday

Salebannn  Siilaanyo

(Salaanmedia.com)- Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Md. Saleebaan Maxamuud Aadan iyo xubno kale oo qaar kood ganacsato yihiin oo ay isku beel ka soo jeedaan, ayaa xalay kulan saacad ku dhawaad qaatay la yeeshay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siinaayo, isla markaana kala hadlay sidii mooshinka saaka loo balasan yahay loo joojin lahaa.
Siday tibaaxeen xogo Warbaahintul ka heshay ilo lagu kalsoon yahay, Gudoomiye Saleebaan wuxuu Madaxweynaha u qadimay dalab la xidhiidhay inuu joojiyo mooshinka xilka qaadista Guddoomiye Cirro oo khilaaf iyo xiisad hor leh abuuray, arrintana lagu soo dabaalo wada hadal.
Xoguhu waxay intaa ku dareen, in Madaxweyne Axmed Siilaanyo uu diiday codsigaa Guddoomiyaha, isla markaana Guddoomiye Cirro ku tilmaamay inuu godob iyo abaal u galay, horena uu isagu u xidhay iridihii hawshu ku fududaan lahayd.
Siday xogaasi tibaaxeen Madaxweyne Siilaanyo, wuxuu u sheegay Guddoomiyaha iyo xubnihii la socday, inaanu doonayn inuu soo fara galiyo arrinta Golaha Wakiiladda.
Warku wuxuu intaa ku daray in Gudoomiye Saleebaan iyo Madaxweynuhu ay si adag isula jeexjeexeen arrinta, Gudoomiyuhuna wuxuu ku celceliyey inay xukuumaddu faraha kala baxdo Baarlamaanka, lana tixgeliyo nidaamka guud ee qaranka oo arrinta laga eegin dhinac shakhsi, loogana danbeeyo xalinta arintan isaga iyo Guurtidiisa.
Hase ahaatee Madaxweyne Siilaanyo muu aqbalin in la joojiyo waxa socda, waxaanu waqtiga kulankaasi dhacay ku beegnaa sida la sheegay xilli lagu tilmaamay, in la kala qaatay awaamiirtii ugu danbaysay ee fulinta mooshinkaas.
Hase yeeshee siday xogahaasi tibaaxeen Guddoomiye Saleebaan, wuxuu ku dedaalay inuu ku qanciyo madaxtooyada inay joojiso waxa socda, balse waxa la sheegay in lagu soo kala kacay natiijo la’aan shirkaa.
Wararku waxay intaa ku dareen, in Gudoomiye Saleebaan iyo Odayaasha Guurtidu la filayo inay ku kalahaan xarunta Baarlamaanka, siday arrinta gacanta ugu qabtaan.
Guddoomiye Saleebaan iyo xubnaha la socday ee ergada ahaa markii ay u tageen Madaxweynaha, waxa la sheegay inay la fadhiyeen Wasiirka xannaanada Xoolaha Dr. Cabdi Awdaahir, Guddoomiyaha Gobolka Gabilay Mustafe Cabdi Ciise (Shiine) iyo Wasiirkii hore shaqada looga eryay Cabdilaahi Geel Jire oo ka mid ah dadka aan shaqada tooska ah ka hayn madaxtooyada, balse maalin kasta ku ka laha madaxtooyada.
Siday Ilahaasi tibaaxeen Guddoomiye Saleebaan markii uu u galay Madaxweynaha oo nimankaasi la fadhiyaan, waxa la sheegay inuu ku tuuray erayo kaftan ah oo nuxurkoodu u dhacayey,”Waar kuwana ma Guddigii dagaalkaa”.