Kulankii Mujaahid Axmed Mire iyo Mujaahid Xuseen Aadan Cade Ee 31 Sano Ka Dib iyo Sheekadii Dhex Martay

Kulankii Mujaahid Axmed Mire iyo Mujaahid Xuseen Aadan Cade Ee 31 Sano Ka Dib iyo Sheekadii Dhex Martay

kulan1

(Salaanmedia.com) Xuseen Aadan Cade Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Wadani ayaa ka mid ahaa dhalinyaradii sanadkii 1983-kii soo dhamaystay tababarka Milatari Mujaahidiinta Axmed Mire iyo Xuseen Aadan Cade ayaa ku kulmay Magaaladda London ee Carriga dalka Ingiriiska.

Mujaahidiintan oo qayb libaax leh ka soo qaatay Xorayntii Dalka Somaliland ayaa kulankooda oo saacado kooban qaatay kaga sheekaystay waayihii ay u soo mareen dib u xoraynta iyo dagaalkii qadhaadhaa ee ay kala hor tageen dawladii Geeska Afrika mar ugu quwada waynayd ee Maxamed Siyaad Barre.

kulan(1)

Mujaahid Axmed Mire oo marka laga yimaado ka qayb galka Dagaalkii dib u xoraynta ka mid ahaa Bud dhigeyaashii Ururka SNM, ayaa geesta kala ahaa taliyihii hogaaminayay hawl Galkii ay ciidamada SNM Gudaha ugu galeen Magaaladda Burco.

Xuseen Aadan Cade Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Wadani ayaa ka mid ahaa dhalinyaradii sanadkii 1983-kii soo dhamaystay tababarka Milatari ee Dugsigii Baabuli, waxaanu Nasiib u helay in 31 sano ka dib uu la kulmo Mujaahid Axmed Mire oo isagu maalintii uu soo dhamaystay tababarka u dhiibay qorigii uu dagaalka ku galay.

Si aad ayay uga wada sheekaysteen marxaladihii iyo waayihii ku gedaanaa halgankii dib u xoraynta Somaliland.

Salaanmedia/London

Xigasho Hadhwanaag

kulan