Kuwii DUMAR Ahaa Maxaa Guryahoodii U Diidday Waa Yaabe? Qalinkii Muuna Axmed Cumar

Kuwii DUMAR Ahaa Maxaa Guryahoodii U Diidday Waa Yaabe? Qalinkii Muuna Axmed Cumar

MUUNAAAAA-150x150

Waydinkan illaa siyaasaddii galee bal waa halkaad ka gaadhaan’ ayuu si daandaansi leh ugu bilaabay hadal isagoo dhinacna ka furaya bac yar oo cad oo uu Buuri ugu guntanaa.
Daaqadda ayay eegaysay oo may maqlayn hadalkiisa. Intuu Buuri yar farta iyo suulka ku soo qaaday oo dhigay canka hoostiisa ayuu ku jeestay oo ku yidhi haddana ‘Kuwii dumar ahaa guryaha fadhiya ayaa loogu taag laayahay’ intay kor u soo eegtahay iyada oo yaabban hoostana iska leh talow odayga ma wax baa u dhiman ayay ku tidhi ‘Maxaad tidhi adeer?’ ‘Ma anigaad adeer I leedahay?’ Ayuu dib u su’aalay iyadii. Haa adeer miyaad ila hadashay? ‘
Adeer layne waxaan ku idhi inaadeer, kuwii dumar ahaa maxaa guryahoodii u diidday waa yaabe?!’ ‘Dumar noocma ah?’ ‘Dee dumarkiinan bannaanada uun ordaya ee raggii meel walba la taagan maxaa guryihiinii idinka soo saaray?’ ‘Haja, ee adiga maxaa kaa galay soo bixiddooda iyo joogistooda?’ ‘Imika adigu halkeed buugta u sidataa?’ ‘Wax baan soo baranayaa’ ‘Hadhowna in meeshii nin u quud tagi lahaaba aad la istaagto ayaad rabtaa?! JOOJI halkaa’ iyadoon wali jawaab siin ayuu baskii ka dagay.

Sheeko dhex martay Oday iyo gabadh da’yar oo Jaamacad u socotay

Qalinkii Muuna Axmed Cumar